Bogaadin iyo Baroor midna looma baahna

 


Tan iyo markii guddiga loo saaray ka soo talo bixinta furintaan ururo u baratama xusbi qarameed ma ar ag mana maqal qof iyo koox diidmo ka qabta oo kuma kalsooni ku tiraabaysa, sidaa daraadeed guddiga l agama fileen gar laba qof ka wada qoslisiisa, lagama fileen laba go’aan oo raali geliya labadii kooxood ee kala raacsanaa ha la furo iyo yaan la furin. Si roonba rabaa ogey, anigu waxaan waafaqsanaa dhinaca d oonayey in la ogolaado dib u furista.


Siday sheegeen guddigu iyaga iyo allahoode, kadib markay sameeyeen la tashi ballaadhan oo heer qara n ah wuxuu dadweynuhu ka geyn waayey in la furo ururo cusub oo la tartama kuwii hore u soo baratem ey ee ku guuleystey xusbi qaranimada. La isma muquunine, qoridii caarradiina laguma talin, sidaa in uu jeclaa Madaxweynuhu iyo inkale alla og,waxay u gudbiyeen talooyinkii dadweynaha ee ay soo ururiyeen xagay u badnayd. Xil loo igmadey ayay guteen iyaga iyo dadkii talooyinka dhiibtey, sobob loogu bogaadi yo go’aankii ka soo baxay iyo sobob looga baroortaa midna meesha ma taal. Waxaa intaa sii dheer in loo tartamo xusbi qaranimada shantii sanoba mar waa qodob distoori ah, Kulmiyana ballanqaaday in uu kag a dhabeeyo qodobka haddii la doorto, waayo xilligiisa ayay ku soo beegmeysey oo intii hore suurtagalba ma ahayn oo shantii sano ee hore waxaa carqaladeeyey dib u dhigistii doorashooyinka, duruufihii jirey iyo duufaantii mucaaridkii xilligaa ee gebi dhacleyneysey, muxaafidkuna ka faa’iideysanayey.


Waxaan leeyahay gardiid waa alla diide, arrin la soo gabgabeeyey oo waqti, mood iyo noolba ku baxeen ayaan bogaadintiisa iyo baroortiisa lagu dana seegin. Waxaa haboon in laga gudbo oo loo hogaansamo shar iyo kheyr wixii ka soo baxana aan ku taamiilo qaadano. Laakiin si aan sharkiisa uga hortagno aan k a hadlo waxa innagu soo fool leh iyo tallaabada xigta oo ah urur furashada.


Waxaa quman in la isweydiiyo nooca ururada dadweynihu doorbideen in la furo ay noqonayaan. Ma jaa ntaa rogan iyo ninkii waalaayo lagu fasaxbaa? Mise cilmi iyo caqlibaa innoo siyaadaya? Ma waxaynu u ba ahan nahay Ururo yeekuhu yahay beesha dhexe baashuhuna yahay Awdal, oo haddana Awdal iyo Burc o ku kala qaybsanaadaan, caynina ka dido, mise urur la isku baandhayey oo aan biig iyo ran kala lahay n? Ma waxaynu u baahan nahay urur qooqaa ka taliyo beel dabada gashanayaa, hadduu waayana jilib dabada gashanayaa? Hadday noocaa yihiin waxaan leeyahay maanta waxaanu ka leenahay kuwaa UCID , UDUB iyo KULMIYE oo uma baahnin kuwa kale oo isla habkaa adeegsanaya oo beelaha sii kala qaybsha.

Kuwaas qooqaagu taliyo oo kale shalay waxaanu ka lahayn Xusbi kacaanka Somaliyeed, kaasina nama a nfaco oo xusbi qof kelidii leeyahay waa laga dagaalamay, doraadna waxaanu ka lahayn kuwo reerba cal an qaatay oo taladood noqotay laguma dhaamee dhaqaaq. Mujaahid iyo faqashna indhaha ay leedahay maanta iibgelimaayo, ayaan la isku aaakhiro seegin. Waa halkii Gaariye eh “Mujrim ooga madaw oo islaa m sheeganayanacidi aamini meyso. Urur ku salaysan takoor meel gaadhi maayee sida da’da (Age discri mination), Cunsuriyada(race discrimination) iyo takoorka jinsiga (gender discrimination) iyaguna aayatii n ma leh oo waxay kala jebinayaan bulsho meel ku wada nool.(Waxaan takoorka ku keenay waxaan maq layey dhallinyaro durba urur ku dhawaaqday oo garaadkii ururkooda da’ ku saleeyey. Sidaan sawirka ka arkayeyna ragbay u badnaayeen iyaga oo markaa wixii iyaga ka weyn iyo waalidiintood haaraamaaya oo eed oo dhan fac gaar ah u xanbaariyey. Waa gartood lama yaabin oo siyaasi bulshada adeegsanaya mooyee may arag mid u adeega marka la reebo mid aan aqaan oo aanay iyagu ku dayan. Wax jagada dan gaar ah u adeegsanaya mooyee wax qaranka u adeegya may arag.)


Siyaasadu sida wax loogu tara ma ah in xusbi la furato oo aad jago qabato keliya. Adigoon Jago ku fadh iyinba waxbaad bedeli kartaa. Haddii waxaad ku wacdiyeyso aad ku dhaqanto oo lagaa arko, siyaasigu ku dhiiran mayo waxaan la isku ogeyn. Haddayse bulshadu tahay wada dayday, madaxda ka soo baxda ana waa daydaye bal ogow , ha da’yaraado amma ha da’ weynaadee, lab ha ahaado amma dhidig ha ah aadee, beeshiina ha noqdo amma beel kalaba ha ahaadee.


Haddaba, inta la iska dhaafo hanbalyada iyo baroor diiqda ku saabsan go’aankii gudida ka soo baxay, in ta Madaxweynuhu uu soo barakaynayo taladii loo gudbiyey, inta golaha wakiiladu soo xallaalaynayaan, inta golaha guurtidu qallinkii xurmada oo aan xajiin lahayn taladaa dadweynaha ku soo duugayo, hadda ad urur furaneysana soo bandhig bal waxaad dheer tahay kuwa jira ilayn beeshu kud intay ka guurto qanjo u guurimeysey, intiina kalaynaa soo bandhiga waxaad beri ka yeeleysaan iyo nooca ururka aad ka doorbidaysaan kuwa haatan jira
 

 

 

 

 

Hamud  Duale