Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise, oo maanta oo Khamisa ,27 October,2016 ,aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa

انا للة وانا الية راجعون

 

 

 

 

 

 



Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng. Maxamed Cali Muse iyo ka dhammaan hawl wadeenada Bahda Timacade News Network (TNN) , ee ku kala sugan dunida dacaladeeda,waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii,ehelkii,qaraabadii,xigaalkii,gacalkii,asxaabtii,Ciidamada Qaranka iyo dhammaan sh acabka Somaliland,geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen, Marxuum,Gaashaanlle Sare,Faysal Kaamil Ciise,oo maanta oo Arbaca ah, 26 October,2016, ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee maga alada Hargeysa.

Waxaanu Allaha awooda leh uga baryeynaa inuu marxuumka naxariistii janno Fardawsa ka waraab iyo, danbi dhaafna u fidiyo, iilka u nuuro , neecaw udgooniyo , ku siiyo naruuro, dhammaanteena s amir iyo iimaan innaga siiyo, aamiin aamiin aamiin.








Maamulka Timacade News Network (TNN)


 


 

Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 



Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale, Adan Muse Cilmi (Adan Shiine) oo Tacsi Tiiraanyo Leh U diray  Qoyska, Qaraabada &  ehelada uu ka baxay Marxuum, Gaashaanle Sare, Faysal Kaamil Ciise


Gudoomiyaha degmada Tog.wajaale oo ku hadlaya afka shacabka degmada Tog.wajaale , waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Marxuum Gaashaanle Sa re Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 26/10/ 2016. Waxaannu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa qoysaska ilma Kaamil iyo dhamma an reer Kamil Ciise Habbane.


Marxuum Faysal Kaamil Ciise waxa uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay inuu ahaa Sarkaal dadaal badan oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo qayb qaadatay Halgankii dib-u-xoraynta dalka Somaliland, sid oo kalena ku suntanaa sarakiisha aqoontooda ciidanimo sida wayn u dhisantay 25 sanno ee Soma liland ahayd dal madaxbannaan, isagoo ka gaadhay darajada Gaashaanle Sare iyo Taliyaha Ciidan ka Madaxtooyada Somaliland.


Guddoomiyaha Adan Muse Cilmi (Adan Shiine), waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannad iisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

 


 

Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 

 


Inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun.

Ilaahay uun baa ma dhinte ah geeriduna waa xaq, wayse kala naxdin badan tahay Anigoo ku had laya magacayga iyo ka Jaaliyadda somaliland ee ku dhaqan Gobolka Bari ee dalka s..arabiya waxaa nu halkan tacsi tiiraanyo leh u marinaynaa Reer Kamil Ciise iyo dhamaan Qaran ka somaliland, geer ida naxdin ta leh ee ku timi saaxiib kay Gashaanle Sare Marxuum Faisal Kamil Ciise.

Waxaanu ilaahay uuga baryay naa naxariis waasic ah iyo inuu Ku abaal mariyo Janaful Firdawsa, inagana siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.


INAA LILHAA WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Waa Abdulkhaliq Ali.

 

 


 

Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala du wan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 26/10/2016, Hargeysa.

Madaxweynuhu Waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sarkaal hawl kar ah oo muddo ka soo ag shaqee yey, intii uu ahaa taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, qarankana ku lahaa taariikh lama illaawan ah, kana tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland isagoo ka mid ahaa saraakiishii bud-dhiga u ahaa aas-aaska ciidamada qaranka ee heeganka u ahaa wakhtiyadii adka ee qaranku ka soo gud bay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciida mada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Sar aakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Ehela dii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
 

 

 


 

Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 

 


INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN


Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, gu ddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha baaxadda weyn e e Xisbiga WADDANI ku lee yahay gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ah aan shacabka Somaliland, gaar ahaan ciidamada dalka isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdi nta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Taliyahii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL M arxuum/Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise oo maanta oo taariikhdu ahayd 26/10/2016kii ku geeriyoo day magaalada Hareysa.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa Ehelkii, Q araabaddii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo na ku siffeeyey in uu ahaa adoon wana agsan oo Alle ka cabsi badan, sida oo kale na uu ahaa Sarkaal Ciidan oo si daacada ugu adeegi jira y Qaranka Somaliland, kuna tilmaamay in uu ka mid ahaa Saraakiishii aas aasay Ciidamada Qaranka Somaliland ee habeen iyo maalin ba heeganka u ah ilaalinta nabadda iyo amaanka guud ee Qaran ka JSL.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu naxariistiisii jannatul Fardowsa uu ka waraabiyo, Eheladdii, Qaraabaddii, Asxaabtii iyo guud ahaan ba Ciidama da kala duwan ee Qaranka na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN

 


Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa, Somaliland

 

 

 


 

Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 

 


26 Oct. 2016

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxw eynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, g arabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIY E, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka gee rida ku timi Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Marxuum Gaa shaanle Sare Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu ta hay 26/10/2016. Waxaannu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa qoysaska ilma Kaamil iyo dhammaan reer Ciise Habbane.

Marxuum Faysal Kaamil Ciise waxa uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay inuu ahaa sarkaal dadaal badan oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo qaybqaadatay halgankii dib-u-xoraynta dalka Somaliland, sid oo kalena ku suntanaa sarkiisha aqoontooda ciidanimo sida wayn u dhisantay 25 sanno ee Somalil and ahayd dal madaxbannaan, isagoo ka gaadhay darajada Gaashaanle Sare iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabi yo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

 

 


 

Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 


Tacsi murugo leh


Dhammaan jaaliyada reer Somaliland ee degan wadanka Holland waxay halkaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, qowskii, ehelkii, qarabadii iyo dhammaan qaranka Somaliland geeridii naxdinta leh ee k u timid illahay naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Fey al kaamil Ciise oo maanta oo ay taa riikhdu tahay 26-10-2016 ku geeriyoodaya Caasimaa Somaliland eeHargeysa.

Waxaanu ialahay uga baryeynaa inuu qabriga u nuuro, dhammaantiina samir iyo iimaan inaga siiyo amiin ya alla.


Maxamed Yuusuf Buux

Holland.

 

 


 

Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

انا للة وانا الية راجعون

 

 

 



DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM COL FAYSAL KAAMIL



Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Ama al Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan REER KAAMIL, Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa.

Col Faysal waxuu ahaa Sarkaal ciidanka ah, isagoo ahaa muddo dheer Taliyaha Ciidanka Madaxto oyada, oonu aad isagu baranay. Nin xarogo badan, dad aqoon ah, kaftan badan, bulshaawi aan cidna ka weji dedbin xitaa kuwa ay siyaasadda meelo kala fog kala joogaan.

Col Faysal Kaamil waxaan tacsida la wadaagayaa ciidanka qaranka, ciidanka madaxtooyada ee uu hoggaanka u hayey mudada dheer, shaqaalaha Madaxtooyada ee uu ku laha asxaab badan ooy ugu horeeyaan La-taliyaasha, waxaan sidoo kale la wadaagayaa Gobalka Gabiley ee uu ka soo jee dey, iyo xididkiisa Burco Bari.

Col Faysal waxa iigu dambeysay bishan October horaanteed oo aanu salaadda Maqrib iyo Cishaba ku wado tukan jirnay Masjidka Hotel Gulaid, nin caafimaad qaba oon in yar oo xanuun ihi ka muu qan ayuu ahaa. Naftu meel ma jirto, oo ruux waliba wuu dhadhamin geerida iyo xiliga Alle u qoray.

Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkiisa wacnaa, dambigiisana dhaafo uguna naxariisto wanaaga uu la jeclaa ummadiisa.

Col Faysal Kaamil waxa lu geeriyooday maanta 26/10/2018 iyo magaalada Hargeysa.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.



Mustashar Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga

samotalis@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo/