BOGGA
HAMBALYADA EE MADAXWEYNAHA SOMALILAND
MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD
(SIILAANYO)
Suldaan
Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Hambalyo u d i ray Madaxweynaha
Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Suldaan
Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan
Hargeysa
(TNN)
Suldaan
Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,
oo ka mid ah Salaadiinta Somalila nd ayaa Hambalyo u diray
Madaxweynaha Somaliland
Mudane Axmed
Maxamed Maxamud (Siilaanyo)
iyo ku xigeenkiisa
Cabdiraxmaan Saylici
, guusha ay ku guulaysteen Doorashadii Madaxtinimada ee 26 kii
bishii June 2010 ka dhacday Somaliland .
Suldaan
Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,
waxa uu masuuliyiinta la doortay ilaahay uga ba ryay in
hawashaa loo igmaday
u fududeeyo,kuna asturo.
Waxa kale oo uu Hambalyo iyo bogaadin u diray
shacbiga Somaliland,
Komishanka
Doorash ooyinka
iyo Ciidamada
Qaranka Somaliland
, sidii wadaninimada lahayd ee ay u sugeen nab adgelyada,
doorashadana u guteen.
Timacade News
Network (TNN)
Hargeysa
Somaliland
Anigoo ku hadlaya magacayga
Eng.Maxamed Cali Muse,ka
dhammaan Bahda
Timacade New s Network
TNN
, ee ku kala sugan dunida dacaladeeda,waxaanu hambalyo u diraynaa
Mud ane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo
ku guulaystay
Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland.
Waxaanu ilaahay
uga baryaynaa, inuu xilkaa ummaddu u igmatay u fududeeyo,kuna
astur o, Aamiin,Aamin,Aamiin.
Waxaan kale oo aan
hambalyo
u diraynaa Mudane
Daahir Riyaale
Kaahin,
go,aankii geesini mda iyo wadaninimada lahaa ee uu ka soo saaray
hadaladii Xisbiga
UDUB
ka soo yeedhay iyo
ballan qaadkii uu ku dhawaaqay inuu ku qancayo wixii go'aan ah ee
Komishanka Door ashooyinku soo saaraan.
Engineer Mohamed Ali Muse
Civil Engineer
Senior Computer
Network Specialist
Editor in Chief
& Webmaster
Timacade News Network (TNN)
www.TimacadeNews.com
Waxaan
hambalyo
iyo salaan
kal iyo laab ah u dirayaa
Mudane Axmed Maxamed
Maxamud (Siilaanyo),oo
ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee ka dhacday
Somaliland. Waxa an ilaahay uga baryayaa inuu masuuliyadda loo
doortay u fududeeyo,dalka iyo ummadana horumar gaadhsiiyo,Aamiin.
Waxaan kale oo aan
hambalyo
u dirayaa Mudane
Daahir Riyaale
Kaahin
, go,aankii
geesini mda iyo
wadaninimada
lahaa ee uu ka soo saaray hadaladii Xisbiga
UDUB
ka soo yeedhay iyo ballan qaadkii uu ku dhawaaqay inuu ku
qancayo wixii go'aan ah ee
Komishanka Door
ashooyinku soo saaraan.
Cabdirisaaq Cali Muse
(Shiine)
Birmingham
UK
Waxaan hambalyo
u dirayaa
dhamaan dadweynaha
Reer Soomaaliland
oo aan ugu hamba yeynaayo, sida xilkasnimada leh ee ay u
guteen wajibaakii doorashda dalka ka dacday . waxaa kale oo aan
hambalyo
taasi la mid ah u dirayaa, Madaxweynaha cusub ee Jamuhuur iyada
Soomaaliland.
Mr. Axmed Siilaanyo,
oo aan leeyahay ilahay ha kugu garab galo xiska asi laguu doortay.
Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa
Maxadaxweynihii hore
ee Soomaaliland, mudane
Da ahir Riyaale
go,aanka geesinimada leh ee uu qatay,kuna sheegay inuu si buuxda ugu
kalso on-yahay go,aanka ka soo baxa gudiga doorashooyinka.
Arrintaasi oo runtii muujisay inuu yahay nin wadani ah, dadaka iyo
dalkana laxejeclo ka qaba.
Maxamed Yuusuf
Buux.
Hambalyo iyo Bogaadin
Waxaan hambalyo diiran u dirayaa madaxweynaha iyo
madaxweyne-ku-xigeenka la door tay
Mudane Axmed Siilanyo
iyo Mudane saylici.
Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu ku garab galo xilka culus ee loo
doortay una rajaynayaa inay si weyn ugu guulaystaan arrimaha
nab adgelyada, midnimada, cadaaladda, aqoonsiga, iyo horumarka dalka.
Waxaan kale oo hambalyo u dirayaa dhammaan Shacabka Somaliland ee
sida nabadgelyada leh ku codeeyay una quusgooyay cadowga Somaliland.
Sidaas oo kale waxaan bogaadin u dirayaa Guddiga Doorashada Qaranka,
Ciidamada Qalabka Sida iyo Hawlwadeenadii Gooba ha Doorashada
sida ay iskaga xilsaareen in doorashadu ku qabsoonto si nabadgelyo
isla markaana u noqoto mid nadiif ah.
Doorashadanu waxay dhidibada u sii aasaysaa madaxbanaanida iyo
dawladnimada Somalil and waxayna soo dedejinaysaa aqoonsigeeda
Beesha Caaalamaaka.
Ibrahim Hassan Gagale
July 3, 2010
Hambaliyo Ku Socota Madaxweynah Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo
Iyo Madaxw eyne Ku Xigeenka La Doortay Md Cabdiraxman
Cabdillahi Ismaciil Saylici
Hamabaliyo
Hambaliyo Hambaliyo
Waxaan halkan ka hambalyaynayaa Madaxweynaha iyo madaweyne ku
xigeenka cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda Somaliland
Md Axmed Maxamed
Maxamud (Siilaanyo)
iyo Md
Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici),
Waxaa iyaguna sharaf iyo qadarin aan la soo koobi karin mudan
dhamaan aadna aan u hambalyaynayaa shacabka reer Somaliland igaar
ahaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaashii
kale ee doorashada ka qayb qaatay gutayna waajibkoodii muwaadinnimo.
Waxaynu qaadanay nidaamka dimuqraadiga ah ee muwaadinku waxna dooran
karo isna la dooran karo., Inkasta oo shacabka Somaliland ay si
nabad galyo leh u kala taageerayeen sedexda xisbi qaran una kala
codeyeen xisbiyada hadana waxaa hubaal ah in intaba mid ka wayni
jirto, ahna qaranimadeena iyo dawladnimadeenna oo la wada ilaashado,
gacmahana dib la isu qabsado oo la isugu soo noqdo walaaltinimadii .
Shacabka Somaliland waxay maa nta muujiyeen dimuqraadiyad aan
hore looga baran dawladaha sedexaad gaar ahaan qaar adda
africa oo madaweyne kastaaba xukunka xejisto illa uu ku dul
dhimanayo.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin sidii u ku sheegay
w ar saxaafadedkisa wuxuu noqon doona madaxweyne taariikhda Africa
meel wanaagsan ka gala laguna xasuusta raadkaaiyo dhaxalkaa fiican
dimuqraadiyadda dalka uu uga tagayo.
Insha ALLAAHU guushaa doorashada ee sida nabadgalyada ah inoogu
dhamaatay waxaa inoogu xigi doona Ictiraafkii dibloomasiyadeed oo
hubaal aynu ku kasban doono guusha iyo degannaanshaha ka muuqda
dalkeena.
Somaliland Ha
Noolato
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada
Annga oo ah
Gudiga Kulmiye
laanta Bristol
,
xubnaha taageerasha ah
ee reer Bristol
iyo dhamaan
dadka degan magaalada
Bristol
, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa
m adxweynaha cusub ee
somaliland iyo
dadwynaha aad u qiimo badan ee gartay in ay in gac antooda ku
doortaan cida hogaaminaysa dalka waa mahadsantihiin dadweynow.
Sidaasi darteed waxaanu leenahay
Hambalyo madaxweyne
adiga iyo
ku xigeen kaaga
ilaa hay ha idinku asturo xilka aad qaadeen oo aanu idinka
rejaynayno in aad ku guulaysan do ontaan wixii la idiin doortay.
Hambalyo
Hambalyo
Madar Ismail
Bristol UK
HANBALYO KU SOCOTA MADAXWAYNAHA CUSUB MUDANE AXMED MAXAMED SIILAANYO
Waxay udub isku dhajisaba wakaa
xaaji axmed ku
ruqaansaaday kursigii madaxtooyada .
Waxay noo kordhiya ku andacoodaanba wakaa mujaahid axmed maanta
shacabkii doortay.
Waxaanu leenahay
HANBALYO ,HANBALYO ,hanbalyo
Madaxwaynha cusub ee somaliland muj axmed maxamed siilaanyo waxaanu
ka filananaa inuu saxo dhamaan qaladaadkii dhacay Waxaanu ka
rajaynaynaa inuu dhiso cadaaladii bu rburtay iyo sinaantii
waxaanu ka rajaynaynaa madaxwaynaha cusub in dadka jeelasha ku jira
ee aan maxkamad la hor keeenin degdeg loo sii daayo.
waxaanu ka codsanaynaa in hantidii dadwaynaha ee la boobay si
dhakhso ah umada loogu soo celiyo
Hawl wayn ayaa laguu doortay madaxwayne axmed siilaanyo waxaan
leeyahay ilaahay hakuu fududeeyo xilka aad qaaaaday waxaan kuu
rajaynayaa guul iyo horumar iyo waqti fiican Waxaan leeyahay
madaxwaynaha cusub maanta waqti ayaad haystaa inaad ku saxdo dhamaan
wixii inaga burburay SHacbi aad kuugu hanwayn oo ku jecel ayaa ku
hort aagan waxaanay kaa sugayaan waxqabad --- sinaan ---- cadaalad
Markale waxaan leeyahay hanabalyo ku socota madaxwaynaha cusub
mudane muj axmed
maxamed siilaanyo
Kaas oo ku guulaystay
doorashadii ka dhacday dalka helaynay
49%
halka xisbiga
udub helay 33%
xisbiga ucidna 17%
wabilaahi tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London uk
Boogaadin from Norway to the new Somaliland President Siilaanyo
Eng. Ahmed
Abdullahi Obsiye
waxaan hambalyo iyo bogaadin hawada umarinayaa dhamaan umada reer
somaliland gaar ahaan intii codkooda kudooratay
madaxwaynaha hada
talada dalka Jamhuuriyada Somal iland
loo magacaabay.
waxaan leeyahay somaliland guul iyo gobanimo ayaa usoo hoyatay ee ha
laysu hambal ye eyo hana laysu duceeyo in illahay inoo siyaadiyo
nimcada laxaadka leh ee uu inoogu nimce eyay isagaa casa
wajala awood leh naxariistana hayee haynoo raxariisto aakhiro iyo
aduu nba
waxaan leeyahay umada reer somaliland waxaa inala gudboon inaynu
uducayno madaxda cusub ee jamhuriyada Somaliland waayo waa
aayaheenii umada masiirkii umada mustaqb alkii umada
jiritaankii qaranimada somaliland waa dhamaan manfaceenii ee haloo
duceeyo mas`uuliyiinta talada fushay inaan illaahy tusun wax dhiba
waxkastookhar uleh dadka iyo dalkana in illaahy ufududeeyo oo ay si
sahlan kufuliyaan hawlaha qaranka ee qabsoomi wa ayay
mudooyinkii lasoo dhaafay
guntii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay guusha yaa leh reer
somaliland ayaa iska leh gee rida yaale cadawga somaliland baa leh
ilaahoow noo sahal aqoonsiga
illaahoow noo sakhir aduunyada
illaahoow noo saacid mus`uuliyiinta
cusub
aamin aamiin aamiin
Mustafa Axmed Kayse
Gudoomiyaha Ururka SOLCO
HANBALYO IYO BOOGAADIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA CUSUB
MUDANE AHMED
MOHAM ED MOHAMUD.
IYO LABADA GUDOOMIYE EE KA QEYB GALEY TARANTII DOORASHOOYINKA
Salaanta islaamka ka dib.Waxaam halkan hanbalyo iyo salaan qaaliya u
marinaya Madaxw e ynaha Cusub ee Jahmhuriyada Somaliland
mudane Axmed Mohamed
Mohamud Silaanyo.
Waxaan madaxweynaha Alle uga baryaya in xilka umada ee loo doortey
uu Alle u fududee yo kana yeela mid dalka iyo dadka gaadhsiiya
horumar iyo barwaaqo. Iyado dhanka kale ay waajib tahey in
madaxweynaha loogu hagar baxo sidii loogala shaqeyn lahaa hawlaha
qar anka ee horyaala.
Dhanka kale waxaa iyaguna hanbalyo iyo sharaf mudan labadii musharax
ee ku tartamayey magaca labada xisbi ee UDUB iyo UCID. Madaxweynihii
hore ee Jamhuriyaa Somaliland mudane Daahir Riyaale kaalin oo
taariikhada baal dahaba kaga galey sidii taariikhiga aheyd ee ugu
qancey in marka hore la qabto doorashooyin xor ah iyo sida uu markii
danbe ugu qancey natiijadii doorashada ka soo baxdey.
Waxaaisaguna hanbalyo mudan Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal
Cali Waraabe oo runtii dadaal iyo juhdi badan geliyay in Somaliland
noqoto wadan madaxdiisu ku timaado hab democracy ah.
Somaliland ha noolato.
Guul iyo gobanimo.
Allaa mahad leh
Osman Omar Dool
London UK
Waxaan Halkan Hambelyo Iyo Bogaadin Uga Dirayaa Madaxweynaha Cusub
ee Somaliland
Mudane Ahmed
Maxamed Maxamud Siilaanyo
Oo Noqdey Madaxweynihii Afraad Ee Somaliland ,
Mudane Ahmed Siilaanyo Waa Halyey Qaran oo U Qalma Madaxweynenimada
Somaliland ,
Isagoo Ahaa Gudoomiyihii SNM,
Mudane Siilaanyo Ilaahey Waxaan Uga Beryaa in u Xilkaas Cusub U
Fududeeyo ,
Noqdana Madaxweyne Fuliya Balanqaadkii Dadweynaha Somaliland Ku
Doorteen ,
Siilaanyo, Waxaa Uu Todoba Sano Ka Hor Kula Tartamey Madaxweynaha
Hada uu Ka
Guuleystey ee Daahir Riyaale Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey ,
Waxaa Kale Oo U Hambelyeyna Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub Mudane
Abdiraxmaan Saylici ,
Shacabka Somaliland Waxey Muujiyeen Horumar Balaadhan oo Aaney
Gaadhin Wadamo Badan oo Caalamka Ahi ,
Taas oo Magac iyo Maamuus u Soo Hoysey Qaranka Somaliland
Ilaahey Waxaan Uga Beryayaa Madaxweynaha Cusub iyo Xisbiga Kulmiyaba
In Xilkaas u Fududeeyo ,
Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
WAABAA BERYEY BILICSAN , AROORYO BAXSAN Maalin Boqran
Fouad Abdisalam Hassan
National04@hotmail.com
Anigoo ku hadlayaa magaca taageerayaasha xisbiga kulimye ee magalada
Ottawa dalka Canada waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane
Axmed
Maxamed Maxamuud (Si ilaanyo) iyo
mudane Cabdirahaman Cabdillahi Saylici
oo ku guuleystay jagada Madaxweyna ha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka doorashadii 26kii June/2010.
Mar labaad waxan hambalyo u dirayaa dhammaan taageerayaasha xisbiga
Kulmiye ee gu usha soo hooyay meel ay joogaanba.
Mar Seddexaad waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda reer
Somaliland ee guushu u soo hoyatay, waxanan leeyahay “Kulmiyaa
helayee Kadabaa dhaha ee”
Guul barwaaqo.
Allaa Mahad leh,
Eng. Mohamed Abdillahi Nur
Ottawa, Canada
Anaga oo ah dhamaan
Ardayda Somaliland ee
wax kabarata dalka Pakistan
waxaanu Ham balyeeynaaynaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland
Ahmed Maxamed
Siilanyo, oo
tart ankii doorashada Dimuquradiga ahaayd ku Gulaaystaay, waxaana .
Waxaanaaynu Rajaayn aaynaa Inuu dalkeenu Gaadho Isbadal dhinac walba
leh Maadama Xukumad Cusub aay Timid Waxaana Hamblayada Diraayah
Axmed Xaashi Cali
Maxamed Jawhar Sheekh Cali
Maaliki Cabdi Xuseen
Cabdirisaaq Ismaciil
Cabdixakiin Ahmed Cali
faraxaan Siciid Gees
Cabdirisaaq Siciid Gees
Khadar Maxamed Faarax Caynaanshe
Maxamed Ciise Yusuf
cabdikariin Ciise Yusuf
Ahmed Maxamed Cabdi
Xamse Muuse Qodax
Idiris Muuse Cilmi
Salman Xasan Cumar
Ahmed Sheekh Ibaarhim
Mahad Nuux Muumin
Xasan Saleebaan Cali
Mahad Nuux Muumin
Mahad_nuux09@hotmail.com
Pakistan
Islamabad
Hambalyo Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
marka kowaad waxay mahad u sugnaatay allaah subxana watacaala suurto
galiyey inay ino qabsanto dorasho xor iyo xalal marka xigta waxan
amaan iyo hanbalyo mudan shacbi waynaha reer somaliland oo muujiyey
wadaniyadnimadooda iyo codkoda iyo doonistoda hadan inta ku dhaafo
waxanu halkan uga hanbalyeeynaynaa madaxwaynaha cusub ee
jamhuuriyada somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo
waxanu leenahay hanbalyo waxana u rajenaynaa in ilahay uu la garab
galo xilkaa wayn ee lagu igmaday noqona mid cadalada iyo sinaanta ka
shaqeeya iyo midnimada qaranka waana guul uso hoyatay dhamaan
shacabka somaliland meel kasta ooy joogaan
salama calaykum
Qalinkii: Caydaruus Faarax
ARDAYDA
SOMALILAND EE INDIA
Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Yemen Oo Hambalyo U Diray
Madaxweyne Ahmed Silla anyo Iyo Ku Xigeenkiisa Abdirahman Zeiylici
Anaga Oo Ah Jaaliyada Reer Somaliland Ee Degan Dalka Yemen Waxaan U
Diraynaa Hambalyo Madaxweyne Ahmed Sillaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa
Abdirahman Zeiylici
Dhamaan Jaaliyada Somaliland ee degan dalka Yemen gaar ahaan
Jaaliyada reer Awdal ee degan Sana’a waxay hambalyo iyo bogaadin u
dirayaan Madaxweyne Ahmed Sillaanyo iyo ku xigeenkiisa Abdirahman
Zeiylici.oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee Somaliland
waxaan illaahay uga baryeynaa in uu ilaahay u fududeeyo xilka ay u
qabteen dadkooda iyo dalkooda waxaana la garabtaaganahay hiil iyo
hooba hadii aanahay Jaaliyada reer Awdal ee degan Sanca Yemen.
Dhamaan shacbiga Somalilandna waxaan u rajaynaynaa guul iyo gobanimo
iyo walaatinimo in lagusoo dhaweeyo madaxda cusub ee ku guulaystay
loolanka doorashada 26/Jun/2010.
Mahammed Abdirahman Sharif
Guallab@Gmail.Com
Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Madaxweynaha cusub ee xilka loo
doortay Axmed maxamed Maxamuud (silaanyo).
waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay ku guuleeyo masuuliyada culus
ee loo doortay. Waxaan aaminsanahay in Axmed uu leeyahay kartidii
aqoontii iyo xirfadii uu wadankii ku hogaaminlahaa hadii ay noqon
lahayd siduu u hor marin lahaa wadanka gudihiisa ama aqo onsi
caalimiya uu wadanka ugu raadin lahaa. Iyo shaqo abuurid dhanka
dhalinyarada ins hallaah. waxaan kale oo aan hambalyo u
dirayaa madaxweyne ku xigeenkiisa (Saylici), KOM ISHANKA QARANKA OO
SI GEESINIMO LEH U GUTAY HAWSHOODII iyo dhamaan dhalinyarada xisbiga
ucid.iyo shacbi waynaha soomaaliland Iyo Dhalinyarada Reer
somalilandba . meelka sta oo ay joogaanba waan salaamaya AWC. waxaan
intaasi ku darayaa si wanaagsan ayey inoogu dhacday ilaahay ayaana
mahadaa leh.
Somaliland gul Iyo ucid ba
Hussein abdi dahir
Gud:
dhalinyarada xisbiga Ucid Ee qorba joogta Iyo Yurub
Hussein677@ hotmail.Com
hanbalyo guusha shacabka somaliland ee codkaada waxna kudoorankara
waxnakuridikara
!!!!
waxaan hanbalyo aanlasookoobikarin hawada umarinayaa dhamaan
shacabwaynaha
jamhuuriyada somaliland eekunool aduunayda daafeheeda iyo wadankooda
hooyaba sida
wanaagsan ee aduunkuba uladhacay ee aay u muujiyeen rabitaankoda iyo
asluubata
wanaagsan eekamuuqatay maalmihii codaynta iyo markii lagudhawaaqayba
waxaayana mudanhanbalyadaa halyayyada doorashada hogaanka uhayaygaar
ahaan gudida kumisha nka ee sida xalaasha ah umaamulay waxaan
la illaawikarin oobaaldahaba kagalay taarii khdasomaliland
madax waynihii hore ee jamhuuriyada somaliland md,
daahir riyaale kaahin
oomudan in maamuuskiisa iyo sharaftuu leeyahay marna aan la
qarinkarin
waxaa isna sidoo kale hanbalyo mudan gudoomiyaha sixbiga mucaaradka
ah ucid eng. fa
ysal caliwaraabe
sida fiican ee uu uhanbalyeeyay guushii mucaarad ahaan usoohoyatay
waxaa isna hanbalyo iyo soodhawayn mudan madaxwaynaha cusub
eeladoortay md mj
axmed maxamed maxamuud
(siilanyo)
sikastaba ha ahaatee yana waxaa aad loola dhacay
asluubta iyo wanaaga
saxaafada somaliland
shacabkeeda warka
ugusootabisay iyo illaali ntii anshaxa oo ay hirgaliyeen
waxaan inoo rajaynayaa citiraafkiina waa intaas oo loogala
siidhawaado guul iyo gobanimo qaranka somaliland
Md,kayse jamac daa,uud
somalilander
Malaysia
tell:0060173756578
Email:kayse436@hotmail.com
|