Boqorka dalka Kuwayt Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah ayaa saaka xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

 



 

Kuwait,May 1st, 2011(TNN)-Boqorka dalka Kuwayt Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah ayaa saaka xafiisk iisa si weyn ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hugaaminayo ee booqas ho hawleedka ku jooga wadanka Kuwayt. Boqorku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku amaanay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga reer Somaliland ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada iyo hanaanka dawladnimo ee ka hanaqaaday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) ayaa Boqorka dalka Kuwayt uga waramay xaaladda guud ee dhinac-yada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabad-gelyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladuba ka sameeyee n dhinaca nabadgelyada iyo horumarka iyo caqabadaha hor yaala ee u baahan in ay dawladda Kuwayt ka ca awiso somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Boqorka u gudbiyey buqshad qoraalo ah oo koobaysa baahiyaha ay Somaliland qabto kuwaas oo uu Madaxweynuhu Boqorka ka codsaday in uu ka caawiyo. Madaxweynuhu w axa uu Boqorka u sheegay in ay Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa ku jira sida shi daalka iyo macdanta iyo weliba khayraad dhulka dushiisa iyo badaba ku jira sida beeraha, xoolaha iyo kalluun ka, Sidaa awgeedna ay diyaar u tahay in ay fududayso oo ay soo dhawayso cid kasta oo maalgashi ku samay naysa gaar ahaana dawladda Kuwayt iyo tujaarteedaba. Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Boqorka uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha leh ee ay dawladda Kuwayt ku qaabishay weftig iisa iyo niyadsamida walaalnimo ee ay u muujiyeen. Boqor Sabah Al Ahmed Al Jaabir Al Sabah ayaa gunaanad kii kulankaas Madaxweynaha ku dhiiri geliyey in ay Somaliland ku fara-adaygto nabadgelyada ay samaysata y.

Waxaanu ballanqaaday in ay dawladda Kuwayt diyaar u tahay in ay Somaliland wax la qabato iyadoo ay imik aba jiraan mashaariic horumarineed oo ay Kuwayt Somaliland ka wado. Boqorku waxa uu Madaxweynaha wa ji furan ugu ballan qaaday in uu tixgelindoono codsigiisa ay xambaarsan yihiin qoraalada uu u gudbiyey.

Markaa ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu kulan muddo saacad ah qaatay la yeesheen Hay'add a Kulmisa hay'adaha iyo ururada sama-falka ee wadanka Kuwayt. Waxaanu Madaxweynuhu uga xaal waram ay kaalmada uu shacbiga Somaliland uga baahanyahay hay'adahaas sama-falka ee muslinimo iyo benni-aada nimo. Hay'adahaa ayaa iyaguna sheegay in ay diyaar u yihiin gacan ka geeysashada taageerada ay u baaha nyihiin shacbiga Somaliland, dhawaana soo diri doonaan koox diraasad ka soo samayn doonta Dalka Somalila nd.

 



ALLAA MAHAD LEH


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.