u diyaar garowga maalinta qaran ee somaliland ayaa si wayn looga dareemayaa magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer


 

Weriye Axmed-hanad Guray Baqaye




Burco (TNN)-Iyadoo maalmo yari ka hadhsan yihiin xuska maalinta 18ka May , waxaa magaada Bur co , oo ah hooyadii dalkani Somaliland , ahna goobtii u horaysay ee calanka Qaran ee Somaliland laga taago , si wayn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta xusida mudan ee 18ka may.
maaliuntasi oo ah maalintii ay somaliland xoriyadeedii lixdankii luntay la soo noqotay sanadii 1991 bishi may 18keedii.



waxaana  goob kasta oo aad istaagto iyo dariiq kasta aad ku arkaysaa calamo aad u qurxoon oo ka lusha afaafka hore ee meheradaha magaalda Burco, waxaa xusid mudan bakhaarada iyo Hudhe elada ay ka mid kayihiin Hotel Barwaaqo iyo bakhaarada Ilma indhadeero ,ayaa lagu arkay mucjiso aan hore loogu arag dalkani somaliland ,waxaa qaab dhar ahaan ah loogu xidhay calanka Somalila nd labadan goobood ee aynu soo xusnay.

Waxaa goobaha lagu tosho dharku la liic liicayaan malaayiin dad ah oo safaf ugu jira tolashada dh ar ka samaysan calanka dalkani Somliland.Waxaa si xawliya kor ugu sii kacaaya qiimaha la kala sii sanaayo calamaanta iyo maryaha ka samaysan sumada dalkani gaarka u leeyahay, ee ah calanke ena saddexda liid iyo xidigta leh ee aadka u qurxoon.


Waxaa widhwidh iyo wax laka boobo noqday sumad kasta oo uu kus awiran yahay calankan Somal iland.waxaa xadi beelay meheradaha iyo guryaha lagu xardhaayo calanka somaliland.waxaad goob kasta oo aad magaalada ka tagto aad ku arkaysa dad aad u tiro badan oo ku labisan calanka som aliland oo isugu jira haween iyo rag .

Mar ay weriyayaasha  Timacade News, la kulmeen qar ka mida dhalinyaradii ku labisnayd calanka Somaliland ,ayaa waxay nooga war bixiyeen dareenkooda ku aadan xuska malintan Qaran,waaana ka mid ahaa erayadoodii "Waxaan aad ugu farax sanahay in aan maanta ku labisanahay calanka Qarankan Somaliland ,waxaanan illahay ugu mahad naqaynaa in ay Somaliland nabad iyo barwaa qo ku ciidayso , ciidani ay gaarka uleedahay.

Walaahi ma malayn kartid dareenkayga maanta ,waxaad moodaaa in Janadii la iigu bushaareey ay."


Si kastaba ha ahaatee , xuskan 18ka may ee maanta ayaa waxaa uu wax wayn kaga duwan yahay xusaskii hore ee loo qaban jiray sanadadii hore maalintani 18 ka May.Isku soo wada duuboo xiligan ayaa waxay ku soobeegmaysaa xili uu Gobolku ku talaabsaday horumar la taaban karo haday thay bilicda magaalda ,oo laamiyo iyo wadooyin hor leh laga jeexay iyadoo dhulka lala simay cooshadihii laga dhidsi jiray guryha hortooda

 



Weriye Axmed-hanad Guray Baqaye

hanad_baqaye@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco , Gobolka Tog-Dheer