Burco: Taageerayaashii Ugu Badnaa ee ka soo Baxa KULMIYE oo ku soo biiray Xisbiga UDUB

 


 

Burco (TNN) - Boqolaal Qof oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee  KUL MIYE ee gobolka Togdheer, ayaa shalay ku biiray xisbiga tallada haya ee UDUB, kuwa asi oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey hudheelka Ciagal ee magaaladda Burco.

Taageerayaashan ka soo baxay KULMIYE oo ahaa kuwii ugu badnaa ee beryahan la arko oo ku biira xisbiga UDUB, ayaa isugu jiray shan kooxood oo kala duwan oo kala ah ciyaartooyo u ciyaari jiray xisbiga KULMIYE oo ka kooban SeDdex Group, Fanaaniin, qu rba joog iyo dadweyne kale.

Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim oo ugu  h oreyn ka hadlay Munaasibadaas ay u sameeyeen taageerayaasha ku soo biiray  xisbig ooda, ayaa sheegay in dhalinyaradan ku soo biirtay oo markii hore taageeri jiray  xisb iga KULMIYE in ay arkeen in Danta iyo Midnimada Somaliland ay ku jirto Xisbiga talada haya ee UDUB, kaas oo uu sheegay in uu ku caano maalay nabad iyo isku duumni uu ka dhexsameeyay bulshowaynta Somaliland.

Waxa Mr. Ayaanle xusay in dhalinyaradan ku soo biiray xisbigooda in ay ka mid  noqon ayaan maamulka iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer oo aan laga xigi-doonin, isla markaana si gaar ah u taakulayn doonaan dhalinyarada kubadada cagta ee ku soo biiray UDUB si ay cagahooda iskugu taagaan.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Sahra Dubad oo iyana ka hadashay Munaasibadaasi ayaa sheegtay Boqolaalkan Qof ee ka soo baxay xisbiga KULMIYE ee ku soo biiray xisbigooda in ay ka mid ahaayeen Dhalinyaradii ay kaga timi xisbiga Kulmiye sidaa awgeedna waxay sheegtay marhadii ay maanta ka soo guureen KULMIYE oo ay u suu noqdeen UDUB in ay u balan qaadayso Kooxaha  Ciyaart ooyadada ah in ay u dirto Koobab ay ku ciyaaraan.

Farxaan Aadan Jirde oo isna ah Gudoonka Garabka dhalinyarada Raga ah oo isna  mad ashaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay farxad weyn u tahay Xisbigooda mar hadii ay maanta taageerayaashii ugu badnaa ee Kulmiye ku soo biiraan UDUB ,sidaa  awgee dna waxa uu xusay in ay isla garabtaagayaan Saamiga ay ku leeyihiin Dhalinyarada Xisbiga maanta wixii ka danbeeya.

Dhinaca kale Gudoomiyayaasha watay Sedexdan Kooxood ee ciyaartooyada ah ee  KU LMIYE ka soo hayaamay oo u hadlay dhalinyaradan ay wateen ayaa sheegay in ay  Ku lmiye uga yimaadeen Maamul xumo iyo Cadaalad-daro ay sheegeen in uu habaya  yar aatee waxba kaga qaban waayay Seddex-sano oo ay magaciisa ku ciyaarayeen  baa hiyaha aasaasiga ah ee dhinaca Isboortiga ka haystay kooxahoodan, sidaasna ay ku gu'aansadeen in ay ku biiraan xisbiga Talada haya iyagoo Oodahoodii wata.

Ugu dambeyntii masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer ayaa markii dambe  ko oxahan kubada cagta ee ka soo digga rogtay xisbiga KULMIYE guddoonsiiyay qalabka ciyaaraha oo iskugu jiray kubado iyo dirayska lagu ciyaaro ee Sportiga.



Source: Jamhuuriya Online