Burco waa
hoyadii xoriyadda ,Qaranimada ,sharafta iyo gooni isu
taagga Jamhuuriyadda Somaliland,qabyaalad iyo af xumana
ma geydo
Marka hore waxaan
salaamayaa dhammaan shacbiga walaalahayga ah ee reer
Somaliland,waxaan dhammaantiin Allaha weyn idiinka
rajaynayaa inuu idin waafajiyo liibaanta aakhiro iyo ta
adduuny o labadaba.
Waxaan kale oo aan u mahad naqayaa , una hambal yeynayaa
dhammaan saxaafadda Somaliland, inta dareenka leh ee
dalkeeda iyo dadkeedba habeen iyo maalinba u shaqeyneysa.
Aan soo bandhigo dulucda qoraalkaygan ,oo aan rabo inaan
wax ka idhaahdo hadalada ka soo ye edhay ninka
lagu ma gacaabo Maxamed Cabdi
Daauud, Badhasaabka Gobolka
Maroodi Jeex,caasim adda Somaliland ee
Hargeysa.
Weedhahaasi oo aan ka dhegeystay Radio Horyaal,habeenkii
Khamiista,bisha January 14, 2010, waxaa ka mid ahaa,"
Reer Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba dad wanaagsan wey
leeyihiin,laak iin inta qaska,carroogga iyo bilaawaha ka
dhex wadda Golaha Guurtida waa reer Burco,far baana ku
godan reer Burco iyo annagu Cabdi waraabe iyo Sheekh
Ibrahim baanu keenaye cid u dhigma reer Burcooy keena."
Wareysigaas oo dhammaystiranna dhagahaaga ku maqal
akhristaha/akhrisatada sharafta iyo qadarinta mudanaw/mu daneey
, waana kan:
http://horyaal.net/audio/2010/01/2010-01-14-00.mp3
Hadaladaasi runtii aniga aad bay ii damqeen, in shaqsi
masuuliyad ummadeed lagu magacaabay
uu inta uu afka kala qa ado,uu hadladaa
xajiimeysan,qabyaaladaysan, uu si dheel dheel iyo faan
faan ah, uu afka ku kula waaxo,waana nasiib darro,garaad
xumi,qof walbba oo dareensan xanuun kii , dhibtii
iyo halgankii dalkan loo soo marayna wey damqaysaa,
damiir laawana warkii dhaaf.
Waxaa kale oo laga wada war hayaa , in roobkii da'aaba
weli dibadda u soo saarayo lafihii walaala deenii
baadilka,xaq darrada iyo xasuuqa ku leeday,marnabana
kamaan fileyn, in xumaanta intaa leeg ay dadka qaarkii
caloosha uga buuxdo , oo Burco ama Hargeysa la kala
sheegto.waana sida ay rabaan cadawga Somaliland in
laynoo kala qo qobo,ka dibnna dawladnimadii ,aqoonsigii,nabadi
i,qaranimadii,intaba la waayo , oo ta Muqdisho ka
dhacaysa u soo guurto ardaageena, Allahayaw adaan
magantaa nahay.
Sidaan la wada soconno, umaddi waxay horumartaa ama meel
gaadhaa , kolba inta ay leeg tahay aqoonta ,
waxbarash ada iyo khibaradda muwaadiniinteeda iyo
masuuliyiinteeda.
Haddaba anigu waxaan soo jeedin lahaa in shaqsiga
masuuliyad loo igmanayo lagu qiimeeyo:
1-Aqoontiisa iyo khibradiisa een loo eegin qabiilka uu
ka soo jeedo
2-Garaadkiisu inta uu leeg yahay
3-Inta ay daacadnimadiisa iyo caadilnamdiisu leeg tahay
4-Inuu ka fayaw yahay xanuunka dilaaga ah ee Qabyaaladda
5-Inta ay leeg tahay lexa jeclada uu u hayo hantida iyo
ma guurtada dalkiisa
6-Inuu yahay shaqsi u naxariista maatida iyo inta
jilicsan
7-Inuu yahay shaqsi dalkiisa iyo ummadiisa u daacad ah
8-Inuu yahay shaqsi ka shaqeeya wixii umadda walaaleeya
iskuna soo dhaweynaya
9-Inuu yahay shaqsi ka fogaada wixii umadda kala
qaybinaya
Ta kale Badhasaabku ,wuxuu ka dhawaajyey magacyada rag
sharaf iyo qiimo weyn u leh dalkan iyo shacbiga
Somalilan d,taariikhda ma guurtada ahna baal dahaba kaga
qoran, sida Xaaji Cabdi waraaabe iyo alla ha u
naxariistee sheekh Ibr ahim Sh Yuusuf Sh Madar, oo uu
yidhi annagaa (reer Hargeysa) keenay.
Bal haddaba, Badhasaab aan islla eegno
Hanadadan aan kala
dhicin, ee Gobolka Tog-Dheer ka soo jeeda:
1-Mujaahdi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) (Tog-Dheer)
2-Mujaahid Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) AHUN (
Tog-Dheer)
3-Mujaahid Saleebaan Maxamuud Adan (Saleebaan Nuur) (
Tog-Dheer)
4-Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal AHUN (ku dhashay Oodweyne
Tog-Dheer)
5-Mujaahid Maxamed Kaahin (Tog-Dheer)
6-Xaaji Cabdi Cawed Cali (Indhadeero) AHUN (Tog-Dheer)
7-Mujaahid Maxamed Cali AHUN (Tog-Dheer)
8-Mujaahid Cabdillahi Ibrahim Dhugad (Tog-Dheer)
9-Mujaahid Maxamed Xaashi “Lixle” AHUN (Tog-Dheer)
10-iyo halyeeyo aanan halkan ku soo koobi karin (Tog-Dheer)
Badhasaabka waxaan xasuusin lahaa in
Burco tahay, hooyadii
xoriyadda , Qaranimada ,sharafta iyo
gooni isu taagga
Jamhuuriyadda Somaliland, kana dhasheen halyeyo naf iyo
maalbba u soo huray nabaddan aad maanta ku
naaloonay so, ee aad Hargeysa Badhasaabka kaga noqotay.
Waxaan ku soo gaba gabaynayaa qormadan, Gabaygii ilaahay
naxariistii Janno fardawsa ha ka waraabiyee,halyeygii
Cabdillahi Suldaan
Timacade, ee uu lahaa, "
Dugsi ma leh qabyaaladi ,waxay
dumiso mooyaane. "
DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO
MOOYAANE
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay
dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog
dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
******
Haddii
gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u
geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka
duulaaye
******
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo
baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin
jiraye
******
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga
qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
******
Docda
bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga
waaye
******
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa
dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo
iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga
saaray
Wixii hore usoo daashaday bay
degashanaysaaye
******
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto
danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka
heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in
abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo
geliye
******
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur
dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka
carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso
mooyaane
******
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala
qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda
Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii
naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso
mooyaane
******
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba
joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida
joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
|
Engineer: Mohamed Ali Muse |
|