“Arrintaydu Waxay
Khusaynaysaa Laba Qof Oo Madaxweyn aha iyo Guddoomiyaha KULMIYE Ah”
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
Hargeysa (TNN)-Guddoomiye xigeenkii xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan
Cabdiqaadir oo si ju juub ah xilkii lagaga qaaday, islamarkaana
magaalada London u jooga daawaynta nabaro ka soo gaadhay hawlgalkii
shirkii golaha dhexe ee KULMIYE lagaga saaray, ayaa markii u
horaysay ka hadlay waxyaabihii sababta u noqday falkii lagula kacay.
Cabdiraxmaan Cabdiqadir, oo waraysi gaar ah siiyay weriye Ibrahim
Cismaan oo ka tirsan shaba kadda Hadhwanaag News, wuxuu sheegay inay
arrintiisu fadhido Madaxweyne Axmed Maxam ed Siilaanyo iyo
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu xusay inuu
maqlay war ar sheegaya inuu Madaxweynuhu sheegay inaanu isagu amrin
in sidaas loola dhaqmo, waxase uu sheegay inuu maqalka warkaas aad
uga cadhooday.
Ugu horayn Cabdiraxmaan Cabdiqaar, oo ka jawaabayay inuu filayay in
shirkii KULMIYE laga sa ari doono wuxuu yidhi “Arintan ay ka
hadlkayeen arin dhamaatay ayay ahayd oo aanu hore u gu hadalnay oo
Maxamed Kaahin uu shirka jaraa’id ka qabtay ayay ahayd. Maalintii
khamiistee ee ka horaysay Sabtidii aanu shirka qabanay, guriga
madaxweyne ku xigeenku ayaan kaga qa yb galnay shir uu hogaaminaayo
oo ay joogeen wasiirada Samaale, Xirsi, Maxamuud Xaashi, H ogaanka
Xibiga iyo Jaamac Shabeel, oo loo dhamaa ajandaha ayaanu samaynayna,
sheekada asu sheeko taalay may ahayn niyad samaan ayaanku kala
tagnay, habeenkii jimcaha ayuun ba an sheekadaas maqlay, laakiin wax
kaleba waan filanayee shir kulmiye ah ayaa waligaa lagugu faro
saarayaa taas waligayna meel ma soo dhigan.”
Cabdiraxmaan Cabdiqaar, oo la weydiiyay sida ay isku ahaayeen
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu yidhi “Walaahi marka hore
aad baanu isugu wanaagsanayn, waxaan u haystaa wixii aanu u soo
halganay iyo dalka horumarkii aanu la doonaynay dariiqii wanaagsanaa
in aan aan haynin, dhawr goorna waan u sheegay, hase yeeshe
siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa oo dadku iyagoo kala rayi ah
ayaa la wada shaqayn karaa.
Maalintii Salaasada madaxtooyada ayaan joogay, oo hoggaanka oo dhami
joogay, wasiirada oo dhami joogay, khudbad ayaan ka akhriyay oo erey
ayaan ka jeediyay, madaxweynaha waanu wada hadalnay oo wada kaftanay
oo wax colaad ah oo markaas aan ka arkayay ma jirin, anigu waxaan
islahaa haddii meel uu ku diidayo oo uu leeyahay ha iga baxo,
xafiiskiisa ayuu odhan la haa ha iga baxee, shirkii aan guddoomiyaha
ka ahaa yaanu Ina Cabdiqaadir imanin anigu ma fil aynin, imikana
wararka ii soo bax baxayaa waxa weeyaan inuu madaxweynuhu yidhi
anigu waxa as ma odhan ee cid kale ayaa samaysatay, warkaana aad
baan uga xumaadya oo uga xanaaq ay.”
Mar la weydiiyay cidda uu u tuhmayo inay ka dambaysay xil ka
qaadistiisii iyo ka saaritaankii sh irka, wuxuu yidhi “Cidda
masuulka ka ahayd way iska cadahay, dad waa dad la soo dirtay oo kh
arash ama amar hala siiyo, arrintaydu laba qof ayuun bay
khusanaynaysaa, waa madaxweyna ha dalka iyo Guddoomiyaha xisbiga
KULMIYE.”
Isagoo ka jawaabayay waxa ka jira wararka sheegaya inuu
dacwad ka furan doono dalka Ingirii ska
wuxuu ku jawaabay, “Arintaasi waa ay jirtaa, looyarana waan
qabsanayaa, in lay faro saa ray oo laygu tacadiyayna shirkaasay ka
muuqatay, markaas haddaan arintan xal laga gaadhin, oo aanan
garawshiyo ka helin dawladan iyo xisbiga Kulmiyeba, oo aanan ilaa
maanta wax gara wshiyo ah ka haysan, dariiq alle dariiqaan ku doonan
karo xaqaygaba waan qaadayaa.”
Source:Geeska
|