“UDUB baanu odhan jirnay Udub bilaa Cadaala biduuni Cadaala, tanna hadday nagaga darto saw waali maaha?”

 


Abwaan Axmed Saleban Bidde oo Ka cabanaya Beertoodii oo ay ku soo faafeen Ciidanka Qaranku
 


Hargeysa (TNN) Abwaanka weyn Axmed Saleebaan Bidde ayaa sheegay inay beer ay leeyihiin ka hayst aan kuna faafeen Ciidanka Qaranka Somaliland

Abwaanka ayaa markuu u horeysay oo aanu waydiinay waxa uu meesha ka qabanayo Waa wasaarada Beeraha wuxuu Yidhi “ Waxaan meesha ka qabanayaa maaha shaqo ee waxaan u imi ashkato ama dac wo dacwadaas oo ah Beertayada oo Aabo hayo na dejiyay 1946 kii ee dagaalkii labaad dhamaaday isa ga oo Ciidankii Ingiriiska wixii Madaw ee Afrika da bari u madax ahaa dagaalkina markii uu dhamaaday aabahayo waxa uu na dajiyey halkaa Uubaalaha Waqooyi ee Madaarka ka shisheysa waxaana noo daa qi jiray meeshaa laba tiro oo adhi ah hadhuudhka iyo galaydana waanu ka beeran jirnay waananu ku soo kornay’’

Abwaanka oo sii sifaynaya Markii ay degeen Beerta waxa uu yidhi “Todoba ilma Saleebaan Bide ahi wa xay ku dhasheen Beerta Suldaan Cabdilaahi saddexna waxay ku dhalatay halkaas lafteeda Cabdilaahi ga imika nool ee Norway jooga ka mid yahay Cali Saleebaan Bide na waxa u ku dhashay Aroori anaga oo halkaa degan oo aanu fasax ku tagnay waxa weeye iyada oo dhalashadayadii sidaa kala tahay oo aanu bender wada nahay aniguna nin Fanaan ah oo caan ahay Beertayadii intaa aanu deganayn oo aanu ku abuurnayn oo ay ka markhaati yihiin salaadiinta cuqaasha Gudida beeraha Uubale Waayeelka wax garadka ah ayaa halkii 1946 Aabahayo na dejiyey sidii u naala hanti ma guurta ahi oo dhisme ah oo barkado ah oo bali ah aanu ku leenahay anaga iyo kuwa deriska nala ah caan aanu ku nahay ayaa waxa dhacday 1967 bishii afaraad ayaa askar Ciidamada ka tirsan la keenay madaarka xero ayay degeen madaarka ku lingaxdeen moofooyinkii aanu wax ugu samayn jirnay ee Seedigay lahaa lodayadii iyo xoolahaygii ay maali jireen kimista walaashayo ayaa u dubi jirtay oo nool oo ay iyada ugu yimaad een iyo anagaba dhamaan iyo Ilma Cali Barre oo dad ugu soo horeeyey habeenkii ay degeen subaxii halkii ay nagala darseen 31 sanno ayaanu daris ahayn waxay ku eekaayeen xeradooda ee ku ligaxan madaarka ee masaajidada leh ee raadarada anaguna waxaanu ku eekayn beeralayda oo Ayda’ ku lingaxan waxaa dhacday Faqashtii askarteedii markii ay Maxamed Siyad Bare ay ciidankisi guurayeen ee ay xaalaadka dagaalka ka yaabeen in ay meel yar naga soo galeen oo beertayada Cidhifkeeda ah oo ay ka dhigteen dhufays se markii ay kululaatay naga guureen’’.

Axmed Saleeban Bide ayaa u soo jeediyey Ciidamada sidan “Ayax tag oo guur se eel reeb tii bay aska rtu noo soo bidhaansatay imika oo ay yidhaahdeen in yar oo ciidamada ka mid ahi ninka qodaya beert aa Iglan buu ka yimiyoo adduun buu sitaa iyo haamash baa is dhex galay waar waxba ma sitee Beerta yar reer Saleebaan Bide ayaa lahoo 46 kii bay ahaydoo 67 kii baad noo timaadeenoo 31 sanno ayaynu daris ahaynoo idinka ayaa markhaatiye ahe maxkamad ayaynu isla tagi haddii aad doontaan oo aad tidhaahdaan raad Faqashtii ah ayaa halkan maray Damac baa la yidhaa haddii kalena dee na daaya oo idna xeradiina ku eekaadana anana beerahayga aanu ku eekaano Macaa Janankiina macaa Dagaal galiyayaashiina macaa ciidankiina iyo xoogiina dee waa Xoogii Dalkee dee anaga ayay na ilaalinayaane in ay na xoogaan maahe walaal dib nooga jooga oo xeradiina ku eekaada anana sharaf iyo wanaag iyo walaalnimo ayaanu idiin haynaa.

ha sheeganina reero sharci leh oo fara badna oo tani ka mid tahay intaas uun baanu leenahay Jara’id kana aanu soo ogeysinay anagu ceebna sheegi mayno colaadna ma qabno Wasaalaamu Calykum Waraxmatulaahi wabarakaatuhu..’’

 

Source: Waaheen