Cali Xoor-xoor haddii la soo celiyay ,Cumar Xasan Caalin in la soo celiyaana waa waajib?.

 

 

 


Waxaa jira Dad badan oo,  bulshadu u baahantahay, dawladuna u baahantahay .....


Bulsho walba waxaa ku jirta in badan oo balaayo xijaab ah , oo Dadka iyo Dalkuba u baahan yahay oo aan laga maarmi karin, kuwaasi oo quudiya Danyarta iyo Da'yartaba, kuwaasi oo gacanta ku haya in b adan oo bulshada ka mid ah , oo aan Aqoon madaxwayne iyo Xukuumad kale toono.


Cali Xoor-xoor , dad badan ayaa u yaqaanay Deeqsi illaahay umadda usoo diray , oo aan lahayn kayd gaar ah oo uu wax dhigto ama jeebabkiisa ka fuudh yeelo ,balse lacagtiisa waxa uu galin jiray bulshada qaybeheeda kala duwan,  sidoo kale waxaa jira Cumar Xasan Caalin ,oo ahaa Maareeyihii hore ee Kast anka Kalabaydh, oo isaguna ahaa Nin bulshada inteeda badan ka hayay Xukuumada, waxaa jiray Qoys as badan oo danyar ah, oo illaahay inta ka sokaysa Cumar Xasan Caalin, gacanta ku hayay oo maanta aan waxba haysan ,oo kii danbena ka jaray, bulshadaasi oo isugu jirtay dad jilicsan, dad naafo ah oo kastanka la jaar ah, xaasaskii ay ka dhinteen Mujaahidiintii SNM iyo qaar kale oo maanta u Agoomoob ay Badalkii Cumar Xasan Caalin.
 

Waxaa jira dad badan oo bulshadu u baahantahay, dawladuna u baahantahay, balse fikir qaldan laga aaminsanyahay tusaale ahaa Cumar Xasan Caalin ,lama sheegin wax uu meel dhigtay, balse Miskiinka iyo Madaxwaynaha sibuu wax ugu wada qabtaa, waxaanu ahaa Nin Dadka iyo dalkaba si fiican u kala yaqaanay, kaasi oo fahmayay meel kasta oo ay wax kaga soo bixi karaan, maanta waxaaad arkaysaa Dugsiga la jaarka ah Kastamka kalabaydh ,oo Malaayiin dollar maalintii agtiisa maraan in Macalimiintii Bilaa mushahar u xidheen, ardaydiina laga gooyay Quudintii yarayd iyo dhac dhicii kastanku ku kabi jir ay waxbarashada Dugsigaasi.


Haddii ay Xukuumadu Daacad ka tahay dadka wax u qabanaya dadka iyo dalkaba, oo aanay meesha ka shaqaynayn Marwadaa wadata ee lama badali karo, Cumar Xasan Caalin ,Bulshadaa u baahan, oo Daw ladaa u baahan, oo Dalkaa u baahan , ee waa waajib in la soo celiyo, Wasiirka Maaliyaduna hore ayuu u qiray wax qabadkii balaadhnaa ee Cumar Xasan Caalin .


Waxaa Bulsho waynta reer Somaliland inteeda badani iswaydiinaysaa Sababta Maamulka Dalka gacant a  loogu galiyay dumar, taasi oo inta badan bulshadu qirayso in Meelaha dhac dhaca iyo dhaqaalaha so maliland ugu badan yahay la geeyo dad ay Qaraabo dhaw yihiin Marwada Madaxwayne Siilaanyo sida Maareeyaha kastanka kalabaydh oo la sheegay in Wasiirka lagu qasbay in aanu Badali Karin ninkaasi, halka ay dib ugu soo celisay Maareeyihii hore dekada berbera Cali Xoor-xoor.

Waxa isku kay qaban la, sababta ay marwadu u leedahay markaan Gabiley imaado waxaa la iila dhaqm aa sidii gabadh gurigoodii kusoo noqotay iyo Dagaalka iyo duulaanka hoose ee ay ku hayso Dakhliga iy o dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Bulsho waynta Gobolka Gabiley ka soo jeeda.



Guntii iyo Gabogabadii ,waxaan kula talin lahaa Xukuumada Siilaanyo in ay Deg deg u soo Magacawda Cumar Xasan Caalin, si ay gacan ku haynta bulshada Gabiley dib ugu soo noqoto gacanta dawlada, taa si oo aan isleeyahay wax badan oo maanta ay reer Gabiley tirsanayaan ay bogsiin lahayd.
 

 

 

 

 

 

Raaxo Cabdi Faarax
Raaxo98@yahoo.com
  Bristol UK