Calsow & Diridhaba-ow intaad taabsiiseen xanuunka
ilaahay ha badbaadiyo
Salaanta islaamka ka dib, annigoo muddo isweydiin jiray sababta nin
la yidhaahdo Dahir Calasow ugu foogan yahay masabidka iyo ka-been-abuurka
dad badan oo sharaf ku leh ummada dhexde eda iyo shirkado maanta ugu
jira soomaalida halkii qaranimadda, oo marka la maqlo lagu xasuus to
sida (Dahabshiil Co.), ayaan intaanan, jawaab u qalanta raadin,
haddana xusuustay, aayadii ilaahay inoogu sheegay hadii faasaq war
idiinla yimaado hubsada, ayaan degelada kala kulmay maqaal dhinac
walba ka tilmaamaya shaqsiyadda iyo xaqiiqada dhabta ah ee ku
saabsan sababa ha uu ninkani u caadaystay ficiladaa guracan, oo dhab
ahaan, maalin danbena, intii noolaata arki doonto isaga iyo
shuraakadiisa sharka oo mara ciqaabaha dunuubtooda, la kulmay
maqaalkan uu hore uga qoray : Khaalid Cabdullaahi Cali, oo degan
magaalada Minnesota.
Haddaba, annigoo jecel inaan mar labaad la wadaago akhristayaasha
maskax caafimaad qabta ku kala qiimayn kara qoraal ay daalacdaan,
una dhaafi doono, go’aankooda inay sax tahay dhalii sha iyo
dhaleecaynta aan halkan ugu hurayo isaga (Calasow) iyo
kuwa kula
shuraakoobay haga r daamada ummada, sida nin qora degelka
Halbeeg,
laguna naanayso Diridhaba, ayaan jecelah ay inaan isu daayo
akhristayaasha iyo qoraalka hoos ku qoran, oo lagu bilaabay:
Waxaan aqriyaa bogagga Internetka ee Somalida si aan bal
dhacdooyinka waddanka uga helo, sidaa darteedna waxaan isu maraa
bogag badan oo Soomaliyeed.
Inta badan bog walba oo Soomaliyeed xitaa haddii marka hore aanan
ogeyn cidda (qolada, qabiil ka) iska leh, haddana dhowr maalmood
markaan aqriyo waan gartaa, waayo waxaa markiiba ka soo if baxaya
cudurkii (qabyaaladdii) na dilootey ee caalamka naga reebtey.
Dulucda ayaa wax ay tahay, markaan aqriyo bogga internetka ee
waagacusub ayaa waxaan ku arkaa qabyaalad qaxayan oo mar walba
banaanka si aan xishood laheyn loola taagan yahay. Haddaba maxaan
uga jeedaa taasi?
Boggani wuxuu colaadiyaa qabiilada Soomaaliyeed oo kale, wuxuu wax
ka sheegaa (Criticism) siyaasiyaanta qabiilada kale oo dhan, si kala
daadegsan (Hierarchal), tusaale ahaan, Irir ayuu ka raacaa Somalida
inteeda kale, deetana Hawiye ayuu ka taageera markey noqoto Hawiye
iyo inta kale, deetana Habar Gidir ayuu ka taageera Hawiyaha, misna
sacad ayuu ka taageeraa qabiilka Habar Gidir, sidoo kale wuxuu
buunbuuniyaa siyaasiyiinta beesha uu ka dhashey si indho la’aan ah.
Dhowr tusaale aan keeno.
Cadde Muuse iyo Kimiko.
Labadaan muwaadin waa mas’uuliyiin Soomaliyeed oo xaq u leh in si
cadaalad ah wax looga wada sheego. Waxaad arkeysaa in fursad walba
oo la heli karo wax looga sheego Cadde Muuse iyo Puntland, laakiin
Kiimiko laga dhigo Malaa’iik aan waxba qaldin. Aqriste taasi macquul
ma tahay is weydiiyoo in laba hoggaan midna uu qalad ku jiro had iyo
jeer midna uusan sidiisaba qaladka gelin? Maxay ka dhibeysaa haddii
Dahir Calasow uu Kiimikana qaladkiisa sheego, sow uun horumar uun ma
aha? Dahir Calasow ma karo inuu qof qabiilkiisa u dhashey wax ka
sheego.
Cabdi Qeybdiid iyo Indha Cadde
Labadan shaqsi waa shaqsiyaad Somaliyeed, taariikhda ayaa xusi
doonta iyo ugu danbeyn rabigii abuurtey oo la socda waxay banaanka
keenayaan iyo waxa ay qarinayaanba. Waxaanse aragnaa in Dahir
Calasow uu si aad ah u jecel yahay inuu wax ka sheego Indha Cadde,
mar uu leeyahay diin waxba kama oga, mar leeyahay dad buu webiga ka
gadi jirey. Indha cadde waa shaqsi amaan iyo cayba yeelan karo,
laakiin waxaanan arkin isagoo si la mid ah sidaas wax uga sheegaya
ninka la yiraahdo Cabdi Qeybdiid ee ay isku jifada yihiin.
Cabdi Qeybdiid sow ka mid aheyn raggii la diirey culimada oo iibgeyn
jirey isaga iyo Suudi iyo Xaabsade iyo Qanyare iyo xaaraan kuu
naaxayaasha oo dhan, sow Indhacadde ugu uma gargaarin wuxuu doonaba
ha ka watee wadaaddada oo liita, wax in laga sheego waa ok, laakiin
aawey eedihii QaybDiid? Aqriste ma dhici kartaa in Cabdi Qeybdiid uu
ceeb ka saliim yahay? Maxay ka dhibeysaa Dahir Calasow inuu labadaba
ceebtooda sheego? Dahir Calasow labadan isku qabiilka ah wuu sii
kala xigsadaa. Ceyr wuxuu had iyo jeer ka sheegaa iney yihiin dad
raba iney wax boobaan oo magic diineedna huwan yihiin oo dhul boob
ku jiraan, laakiin wax ka sheegistaas wanaag iyo caddaalad kama aha
ee waxaa uun uu diiddan yahay wax boobayaashii isaga ay isku lafta
ahaayeen iney sawirka haatan ka maqan yihiin. Wuxuu is xusuusiyaa
uun markii Gen Caydiid iyo Professor ku sheeggii (Maata Leys)
Maxamed Faarax Jimcaale iyo Xuseen Caydiid ay sawirka ku jireen oo
boobka iyo dilka hoggaanka u hayeen. (Xusuuso Somaliya waa lagu
faanaa dilka, boobka iyo dhaca iyo tuulo iyo magaalo qabsashada,
qabiil walba kii ka daalimsan ayaa ka wanaagsan, Somali Style )
Buun Buuninta siyaasiyiinta reerkiisa Xuseen Caydiid
Xuseen Caydiid waa shaqsi Somaliyeed ee u dhashey beesha Dahir
Calasow, laakiin taasi qof fiican iyo shaqsi xun midna kama
dhigeysee, qofka camalka ayaa waxaa uu yahay ka dhiga, Xusuuso
Professor Caddow waxaa uu u dhashey beeshaasi sacad oo aan ognahay
wax galnimadiisa, diiintiisa iyo Somalinimadiisa. Weligeed ma
maqasheen Professor Caddow ayaa dhul booby, ama masaakiin laayey ama
halaag horseedey? Haddaba Xuseen Caydiid ma dhihi karnaa waa Siyaasi
Somaliyeed? Taariikhdiisa markaan dib u eegno midda dhow, sow kama
mid aheyn raggii Itoobiya waddanka keeney? Somaliyeey ma illoowi
karnaa hadalkii Xuseen Caydiid ee ahaa Itoobiya iyo anaga waxaan
isku darsaneynaa dalka, xudduudada ayaan isu fureynaa, markaa ka
dibna baasaboorada ayaan isku darsaneynaa? Sow ma aheyn ninka ku soo
hoggaamiyey Amxaarada waddanka oo ka qaatey talaabo firfircoon,
weliba ku faraxsanaa. Somaliyeey ma illowi karnaa sida Xuseen
Caydiid iyo kuwo isaga ku caqli ah Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan
ugu diideen inuu Villa Somaliya oo uu xaq u lahaa dego, misna xitaa
waajibkiisii Madaxweynenimo ku guto Muqdisho. C/laahi Yuusuf markuu
dejiyey Villa Somalia maxay jawaabtiisu noqotey? “HE IS NOT NORMAL”
Qof caadi ah ma aha! Sidaas waxaa yiri C/laahi Yuusuf, malaha wuuba
u qalmaa jawaabtaasi oo caadi maba aha oo C/laahi Yuusuf-na waaba ku
saxnaa ma is tiri?. Waxaad si wanaagsan uga dhergi kartaa caqliga
gaaban ee Xuseen Caydiid Youtube markaad ka daawato isagoo
Ingiriisigiisa jajaban ku caayaya culmida Islaamka, isagoo leh
“Somaliya uma ogolin wax diin ku dhaqmaya” isagoo is tustusaya
weriyaha si aan mas’uulnimo aheyn, caruurtii magaciisa u dagaalantey
ee ku u baaba’deyna caayaya isagoo leh “Waxaan leeyahay mooryaan
iska dhinta oo dhimashada aan ka baqin oo qorigaaga adigoo nool kaa
qaadanaya”, haddaba wiilashaasu hooyo ayaa dhashey oo sagaal bilood
calool ku siddey umana ay dhalin inuu Xuseen Caydiid dagaalo ku
laayo deetana si axmaqnimo ah ugu faano ee waxay u dhashey iyadoo
rajeyneysa iney noqdaan dad wax bartey oo dalkooda iyo diintoodaba
anfaca, waalidkoodiina wax tara, akhriste ma rabtaa wiilkaaga ama
walaalkaaga inuu isagoo 15 ah u dhinto Hogaamiye kooxeed xaaraami
ah, haddaba xusuuso kuwaasina hooyo ayaa dhashey, mise kulama aha?
Taariikhdiisa fogna Xuseen Caydiid, waxaanu ognahay inuu ka yimid
Mareykanka oo Aabihii Maxamed Faarax Caydiid ka dhaxley Gobolo (Bay
iyo Bakool) iyo dadkii degganaa iyo beerahooda iyo guryahooda iyo
hantidoodaba. Qofka marka uu ka yimaado Adduunyada horey u martey
waxaad ka fileysaa inuu ahaado qof yaqaana xuquuqda iyo sharafkta
bani’aaddanka, bal ka waran qofka ka yimid America ee xuquuqdiisa
lagu dhowrey halkaasi ee ummadda wanaag ka sugeysey oo is beddel
laga sugayey oo isaga kala wareegey Aabihii dad beeraley ah oo aan
rabsho iyo fidno midna aan aqoon, oo moryaan guryahooda ay gubaan,
gabdhahooda kufsadaan, baadna ka qaataan.
Deetana mar Xuseen caydiid BBC-da laga wareystey ee la weydiiyey,
ciidamadaadaa Baydhabo Xoogga ku heysta dadka wey dhacaan, wey
boobaan, weyna kufsadaan ee maxaad kaga jawaabeysaa? Wuxuu ku
jawaabey, dadka deegaanka (uu xoogga ku heysto) iyaga ayaa isir u
leeh kufsasho, Qofkaasi muxuu kuu yahay akhriste? Bal ka soo qaadd
in Gobolkaasi yahay gobolkaaga, dadka sidaa loo galayana yihiin
dadkaaga, gabadha la kufsanayo tahay walaashaa ama xaaska, hooyada
la kufsanyo ama la dilayo tahay Hooyadaa? Maxaad ku sifeyn laheyd
qofka America uga yimid inuu sidaa kuu galo?
Dahir Calasow qofkaasi wuxuu u yahay Halyeey Soomaliyeed, shaqsi
fiiro dheer iyo Injineer mabda’ adag oo aan loo dhawaan karin, iyo
siyaasi laga baqey caqligiisa iyo kartidiisa. Dahir Calsow haddii
Xuseen Caydiid aysan isku qabiil ahaan laheyn tolow sidaa ma u arki
lahaa? Ilama aha.
Gunaanad
Culumada ku taqasusey Sayniska Bulshada (Social Science) waxay
caddeeyeen oo inta badan is ku raaceen in ruuxa bani’aaddamka ahi uu
mar walba wax uun si gaar ah ugu janjeero wax kale na sidoo kale si
gaar u neceb yahay (prejudice), laakiin tusaale ahaan marka isla
shaqsigaasi la ga rabo inuu ama cilmi baaris (Research) sameeyo, ama
wixii uu cilmi barista ku sameeyeyba uu qorayo (Publication) waxaa
waajib ka saaran yahay inuu si aan eexasho (Bias) laheyn u qoro
wixii uu soo ogaadey (findings).
Sidoo kale wararka calasow (Hadiiba waxuu sheeganayo dhab tahay
tahay ‘saxafi’), anniga iyo inta ila aragti ah ee maskax caafimaad
qabta wax ku qiimaysaa uma arkaane, inuu qoro ama soo gudbiyaan-ba
warar aan cid si gaar ah loola beegsaneyn, cidna aan loogu eexaneyn,
haddii taa ay dhici weysana sharci baa ka yaala (Ethical codes) oo
waa la isku qabsadaa. Dahir Calasow, adiga iyo inta kugu caqliga
ahba illaahey ha idin caafiyo,
cudurkiinana illaahey inta ka
caafimaad qabto ha ka badbaadiyo inta aad ku taabatey ee
Virus-ka qaadeyna
alla ha badbaadiyo.
By: Sahra B. Ismaaciil (Lucky)-Lubnaan.
|