Canbarooy! bal eeg jiibtiyo cayaarta, ubax caynba cayn iyo caleemaha ay lulaayaan

 


Waa goor casar gaabkii ah. Carraale iyo Ooridiisii Canbaro iyo odayaal kale oo xoolihii la sii kaxeeyey waxa ay ku soo guryonoqdeen beeshoodii. Muddo ilaa afartan caanamaal ah bay ka sii maqnaayeen beesha. Lama sii ogayn geeddiga uu reerka geliyey Carraale ee waxaaba maalmahaa loo sheegay in loo graniqidoono laba oday oo ay in muddo ah ba is-hayeen. Gartu waxa ay noqon lahaydba waxa beeshii ka sii yaabisay geeddiga Carraale oo ku beegmay xilli loo baahnaa in uu isu ururiyo beesha isagu, maadaama uu ahaa beeldaajiye muddo dheer. Dad badanina ay jeclaayeen in beesha loo dhiibo beeldaajiye kale. Laakiin xariifnimada  Carra ale, waxa ay shaki gelisaa in lagaba qaadi karo hoggaanka beesha.

Canbaro oo yaaban baa tidhi: " Oo odayaashaa gadhka waaweyn ee cirraystay ee geeloodii aad soo xeraysatay, ma ka dhabbaa oo adigay caleemaha kuu lulayaan"? Inta uu Carraale qosol goosgoos ah is dabadhigay buu yidhi: " Maxaan ku lahaa, haa waa aniga ninka la soo dhoweynayaa, waa aniga ninka lagu kalsoonyahay, waa aniga ninka loo qoslayaa, dadkani ma xoolay dan ka leeyihiin dee waa Maya, oo miyaabay u tirsanyihiin xooluhu dee waa Maya baan ku idhi Canbarooy.

---Oo haaye miyaanaad Ilaahay ka baqayn? bay Canbaro si toos ah ugu tidhi odaygeedii.
--- Markaasaad wax aan loo joogin meesha keentaaye, salaanta ka qaad gabadha ku salaamaysa, baan ku idhi.

Maalintaa waxa loo soo dhoweeyey si aad u quruxbadan. Waxa loo qaadayey heeso, waa loo cayaaray, caleemaa loo lulay, geel baa loo qalay, digaagu wuu tira beelay. Mabaad moodayn in beesha abaari hayso, in danyare ka buuxo, in aanay qoysaska ugu badani neef qudha  lah ayn. Haddana meeshaa geela lagu qalay, ee hilibkiisii la daadiyey, waddooyinka ayaa la mari kari waayey.

Markii ay dhammaatay soo dhoweyntii, ayaa la is weydiiyey oo gurigii Carraale waa kii  furfu rtaye, xaggee baynu geynaa. Kuye waar guriga Kediye agtiisa aqal iiga dhisa, sidaa waxa  yi dhi Carraale, oo dhoollacaddaynaya. Yaab in amankaag, oo maxaad innagala doontay Kediye sow ma aha ninka ugu fadallada cad ee garta kuu dhigtay, ma muranbaad doonaysaa? Haa oo gurigiisa yar baan ku qabsanayaa, si uu uga garbaxo. Odayaal meesha ka dhowaa baa  qo slay oo mid ka mid ahi yidhi: " Carraaloow, waxba aqalkiisa yari kuu tari maayee, mar haddii aad soo noqotay talo keen, oo beryahan nuxnuxdu waxa ay sheegaysaa in uu Kediye aad u abaabulay beeshii oo dhan, Dee Talo keen"

Carraale oo gadh aan tima ku oollin salaaxaya waxoogaana yara aamusay baa yidhi: " Waaryaadhaheen, ma waxa i moodaysaan nin aan abaabullayn? Beeshu waa lix ardaa, bal idinku xisaabtaa ila eega oo yaanay idinka gedman, ardaaga koowaad waa aniga oo gar iyo gardarroba waa ay igula socdaan ama aan qaldanaado ama aan saxsanaado waa sandulle oo waa xeer, ee horta midhkaa qabsada. Ardaaga labaad waa mid aan iga fogayn balse isu egaysiiya in uu Kediye la socdo, haddaanuu i soo wada raacinna adigu bal rubucba iiga soo qaad. Ardaaga saddexaad, maba badna, haba wada raacaan Kediye. Ardaaga afraad, waa ardaa ballaadhan iyagu maba arki karaan Kediye, ee bal horta qabsada, ardaagaasi  gacanta yda ayuu ku jiraa. Ardaaga shanaad oo keliya baan ku ogaa odayga in ay gar iyo gardarro ku raacayaan, iyagana qaar baan ka soo reebay. Ardaaga lixaad baa soo hadhay waa ardaa ballaadhan iyaguna ma arki karaan Kediye, waa hubaal oo waa xaggayga, maxaa soo  hadh ay, dee waxba waa uun waxoogaa aan lixdaa hore ka tirsanayn iyaguna waan hubaa oo waa xaggayga. Ma xisaabiseen.?

Haa oo waa sidan Ardaaga koowaad oo loo geeyey ka afraad oo loo geeyey, rubuc ka  laba ad ah, oo loo geeyey hadhaaga oo loo geeyey ka lixaad waa dhinacaaga (Sida aad adigu  xis aabta u dhigatay) Rubuc ama nus ardaaga labaad ah oo loo geeyey ardaaga saddexaad oo loo geeyey ka shanaad na waa Kediye. Dee xisaabtu waa ay isu dhowdahaye billee lagaa hel oo beeshu kugu kacday. Sidaana waxa yidhi oday ka mid ahaa odayaashii goobta ku sugnaa. Balse Carraale isma dhibin ee waxa uu si kalsooniya u yidhi: " Waxa idinka maqan xisaabtii Warfaa, oo ah tan aad u xisaabiseen Kediye oo uu badh leeyahay ee badh ka jara xisaabta Kediye maxaa soo hadhay dee waa waxa aan waxba ahayn.---Waa inoo geedka Garta ayuu Carraale hadalkiisii ku soo gunaanaday.

Canbaro oo hadaladii odhan dhegaysanaysay baa tidhi: " Carraaloow ragga garta qaadayaa waa rag isku kalsoon ee taana xisaabta ku darso, oo ragga ku jira waxa ay udhigmaan---ninkii la yidhi, Gar adkaatay xaajadoo gurracan, guurti kala maagtay, gaagaabsayaa iyo isagu gaar u hadalyaaba guddoonkii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi, ----iyagoo nool baa gartii qaadaya ee yaanay xisaabtu kaa gedman"

Waa inoo bil dabadeed ayuu Carraalena sii yidhi...............

Nabad iyo Caano

 

 

 

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
Sweden