Cuqaal iyo Odayaal Reer Gabiley ah oo Farriin Baaq iyo Dhaliil Isugu Jira u Diray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

 

Rashiid Sheekh Cumar  (Rashiid-Xaraaro)
Badhasaabka Gobolka Gabiley
 


Gabiley (TNN)- Cuqaal, odayaal iyo waxgarad reer Gabiley ah, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siila anyo u diray farriin isugu jirta baaq iyo dhaliin culus, iyaga oo ka dalbaday in sida ugu dhakhsaha badan looga beddelo Badhasaabka gobolkaas oo ay ku eedeeyeen inuu khakhalgelin ku hayo gob olka.

Shir-jaraa’id oo cuqaasha iyo odayaashani ku qabteen hudheelka Askar ee magaalada Gabiley shalay, waxay Hantidhawrka Qaranka ka dalbadeen inuu si caddaalad ah baadhitaannada uu wado ugu sameeyo gobollada dalka oo dhan oo aannu ku koobnaan oo qudha Gabilay, iyagoo madaxweyne Siilaanyo-na ka codsaday inuu wax ka qabto sidii heshiis rasmi ah looga gaadhi lahaa deegaanka Ceelbardaale ee labada beelood ee walaalaha ah isku hayaan.

Ugu horreyn Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Badhasaabka Gabiley yahay carqalad dhextaal guud ahaan gobolka, isla markaana xukuumadda Madaxweyne Sii laanyo ku daawanayso oo aanay tix galin ah siin codsi ay hore ugu gudbiyeen.

Carqaladda kaliya ee gobolka ku dhex jirta ee mixnad oo dhan ku soo hoggaamisa waa Badhasaab ka. Waxaannu ugu tagnay Madaxwaynaha aniga iyo cuqaal kale in aannu uga warranno xaaladda guud ee gobolka iyo inuu naga beddelo Badhasaabka Gobolka, annaga oo ka codsanay inuu noo  ka la caddeeyo in uu naga aqbalayo iyo in aanu naga aqbalayn. Waxa uu noo sheegay Madaxwaynuh u inuu naga aqbalayo. Ilaa hadda jawaab kama hayno, mana garanayo sababta uu ilaa hadda Mad axwaynuhu u tixgalin la’yahay codsigayagii. Malaha miisaanba kuma lihin agtiisa, bal maanta ayaan nu eegi doonaa in uu fuliyo codsigayagii iyo in aanu fulinin, annagoo maanta ka miisaan badan intii hore aanu ugu tagnay.”

Sidoo kale, Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame, ayaa si gaar ah u dhaliilay Hantidhawrka Qaranka oo uu sheegay inay hawlahooda baadhitaan ku koobeen Gabiley oo kaliya oo aanay ka fulin gobollada kale oo dhan iyo wasaaradaha dalka. “Horta anigu waxaan la yaabbanahay Hantidhawrkan shaqad iisiiba noqotay Gobolka Gabiley oo keliya ee aan laga maqlayn gobollada kale ee dalka, kuwaasoo B adhasaabka Gobolku wadwato oo meeshuu doonayana ku duqeeya, meeshuu doonayana ka leexin aya. Dad ayaa ku odhanaya yaan la diidin Hantidhawrka Qaranka, ma diidanin Hantidhawrka ee wa xaannu diiddanahay in ay cid gaar ah u adeegaan, in kelidayo la baadho oo aan meel kale la baad hin ayaannu diiddanahay.

Haddii baadhitaannada Hantidhawrka Qaranka ee Gabiley uu sharci yahay maxaa keenay in madax waynuhu xaal ka siiyo baadhitaannadii sidan oo kale loogu sameeyey masuuliyiintii ka tirsanaa xuk uumaddii Rayaale ee wasiirrada ahaa ee madaxda baanka ahaa ee lunsaday malaayiinka doollar ee madaxwaynuhu dartood u cafiyey dadkii xukuumaddii hore ka tirsanaa in aan la baadhin ee xukuu maddiisan uun bog cusub loo furo? Maxaa kuwii reer Gabiley ee sidooda oo kale ka tirsanaa xukuu maddii hore ee Rayaale Qaarna loo xidh-xidho, qaarna waaranadoodii la keeno saldhigyada oo lagu sheeganayo inay cuneen sagaalka boqol oo shilika Somaliland ah,” ayuu yidhi Caaqil Cabdi Aw Cu mar Warsame.

Oday Cumar Barkhad Bullaale, ayaa isaguna madaxweynaha ugu baaqay inuu nabad waarta ka dh aliyo deegaanka Ceelberdaale, “Madaxwaynaha waxaan uga fadhinaa inuu fuliyo go’aankii Golaha Guurtidu ka soo saareen shaqaaqada Ceel-bardaale oo aanay jirin nabad ka dhalatay deegaanka asi ee dadka deegaanku garteen uun inay wada noolaadaan. Laakiin fulinta go’aanadii Kalabaydh lagu gaadhay looga fadhiyo Madaxwaynaha oo tobon jeer oo hore noo balan qaaday in uu fulin ayo,” ayuu yidhi Mr. Bullaale.

Dadka kale ee halkaas ka hadlay waxa ka mid ah Caaqqil Maxamed Xasan Caynaanshe, Caaqil Max amuud Muxumed Baxar (Jeex), Caaqil Cabdillaahi Warsame Guuleed, Oday Cumar Muxumed Sayre (Laba-suul), Oday Abiib Cabdi Warsame (Abiib Guray), Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Oday Axm ed Cismaan Aw Cilmi, Oday Cabdixadiin Cumar, kuwaas oo dhammaantood si adag ugu dhaliilayey xukuumadda dhexe sida ay dhagaha uga furaysatay ballamihii ay isla ogaayeen Madaxwaynaha iyo fulin la’aanta heshiiskii Ceel-berdaale.

Waxa kaloo ay Badhasaabka ku eedeeyeen Khalkhal galinta xaaladda guud ee Gobolka Gabiley iyo u adeegsiga, waxayna codsi u direen dhexe oo ay ka dalbadeen in degdeg looga soo beddelo Badh asaabka iyo Hantidhawrka Qaranka oo ay u soo jeediyeen inuu baadhitaannada si caddaalad ah ugu sameeyaan gobollada oo dhan ee aanay Gabiley oo kaliya u noqon ushii ceelka lagu dayayey.

Source:Jamhuuriya