Wakiilka Somaliland Ee Kenya oo Ka Waramay Guryo uu Cawil Iibsaday Iyo Dunuub Uu Halkaasi ka Galay

 


Hargeysa (TNN)-Wakiilka Somaliland ee Wadanka Kenya Md. Maxamed Nuur Axmed, oo booqasho ku yimid dalka ayaa sheegay inuu caddayn karo laba guri oo waaweyn oo Wasiirkii hore ee Maaliyadu ka dhistay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Wakiilku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Maansoor ee magaala da Hargeysa ,waxa kale oo uu shirkaasi jaraa’id kaga warbixiyay aragtida beesha caalamka ee qadiyada Somaliland tan iyo markii doorashooyinku ka dhaceen Somaliland.

Md. Maxamed Indho-buur,wuxuu dadweyaha Somaliland ku bogaadiyay sidii wanaagsanayd ee ay u gale en doorashadii Madaxtooyada waxaanu yidhi “Waxaan dadwaynaha reer Somaliland uga mahad naqayaa doorashaddii wanaagsanayd ee u qabsoontay oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadwaynaheedaba aad moodo in ay iminka beesha caalamka u soo jeedisay oo aad moodo in hadda loo heelan yahay. saddexdii bilood ee hadda ay dawladdu xilka haysayna waxyaabo badan ayay beesha caalamku muujiyeen oo  taa geero buuxda ah oo hadda Somaliland loo fidinayo, taa aniga ayaa makhraati ka ah oo Nayroobi jooga, m ashruucyo badan oo ay dawladdu soo bandhigtayna waxaad moodaa in hadda deeq bixiyayaashu toos u hirgelinayaa.”

“Dadkii hore Somaliland welwelka uga qabayna waxaad moodaa in welwelkii hadda ka dhamaaday oo ay si buuxda Somaliland u taageerayaan. Run ahaantii illaa hadda waxaan odhan karaa guul fiican ayaa la gaadhay. markaa hadda waxaa muhiim ah mar haddii doorashadii si fiican u dhamaatay, beeshii caalamk una inoo soo jeed satay waa in dadka Somalilandna ay muujiyaan isku duubni oo ay noqdaan dad qadiy adda Somaliland meel uga soo wada jeeda,”ayuu yidhi Md. Indho Buur.

Wakiilka Somaliland ee Kenya wuxuu soo dhaweeyay dedaalada ictiraaf raadinta madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha dibadda aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, muddadii yarad ee saddexda bil ood ahayd ee ay xilka hayeen waxa ay qaadeen tallaabooyin aad iyo aad u muhiim ah, taasina faahfaah in uma baahna, sidii dalka Jabuuti iyo Itoobiya loogu soo dhaweeyay waad arkayseen, Ingiriiska iyo xag aana hadda waxa ka socda warbaahinta waad kala socotaan. markaa hadda waa bilawgii, wadaduna wa y dheertahay, taana waxaa lagu gaadhi karaa iyada oo ay ummadu isku duuban tahay. labada xisbi muc aarid ee kalena waxaan kula talinayaa in ay xukuumadda la shaqeeyaan waayo dalkani waa dal yar oo hadda soo koraya, ilaa iyo maantana tallaabo fiican qaaday, hadda qadiyada idin hortaalaa waa aqoonsi raadinta Somaliland. Taasna saddexda xisbi oo wada socda ayaa lagu heli karaa, waa in aan la is jiid jiida n, waa in la isku duubnaadaa, waa in nabadgelyada la dhowraa, taasi waa muhiim. waa in lagu mashquul aa oo kaliya sidii dalka Ictiraaf loogu raadin lahaa, dadwaynaha Somaliland iyaga ayaa awalba nabadda ilaalin jiray, haddana waa in ay aad iyo aad u sugaan, waayo cadawgu wuu badan yahay, way la  socdaa n tallaabada horumarka ah ee aad qaadeen, ictiraafkii in uu soo dhow yahay way garanayaan, sida kali ya ee ay taa cillad u gelin karaan waa iyaga oo dhexdiin wax ka abuura, cadawguna ma hurdo ee wuu soo jeedaa, sida aad u dedaalaysaan ayay iyaguna ugu dedaalayaan dibindaabyadiina, markaa ummadu waa in ay noqoto ummad meel ka soo wada jeedda.”

Wakiilka oo la weydiiyay dedaaladii Baarlamaanka Kenya ee la xidhiidhay aqoonsiga Somaliland waxaanu yidhi “Baarlamaanka Kiinaya marka laga hadlayo qadiyadda Somaliland waxaa hormuud ka ah  Guddoomi ye ku xigeenka Faarax Macalin, Soomaalidu 11 xildhibaan ayay ku leeyhiin Kenya dhamaantoodna way ta ageersan yihiin Somaliland, waxaa taa kuu caddaynaysa maalintii aanu samaynay xafladdii ugu danbays ay ee xil wareejinta koob iyo tabankuba way yimaadeen oo way joogeen, dhamaantoodna way ka hadle en xafladaas oo idaacadaha waad ka maqlayseen. Faarax Macalinna runtii waa nin geesiya oo caddayst ay qadiyaddiisa Somalilandna qadiyaddeeda aad ugu firfircoon waana guddoomiye ku xigeenka Baarlama anka, Mooshinkiina waa u diyaar oo anigu waan arkay warbixintii uu ka soo gudbiyay halkan, laakiin waad ogtihiin oo Kenaya waxaa soo dhex galay Distoorkii cusbaa, waa tii la ansixiyay waxaadna moodaa in da wladda iyo Jamhuuriyadda Kenya oo dhami mashquul ku tahay, markaa taas uun baa hakisay ee mooshin ku wuu soo socdaa waxaanan filayaa in si fiican looga doodi doono. Soomaalida oo qudha maaha dadka taageersan Somaliland kuwo fura badani waa kuwii halkan noo soo raacay maalintii madaxwaynaha la dh aarinayay oo laga dhaadhiciyay qadiyada Somaliland, kuwo ka horeeyay oo halkan yimina way jiraan, R aysalwasaaruhuna Somaliland wuu yaqaanaa oo waa kii halkan yimi, xildhibaanada Baarlamaankana kala badh isaga ayaa leh oo waxay noqonaysaa arrin sahlan, Faarax Macalinna waa xisbiga Raysal Wasaara ha, kolayba go’aan fiican ayaa ka soo bixi doona dhawaan.”

Wakiilka oo la waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cali Ducaale uu guryo ka dhistay magaalada Nayroobi waxa uu ku jawaabay:

“Arrintaas anigu ilaha laga helay maan ahayn, Cawil taariikhdiisa ayaan idiinka sheekayn doonaa, intaan ogahay Cawil Nayroobi taariikh fiican nagagamuu iman haddaanu jaaliyadda nahay. Horta Cawil isaga oo Safiir ah ayuu noo yimi, muddadii uu safiirka ahaana runtii nin Nayroobi laga jecel yahay muu ahayn, waa yo wuxuu ahaa nin ummad badan dhibaato u gaystay oo dawladdii Siyaad Barre u gudbiyay, waxaa  rag aas ka mid ah oo aan idiinku caddayn karaa oo hadda nool Nin Musbaar la yidhaahdo oo reer Burco ah oo uu doonayay in uu u gudbiyo Xamar, oo jaaliyaddu saq dhexe xili habeen ah inta aanu u gelinay kurdad iyo googarad, gambana aanu u xidhnay aanu Uganda u tallaabinay, taasi waa taariikh.”

Wakiilka oo arrintaasi ka sii sharxayay wuxuu yidhi “Waxa kale oo jira nin Seedigii ah oo Yuusuf Dirir la yi dhaahdo in uu doonay in uu u gudbiyo Maxamed Siyaad Barre oo aanu u soo gudbinay Mooyaale Itoobi ya. Maalin dhawayd waxaan maqlayay isaga oo ka hadlaya Telefiishanka oo leh waxaan u shaqayn jiray Haayado, anigu sidaan ogahay Cawil oo Nayroobi ka shaqaynaya weligay maan arag, jaaliyadduna may arag, cid taa sheegi karaysaana ma jirto aniguba reer Nayroobi ayaan ahaye, Hay’addaha markaad u s haqaynayso warqad ayay ku siinayaan caddayn ah ee ha soo bandhigo.


Cawil 1977-kii markii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya laga soo noqday ilaa hadda Nayroobi ayuu joogi ji ray, inta badanna Jaaliyadda ayaa taageeri jirtay, waagii danbe waxaanu maqalnay Cawil waxa uu wasiir ka noqday Somaliland. sannad iyo badh markii uu Somaliland ka shaqaynayay waxaanu maqalnay Cawilkii guryaha kirada ah ku jiri jiray waxa uu iibsaday laba guri oo qiimihiisa ilaa hal milyan oo doolar lagu shee gi karo, markaa sida uu u hadlo iyo sida ay waxyihiin ayaad moodaa in ay kala duwan yihiin .

Guri aad Hargaysa ku leedahay oo Hoteelka Maansoor oo kale leeg ma odhan kartid Hargaysa guri kuma lihi, ninka Maansoor lihi ma odhan karo Hargaysa guri kuma lihi. Cawil laba guri ayuu iibsaday, waxaanu iibsaday intii uu wasiirka maaliyadda ahaa, taas waan caddayn karaa wax la qarin karana maaha, waxa an uga gonleeyahayna ma jiraan, haddii aad Nayroobi tagtid xataa riyaha ayaa ku tusaya guryaha Cawil.”
 

 

Source:Somaliland.Org