WARSAXAAFADEED

 


"Waxa dhaqanka siyaasada ah in marka nin masuul ah lagu eedeeyo inuu musuq maasuq galo inuu iska ca silo xalka uu ummadad hayo si uu isaga maydho caybta , una hartogo hay’adaha baadhitaanka haddaanu waxba lunsan. Waxa jirta inay soo baxayeen in Wasiirkii hore ee Maaliyada lagu tuhunsan yahay inuu  lu nsaday hanti badan mudadii uu xilka hayey taasoo keentay inaan lagala wareegin deyn fara badan oo fa raqa uga buuxday. Hadda oo aanu xil hayn waxa haboon in Cawil hortago hay’adaha baadhitaanka si uu ceebta isaga maydho una xaqiijiyo shacabka inaanu lunsan wax hanti qaran ah.


Ma aha haddii lagu tuhmo inaad qabiil dabada la gasho oo tidhaa reernimo ayaa la igu eryanayaa, waxa haboon inay dhaqan inoo noqot qof kasta oo lunsada hanti qaran in la hor keeni karo sharciga. Ma lihi  Ca wil waa danbiile oo lama odhan karo qofna waa danbiile ilaa maxkamadi ku caddayso.


Cawil waxu horseed ka ahaa guuldaradii la soo deristay Xisbiga UDUB waqtigii doorashada sida ay noo  c addaysay baadhitaan aanu ku samaynay guul daradii xisbiga ee doorashadaii 26 June 2010. Ta kale Cawil waxu hadda kor u dhaafay 80 jir waxayna tahay waqtigii uu siyaasada ka bixi lahaa una bannayn lahaa jiilka cusub si ay ula wareegaan siyaasada, isagoo kor u dhaafay waqtigii hawl gabka.


Sida aan dareensan ahay Cawil waxa damac ka hayaa inuu hantiyo hogaanka sare ee Xisbiga UDUB, wax an filayaa inay ceeb ku tahay Xisbiga inuu safka soo mariyo ragii shalay guul darada u horseeday in loo ogolaado inay hogaanka qabtaan, taas oo muujin karta inaan Xisbigu dan ka lahayn doorasho danbe inuu ku guuleysto. Sidaa darteed Cawilow Ceebta iska maydh oo ogolow hay’adaha sharcigu inay ku  baadha an oo weliba adigu si daacadnimo ku jirto u hortag si aad dadka ugu xaqiijiso inaadan lunsan wax hanti qaran. Waxan doonayaa inay noqoto dood furan oo qof weliba ka dhiibto ra’yigiisa."





Cumar Jaamac Faarax

Guddoomiyaha xafiiska Siyaasada UDUB