Carraale wuxuu yidhi: "Beedkii aan gacantayda ku jebiyey baa rag moodayaa in aanuu jabin"

 

 

Wacan oo wanaagsan. Sheekadani waxa ay la xidhiidhaa sheekadii la magac baxday "Beedkii la koolkoolin jirey armuu innaga jabaa"

Geed weyn oo gob ah hoostiisa ayaa la fadhiyaa. Ragga fadhiyaa waa toboneeyo, uu ka mid yahay Digaale. Waxa loo fadhiyaa sidii loo kala saari lahaa muranka iyo  xurg ufta soo jiitantay ee dhextaal saddex da oday ee beesha hormoodka u ah Carraale, Kediye iyo Warfaa. Saddexduba waxa ay haystaan taageerayaal ku taageersan wax aan la taaban karin. Waxa bilaabantay gartii. Waa yaab oo waxa garta qaadaysa  Qu mman, oo looma baran in ruux dumari ay garta qaaddo waase looga maarmi waayey. Qumman waxa ay tidhi: "nimanyahaw is haystaa, magacaygu waa Qumman, qawlkay ga waxa loo qudhqudhiyaa sida Qaayib caanaheeda, hadal qalloocan ma aqaan, inaan gartiina qaado ma ku qanacsantihiin."

Carraalaa ugu hor jawaabay oo yidhi: "Qummnay! haa waan ku qanacsanahay" Waxa ay ku celisay, Waar Carraaloow joog, qawlka aad rag la gasho, si yar baad uga  baxd aaye, ma ku qancaysaa go'aanka" Qummanay hadal-tirada iska daa, oo garta qaad.

Qumman oo sii jalleecaysa dhankii uu fadhiyey Kediye ayaa sii tidhi: Rag na qawl baa xidha, dumarna Meher, intaasaan ku dhaafayaa. Kediyoow ma ku qancaysaa.

Kediyena wuxuu yidhi: " Haa sidee baanaan ugu qancayn tan iyo maalintii  murankay agu bilaabmay weli gardiid maan noqon" Haa oo dee awooddii beeshaa kaa maqane, adba malaa garta maad qaadateene qumman baa sidaa tidhi. Kediye oo giir iska  kici naya ayaa yidhi: Qummaneey garta qaad oo qallooca ka ilaali, waar yaa dumar gar u dhiiban jiray" Qumman oo ilka cadeynaysa baa tidhi: " ma ragbaa jooga waar  dhowa an sii fadhiyi maysaane oo beesha hoggaan u noqon maysaane u banneeya Cawrala, Cibaado iyo Canbaro way idin dhaami lahaayeene.

Halkaa marka ay marinayso hadalkii buu soo booday Warfaa. "Eyaahe, ma gar baad noo qaadaysaa mise waad nala yooyootamaysaa, wallaahi in ... ..." Waar bal u kaadi, magacaaguba waa Warfaaye, anigoo Qumman la ii bixiyey, hooyadayna Qaali ahayd ayeydayna Qoran bay ahayd, Qumman baa sidaa ku afwaajidey Warfaa. Waxa ay sidii oo kale weydiisay in uu ku qancayo Warfaana, go'aanka. Haa buu ku warceliyey.

Go'aankii Qumman.

Mar kii aan arkay in dagaal dhici gaadhay, markii aan arkay in Warfaa iyo Kediye ay hub urursanayaan oo fardihii dagaalkana ay diyaarsadeen, markii aan eegay dadka waaweyn ee jilicsan ama bukaan jiifka ah, markii aan tixgeliyey carruurta aan weli  dh alan iyo kuwa fadhi baradka ah ee beesha u kacaya, markii aan eegay, beelaha kale ee aynu oodwadaagta nahay, markii aan arkay in gumaysigii Ingiriisku si dadban  inoo gu soo noqday oo uu rabo geeleenaa iyo adhigeennaa inuu dib u xalaalaysto, markii aan arkay Axmaarkii oo soo siqaya oo beesheenii midka ahayd kula dhexjira qori dab leh, markii aan eegay danta beesha, waxa aan go'aamiyey go'aan aad u qadhaadh. Qumman markay intaa tidhi ayey u yeedhay gabadh kale oo la yidhaa Ceebla. Naa  Ce eblaay, go'aanka u akhri odayaasha.

Ceebla oo Xoqodihii ay xidhnayd waxba ku arki weyday, baa inta ay iska bixisay tidhi bilaa muraayadda ayaaba aan yara Hinbiriirsanayaaye wax yar ii dulqaata. Qodobka koowaad waa in uu Carraale ..... ..... waa maxay halkaasi, Naa Qumman bal ila eeg, hal kan maxaad ku qortay ma qaladbaa. Qumman baa soo kacday oo tidhi: " Maaha qalad ee danta dadka iyo dalka ayaa sidaa ku jirta." Ceebla oo yaabban baa hoos u sii tidhi: "Ma sidan baa dani ku jirtaa wallee waa yaab" Waa ay sii wadday oo tidhi: " Go'aanka koowaad, waa in uu Carraale beesha Hoggaamiyaa ilaa muddo aan cayinnayn, Go'aa nka labaad ha la iska aqbalo gumaysiga cusub ee uu hoggaanka u hayo Ingiriisku, Xa bashiduna ay biriijka u tahay, go'aanka saddexaad, geela, adhiga iyo lo'da tiradoodii innaga gedmatay ee la kala saari waayeyna Ingiriisku ha inoo kala saaro, go'aanka ugu danbeeya guurtideenii dhawrka gu soo shaqeynayey bedela oo ku bedela isla iyagii uun.

Go'aankii intaasuu ku dhanyahay.

Kediye waxa uu hoos u yidhi, hadal aan la maqlayn markii la yidhi maxaad tidhina  wa xa uu yidhi, Dee waan aqbalay baan idhi. Laakiin Warfaa baa kor u booday oo yidhi, waa maxay muddada loo kordhiyey in uu beeshan uu silciyey ee uu ku ciyaaray sii hoggaamiyo muddo aan la garanayn DEE MA ILAA SHII BAA, waar yaa ii sharxaya xilliga la kordhiyey? Qumman waxa ay tidhi: " Waaryaa Warfaa, horaad u fikiri  lahay de, Faaqidaada jooji, Faylkana dhankaaga ka gal, ha fikirin, wax ba haw fiirsan, ha faallayn ammuuraha, Ku foognaw dantaada, feejignaan lahaw, farahana ha  taagtaa gin, Gurigaaga Fiidkii u hoyo, yaan dadku fidhaab kaa noqone, sidaasaad ku  fayowd ay, ee go'aanka fahan. Isaguna wuxuu yidhi: Dee maan diidine waan aqbalay. Odaygii Carraale ayaa yidhi: Waa guul, waa guul u soo hoyatay beesha, beedkii aan berigii ka soo qaaday magaalada, ee aan gacantayda ku kala jebiyey ayaa rag moodayaa in aanuu weli jabin. Kaasi wuu jabay, ee danteenna ma ka raacannaa sidaa ay qumman tidhi waa sida ugu habboon. Inkasta oo ay wax is dhexdhigtay oo walaalaheenna Xabashida iyo saaxiibadeenna shisheeye ee Ingriiska ay farta ku yara godday waa iska Maacaleesh, ee go'aankii waan qaaatay.
 
Carraale oo taagan ayaa yidhi: Beedkii la koolkoolin jiray mana uu jabin mana  Fayoo ba, Garo ama ha garan, Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin. Sidaasuu kaga tegey  goli hii la fadhiyey. Warfaa iyo Kediye ayaa isa soo raacay. Warfaa baa yidhi: "waar  niny ahaw nin cod kar ah ayaan ku moodayey oo berigii hore wallaahi, gartaada waan ku diirsan jiray maxaa ku dhacay ee aad gorodda la laalaadinaysay mabaad kor u eegin Carraale ee maxaa dhacay?. In yar buu aamusay Kediye, oo hadana istaagay, waar yaahe Warfaa, dee waxba malaa adigu maad dareemine, waa la igu dhanyahay.

Maxaa kugu dhan? Waar ilaa markii aan geedka imi qandho ayaa i qabatay,  madaxa asina waa uu i ballaadhay, sanku wuu i dheeraaday, lugaha ta bidix waa baan arki  w aayey, waar ninyahay dabiib ila doono. Warfaa oo yaabban baa yidhi: Waar ma  wix ii ay shhegayeenbaa? Dee mooyi.

Carraale ha inna hoggaamiyo dhawr sannadood iyo SHII, sidaasay beeshi ku  go'aan satay. Carraalena waxa uu golayaal badan ka yidhi: " Waa ciide ciida, Carraalaa la  d oortaye, Ciida, Ku Caweeya guul, Xilli Cayiman lama sheegine, ciida oo farxad ku ciida. Qummanna waxa ay tidhi: " Ragga toodii aragnaye Dumar talo ma laga deyey"?

 



Nabaadiino

 

 

Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden