Haweeneyda Madiga Ku Ah Murashaxiinta Golaha Deegaanka Gabiley uga Sharaxan Xisbiga Kulmiye oo Wacdaro Ka Muujisey Dhoolatuskii Maanta+Sawirro

 

 


Gabiley (TNN)-Haweeneyda Kalida ku ah Kow Iyo labaatanka Murashax ee Golaha Deegaanka Deg mada Gabiley uga sharaxan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Marwo Aqoonyahan Cibaado Maax Cilmi ayaa manta wacdaro iyo xamaasad gaar ah kusoo bandhigtey dhoolatuskii Ololaha Xisbiga Kulmiye ee lagu qabtey fagaaraha Kheyriyada Gabiley iyo waliba Xafiisyo ay Ku leedahay Kalabe ydh oo lagu soo dhaweeyay ciyaaraha hidaha dhaqanka iyo taageero loogu muujinayay kalsooni da ay ku qabaan taageerayaasheeda, Deegaanada ku hareereysan Kalabeydhka.

Taageerayaal tira badan oo kor u dhaafey boqolaal kamid ah taageeraayaasha Murashax Marwo Cibaado Maax Cilmi oo sigaar ah u muujinayay dhoolatuska ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan ayaa, isugu soo baxey dariiqyada Gudaha Magaalada Gabiley kuwaas oo qaarkood ku lab isnaayeen garamaan ay ku xardhan yihiin Sawirka Murashax Cibaado Cilmi iyo boodhadh dhaadhe er oo uu kuyaalo Sawirka Murashax Cibaado Maax Cilmi, waxaanay taageerayaashan oo haween ku qaadayeen ciyaaraha Hidaha Dhaqanka markii dambe ku xasileen fagaaraha Kheyriyada Maga alada Gabiley.

Marwo Cibaado Maax Cilmi oo Munaasibadii dhoolatuska Ololaha Doorashada Deegaanka ee Xisbi ga Kulmiye nasiib u heshay in ay ugu hor hadasho madasha Fagaaraha Kheyriyada ayaa, sheegt ey in ay ku kaliftey ka qeybgalka tartanka Doorshada Deegaanka kadib markii ay aragtey dhibaa tooyinka kajira deegaankan Gobolka Gabiley, iyo Waxqabadka Arimaha Bulshada oo ay markii horeba u tafa xeydneyd islamarkaana ay ku gargaari jirtey danyarta iyo dadka ku dhibaateysan Deegaanadan waxaanay balanqaadey Marwo Cibaado Maax Cilmi in ay maanka ku hayso waxyaa bo badan oo ay ka qaban doonto Gobolka Gabiley iyo Golaha Deegaankan marka ay ku guuleysta an tartanka Doorashada Deegaankan iyadoo Muujisey in ay rajo fiican oo Boqolkiiba boqol ah ka qabto Guusha Doorashadani.

Taageerayaasha Murashax Marwo Cibaado Maax Cilmi oo wacdaro iyo dhoolatus fiican kusoo ban dhigey Fagaarihii Kheyriyada Gabiley ee ay maanta taageerayaasha Murashaxiinta Xisbiga Kulmi ye Ku damaashaadayeen oo ay la qabeen Murashaxiin tira badan oo iyaguna dhoolatus fiican kusoo bandhigayay halkaasi ayaa mar kaliya isla oogsadey kadib markii ay Madashaasi Marwo Cibaado si kooban ugu guud martey Waxyaabaha uga qorsheysan Barnaamijkeeda Waxqabadka Arimaha Bulshada kadib marka ay guuleystaan, waxaanay soo jidatey sawaxanka taageerayaashu kumanaankii taageere eek u sugnaa madshaasi.



Sidoo kale masuuliyiintii Munaasibadaasi dhoolatuska Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Ololaha kasoo qeyb galey oo uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Soma liland Mudane Abiib Diiriye Nuur ayaa, dhamaantood amaan iyo bogaadin ujeediyay Marwo Cibaa do Maax Cilmi iyagoo sigaar ah u xusey Doorkeeda Arimaha Bulshada ee ay inta badan ka qaada to Gobolka Gabiley iyadoo inta badan qurba jooga UK ku dhiiri galisa in ay wax u qabtaan dadko oda.



Cibaado Maax Cilmi ayaa dhawaan baaq ujeedisay Qurba jooga kasoo Gobolka Gabiley si ay u ca awiyaan Qoys danyar ah oo masiibo xanuun Culus ah oo Curyaamiyay jidhkoodu ku dhacey, iyad oo Dhinaca kalena hore uga soo shaqeysay Samafalkii ay geysan jireen Ururka Haweenka Allkhey riya oo Caawimooyin soo gaadhsiiyay dadkii kasoo barakacey Colaadii Seemaal iyo Abaarihii Waq ooyiga Gobolka Gabiley Saameynta kuyeeshay.



Gabagabadii Haweeneyda kalida ku ah Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye uga Sharaxan Gobolka Gabil ey ayaa taageero ka haysata qeybaha Bulshada ugu Muhiimsan oo ay kamid yihiin dhalinyarada iyo Haweenku.

 

 


Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland