Jamhuuuryada Somaliland Taliska Ciidanka Booliska



Xog/ TCB/2/6-19/2010


Ku: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL

Og: Dhamaan Wargeysyada Madaxabanaan Hargeisa

Og: Madaxa Dalada Wargesyada Hargeisa

Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Hargeisa

Ujeedo: Warfaafin been ah oo ku lid ah Taliyaha Ciidanka Booliska JSL


Mudane Xeer ilaaliye, waxa la yaab iyo amakaag igu noqotay Maanta 14/ 12/ 2010 oo aan ku arkay war lagu faafiyay Wargeyska Waaheen ee soo baxay 14/12/2010 cadadkiisu No. 458 Bogga labaad oo qoray laguna shaaciyay sawirkayga iyo war been ah oo sheegaya “Degmada Wajaale oo xalay fii dkii laga kala caraabay iyo reer Awdal oo ka xanaaqay Waraysigii Cilmi Kabaal”.

Sida runta tahay, aniga waxa I waraystay oo kaliya wariyaha BBC-da Axmed Siciid Cige, waxaan u s heegayna waxa laga wada maqlaayey BBC-da, Wajaale kumaan soo qaadin waraysiga, mana jirto w arkan Wargeysku qoray in laga kala yaacay Wajaale iyo waxa reer Awdal laga sheegay oo ay ka co dsadeen.

Haddaba, Mudane Xeer ilaaliye iyo Wargeyska madaxa-baan ee xagayga sharafta iyo wada- shaqay nta naga muddan waxaan ka bayaaminayaa in Wargeyska Waaheen cadaystey in lagu faafiyo been aan sal iyo bartoona lahayn oo lagu kicinayo dadweynaha xaalad abuur aanay waxaba ka jirin, taas oo sumcada Wargeyska halbowlaha goysey.

Mudane Xeer ilaaliye, waxaa kula socodsiinayaa in Wargeyskaasi aanan arki cid ka socota oo wax I weydiiseyna ma jirto, wayna tahay in Wargeyska ku xad-gudub sharafta iyo karaamada aan dalka u hayo sida ku xusan Qodobadda: 287, 452, 328 X.C.G oo kala ah ( False accusation against Public offc er, Defamation of character and circulation or publication of false exaggeration or tendetion news capale of disturbinh public order).

Sidaa darteed, waxaan kaa codsanayaa in aarintan si sharciga waafaqsan loogu fuliyo mas’uulka W argeyska.
 

 


Cilmi Rooble Fure

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL.