Maanso “Cishqi iyo Calaf”


 

 

Imisaa Nin caalima

Cilmi iyo aqoon dheer

Cudud iyo Awood badan

Camal fiican haystoo

Inta uu ciyaar tagay

Cadaloolka fiidkii

Ka calmaday gayaan wacan

La caweeyay gaafkii

Cagta saartay sheekadda

Canab iyo ayaan iyo

Cawo Dumar ka Caashaqay

Caynba cayn aduunyooy

subax waliba caynkeed

calafna waa halkiisee

calmashada nin beri hore

intuu cashaq meel dhigay

cadaloolka fiidkii

cugashada yaqaanoo

cuskanayaa calafkuna

Ku casuumay meel kale

Waa Calaf Aduunyoo

Lama wada casheeyee

Carshigay ku Qorantee

Ciduu eebe siiyaa

Cirka Sare ka cokantee

Calafkiyo jacaylkuna



Waa Laba cadaawe ah

Cimrigood Colaad dheer

Caadadoodu noqotee

Allahayoow Cishqiyo iyo Calaf

Midnaba Caadil ha jabin.

 

 

 

Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
mccfuture@murtimaal.com
mccfuture@longlivesomaliland.com