WAR-SAXAAFADEED
Waxaa Xisbiga UDUB Xubinimadii ka qaaday Cismaan Cabdilahi Cigaal oo
ku kacay talaabooyin ka dhan ah Xisbiga UDUB, muddooyinkan dambena
si is daba joog ah ugu kacayay falal xad gu dub ku ah Xeerka iyo
Nidaamka Xisbigaba.
Haddaba Xil ka qaadistiisan ayaa ka dambaysay Qaraar ay guddi loo
fadhiisiyey oo ah Guddiga Sharciga iyo Anshaxa ee Xisbiga UDUB ka
soo saareen, kaas oo aanan hore u jeclaysan inaan saxaafadda u soo
bandhigo, Qaraarkaas ayaan isla maanta 25 Sept, 2012 ku Go´aamiyey
Xubin ka qaadis Waafaqsan Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB, sida aan ku
xusay warqadda Xubin ka qaadista.
Waxa ayaguna la yaab leh in Xild. C/Kariim Aw Cali Shabeel iyo rag
la mid ah oo wakhtigii Xis biga UDUB xukunka gacanta ku hayey ku
biiray Xisbiga Kulmiye, ilaa haddana ka tirsan inuu TV-yada af-xumo
la soo fadhiisto, si qaawan ayaanu ugu jawaabi doonaa isaga iyo
cidda soo adeegsanaysaba haddii uu ka waantoobi waayo wax ka sheega
arrimaha Xisbiga UDUB.
Somalidu Waxay ku maahmaahdaa ´Baqashu ma dhasho wax dhalana ma
jecla´ waxaan u soo qaatay raga uu ka mid yahay Cismaan Hindi oo aan
marnaba rabin in xisbigan inay xisbigan wax ka noqdaan cid kalena ka
noqoto, in badana hagardaamooyin in muran kula dhexjiray, waxa la
wada xasuusanyahay inuu wakhtigii shirka Golaha Dhexe aanu
iclaaminay uu media-ha ku baahiyay inuu u taagan yahay Musharax
Madaxweyne, haddana maalintii shirka lagu qabanayey Ambassador aan
ka soo xaadirin, waliba shir jaraa´id ka barbar qabtay. Miyaanu
Cismaan ku Sifaysnayn Baqashaa aan sheegay.
Waxa kale oo aan halkan ku cambaaraynayaa Shir-Guddoonka Guurtida oo
aan la garan karin Xilka uu ku qaabilay Ninkaas iyo raga Kulmiye ee
uu watay.
Waxaan mar labaad halkan ku celinayaa Cid kasta oo Xubintaa Xisbigu
Kala noqday Xubinimadii ku qaabisha Xubin UDUB ah inay noqonayaan
cid dambi ka gashay Shuruucda iyo Bahweynta Xisbiga UDUB.
Cabdi Xaliim Maxamed Muuse
K/S Guddoomiyaha Xisbiga UDUB
|