Agaasimaha olalaha doorashada mada xto oy ada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi)

Guddoomiyaha UCID Wuxuu Doonayaa Inuu Hargaysa Khad Cas iyo Qab yaalad ku Kala Qaybiyo, Waana Dambiile Qaran


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Agaasimaha olalaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay  guddoomiya ha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasi oo  ah aa in aanu xibsiga UDUB ka ololayn karin meelaha xisbiyada mucaaridka ahi ku taageero badan yihiin, isaga oo islamarkaana dadka ugu baaqay in aanay baabuurtooda ka kirayn xisbigaas UDUB.

Mr. Cismaan Hindi oo xalay u waramay qaar ka mid ah saxaaffada dalka, ayaa sheegay inuu Fayasal Cali Waraabe doonayo inuu magaalada  Harg eysa ku kala qaybiyo khad cas iyo qabyaalad, isaga oo xusay inuu soo qaatay mashaariic lagu duminayo Somaliland, waxaanu intaa raaciyey in Faysal Cali Waraabe uu yahay dambiile qaran oo doonayo inuu bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland isku diro.

“Saaxiibkay Faysal Cali Waraabe wuxuu la soo baxay beryahan dambe wax aan loo dul qaadan karin oo ah inuu Magaalada Hargeysa khad cas kala mariyo, oo uu ka dhigo sidii Xamar oo kale, oo uu yidhaahdo  xaafad ayda xisbi kale ma iman karo, haddii ay yimaadaana hala shiido, oo yaan baabuurta laga kirayn. nin doonaya inuu dalkan madax ka noqdo waa looga wanaagsan yahay dhaqankan oo kale, waxaanan aaminsanahay markuu sidaa u hadlayo iskaa madaxtinimo uu u tartamee inuu yahay dambiile qaran oo doonaya inuu bulshada walaalaha ah ee reer  Somalil and isku diro.

Faysal wuu iloobaa wixii uu maanta lahaa sida carruurta, Arrimaha  Siya asadana wuu ka been abuuraa siyaasadda xiligan ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waa mid ma dhalays ah, waxaanu Faysal mashaariic lagu  dumin ayo Somaliland uu ka soo qaatay dibada, waxaanu u baahan yahay in laga tumo saar qabyaaladeed, Zamora iyo Interpeace.”

Cismaan Hindi oo aanu weydiinay wuxuu ku cadaynayo in Guddoomiyaha UCID uu dibada ka soo qaatay mashruuc lagu burburinayo dalka, waxaa nu ku jawaabay “Waxaan ku caddaynayaa marka uu leeyahay Hargeysa xaafadayda lama tagi karo oo xisbi kale ma tagi karo oo haddii ay tagaan shiida, waxaanu Faysal difaacayaa oo uu dagaalkaasi u galayaa NGO- yar.”

Agaasimaha ololaha doorashada ee xisbiga UDUB, wuxuu Guddoomiyaha UCID ku eedeeyay inuu ka been sheegay weftigii Midowga Yurub ee  Soc daalka ku iman lahaa dalka, hase ahaatee dib u dhigay  booqashadoo dii,oo uu xusay inay u baaqdeen arrimo ka yimid dhinacooda, waxaanu yidhi “Weftigii Midowga Yurub ee socdaalkoodii ay ku iman lahaayeen dalka ka cudur daartay oo sheegay inay ka xun yihiin oo ay mar kale iman doonaan Somaliland oo raali gelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid booqashadoodii, arrintaasna Faysal wuu ka been abuuray wixii uu  Saxaa fada maanta ku qorayna waxba kama jiraan. Waxay weeftigaasi ay  she e geen inay sii wadayaan xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Somaliland.”

“Waa wax lala yaabo in laga been abuuro wufuuda dalka imanaysa waa nasiib darro Guddoomiyaha UCID-na waxaan leenahay ka waantoow, be enta iyo siyaasad xumada aad caadaysatay,”ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Agaasimuhu, waxa kale oo uu jaawab kulul ka bixiyay hadalo ka soo  yee dhay Xisbiga KULMIYE oo dhawaan bogaadiyay dadweynaha reer  Somal iland oo ay sheegeen inay dhegaha ka furaysteen olalaha xisbiga UDUB ku kaliyaystay ee uu ka wado dalka.

Cismaan Hindi oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Horta KULMIYE wuxuu wadaa oo uu mar kasta la soo taagan yahay siyaasad ma  dhal ays ah, oo aan sal iyo raadtoona lahayn oo xaalad abuur iyo khal khal ku gelinayaan dalka, waayadan dambe waxa batay beentoodii waxba ka ma jiraan arrinta ay sheegeen ee ah inaan loo soo bixin olalaha doorashada xisbiga UDUB ee doorashada madaxtooyada.

Waa nasiib darro inuu KULMIYE ka been sheego wax ay ummadda reer Somaliland arkayso oo ah ee Gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan taageereyaasha xisbiga UDUB ay iskugu soo baxeen ee ay u  muujinay aan taageeradooda, ee ay ugu soo baxeen xisbiga oo dadweynuhu  iyag oo calankii xisbiga UDUB ku jeeni qaarnaa lugaynayay wadooyinka  maga alooyinka.waana wax lala yaabo inuu KULMIYE inkiro sida dadweynuhu ay noo soo dhaweynayeen. Waxaan qabaa xisbigaasi wuxuu marayaa oo ka dhigan yahay nin daad qaaday xunbo cuskay.”

Cismaan Hindi wuxuu xisbiga KULMIYE ku dooday inay ka shakiyeen  shac biga dalka, oo ay ka baqdeen ka qeyb galka tartanka doorashada  Mada xtooyada, waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE haddii uu taageero ku haysto shacbiga Somaliland oo uu is leeyahay waa lagu taageerayaa wuxuu u soo bixi lahaa doorashada madaxtooyada ee ay qaadaceen, waxaanay ku kalsoonaan lahaayeen Komishanka Doorashada oo ah haayada ka garooreysa.”





Source: Jamhuuriya Online