Cisman-Hindiyow riwaayadii Berbera ee DHADO ROOB NOQON WEYDAY miyaad iloowday muxu Rayaale shacabka u sheegi ee danbe

 

Waxan bishan 7deed o aheyd shalaytoole ka aakhristay shabakada Qarannews qoraal ay ka soo xigatey shabakada Ramaas o u gudoomiyahay OLOLAHA xisbiga UDUB ku durayo  a ma ku eedeynayo gudoomiyahay xisbiga UCID Fasial cali waraabe, wuxu leeyaay mudane Cisman hindi Faisalow saxiib cayda iyo aflagaadada dadka laguma kasbado iyo anagu  had dii anu nahay UDUB, xisbiyada mucariidka kuma habsaano waxka sheegooda, waxa kaloo hadaladiisa ka mid ahaa inuu ku faanayo waqbadka xisbiga UDUB o u soo qaatay xagga  w axbarashada, waxakaloo u Cisman Hhindi u sheegay Faisal inuu ummadda u sheego  barna amjiyadooda siyaasadeed.

Waxan haddaba isweydiiya tolow Cisman-hindi ma Sweden buu wali jooga o ma oga  xaala da dalku ku sugan yahay, Cismanow inadr. miyaanada la socon in tviyo iyo idaacadii  qara nka somaliland loo isticmaalo in axsaabta mucaaridka ah maalinba xisbi lagu cayo o lagu  a flagaadeeyo, miyanad ogeyn inuu jiro wasiirka cayda iyo aflagaada ee maamulka Riyaale o ah wasiir Axmed Xaji Daahir, haddii in uun jiro xisbi iyo ashkhaas waxay ceyda waa  UD UB iyo inta Rayaale u nacam leysa ee musharada ku qaadata cayd iyo aflagaadada  axsa abta mucaariidka ah.

Halkan ad ka tidhi barnaamjiyada siyaasada ayanu shacabka u sheegan haddii anu nahay UDUB, miyaad iloowday ama moogta hay Cismanow beentii iyo riwaayaddii Rayaale ee  D HADO ROOB NOQON WEYDAY ee Berbera laga dhigay dhawr sano ka hore, xaggeed jirtay markii dhawrka DHAGAX LA DHIGAY magaalada Berbera ee u Rayaale shacabka  soomalil and beenta ku maaweelinaya, ma dhaqax danbe iyo been danbe o la sheego ayuu  shaca bku maanta u baahan yahay, cismanow shacabku wuu ka daalay balanqaadka Ina  Rayaa le iyo beenta u ku saleysan yahay barnaamjiyada UDUB ee madhaleyska ahi.

Cismanow inadr. ma madaarskan iyo dugsiyada iyo jaamacadaha shacabku dhisteen baad u heysata barnaamji u soo hindisay Rayaale iyo Mafiyadu, ma filayo in maanta barnaamji danbe iyo balanqaad danbe in ay shacabku idinka rumeysan doona mustaqbalka.


Bal an dib ugu soo noqdo gudoomiyaha xisbiga UCID iyo dhamaan siyaasada xisbiga UCID, runtii ma ah cismanow mid aflagaado iyo cay ku saleysan ama ku dhisan siyaasada xisbiga UCID, xisbiga UCID wuxu leeyahay siyaasad iyo barnaamji dalka iyo dadka ba raali galin  d oona mustaqbalka, waa siyaasad wax tari doona mustaqbalka dalka iyo dadkaba haddii  a y ku guuleystan doorashada soo socota, wuxu xisbiga UCID iyo gudoomiye Faisalba  shac abka soomaliland ku kasban doonaan dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee u gudoomiye Fais al ku badbaadiyay qarannimada soomaliland dhawrki sanadood ee u danbeyay, waad la socota cismanow inuu gudoomiye Faisal yahay gudoomiyaha kaliya ee shacabka iyo  qara nkaba u dhago nugul una damqada marka ay Rayaale iyo Siilaanayo isku muruxsadaan.

Waxan runtii cisman ku sheegay o an Farwaaweyn kugu soo qoraya inuu GUDOOMIYE  FA ISAL CODKA SHACABKA SOOMALILAND KU KASBAN DOONO daacadnimadiisa, Kartidiisa, iyo wadaninimadiisa, wuxu ku kasban doona sida u shacabkiisa ugu dhaqo nugul yahay, wuxu ku kasban doona codka shacabka sida u dalkiisa u difaaco. waad la socota maalintii  dhaw eyd ee sarkaal qeybta 12nad lagu dilay Laascaanood inuu gudoomiye Faisal ah  gudoomi yaha kaliya ee farta ku fiiqay meeshii laga soo abaabuulay cadawgaasi taliyahay dilay, oo u ku sheegay kooxda Nairobi ku shireysa, waxad la socota in kooxdaasi sheegatay in ay  k a danbeyeen dilka taliyaha, ila hadda labada gudoomiye ee UDUB iyo Kulmiye lama hayo  q oraal iyo cod ey ugu jawaabeen kooxdaasi dagaalka iclaamisay ee duulkan ku soo ah  soo maliland iyo gobolada hoos yimaad, sidaasan cismanow aaminsanahay inuu Faisal  shacab kiisa ku kasban doono ee cey iyo aflagaado waxa idaacado iyo tvi u furtay Rayaale iyo maamulkiisa ee Cisman bal dhagaha u fur o dhageyso tviga qaranka iyo radio hargeysa waxa ka socda barnaamjiyo.

waxad la socota xaalaad siyaasadeed ee u dalkeenu marayo, waxad ogtahay inuu xisbiga UCID yahay xisbiga kale ee sida xanjada iyo suufka isku haya siyaasada gooni isku taaga soomaliland, waxad la socota siyaasada kaste o cadawga soomaliland soo maleego inuu  y ahay UCID xisbiga fashileyaha, waxad ogtahay khilaafyadda iyo muranka madhaleyska ah ee ka dhex aloosan Kulmiye iyo UDUB inuu yahay UCID xisbiga fashiliyahay barnaamjiyada labadaasi xisbi soo maleegan.

Dhawrkaasi qobob ee an Cismanow kor kugu soo xusay ayuu gudoomiye Faisal ku kasban doona codka shacabka soomaliland ee hormorka iyo dimuqradeyda jecl,

Wuxu Riyaale iyo UDUB ku waayi doona kalsoonidii shacabka iyo codkoodaba beentii iyo dhacdadii Berbera ka dhacday ee DHAQAXEYANTA LA TUULAY ee noqday riwaayadii DHADO ROOB NOQON WEYDAY. shacabkuna been kale uma baahna Cismanow.

soomaliland guul
 

 

 

 

Omar Daarood Hassan
Norway