“Cismaan-Kalluun Waa Odaygaygii, Waa Siyaasigaygii, Xidhiidh Aad U Dhaw Baana Naga Dhexeeya, Markuu soo noqdana…”
 

 


 

Hargeya (TNN)-Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi,ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inuu M adaarka  Caasi madda Hargeysa ku soo dhaweeyey Siyaasiga Cismaan Jaamac Cali (Cismaan-Kalluun), oo ka tirsan  S iyaasiyiinta reer Somaliland ee aamminsan mabda’a midnimada iyo Faddaraalka  Sooma ali-weyn oo  Arbacadii inna dhaaftay dib u dhoofay, ka dib markii uu toddobaad iyo dheeraad ku sug naa Hargeysa. Isla markaana Boqor Raabbi waxa uu sheegay in isaga iyo Cismaan xidhiidh aad iyo a ad u dhawi ka  d hexeeyo.

Boqor Raabbi, waxa kale oo uu sheegay in Cismaan-Kalluun dhawaan dalka ku soo laaban doono, mar kaasoo uu xusay inuu si weyn haddana Hargeysa ugu soo dhawayn doono, maadaamoo uu yahay  si da uu sheegay Odaygiisii iyo Siyiisigiisii labadaba. Boqor Raabbi Yuusuf Jiilaal waxa kale oo uu ka  hadl ay Colaado ka curtay Koonfurta Killalka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan dhinaca ay degaan Beelaha reer Somaliland ee Itoobiya iyo ta deegaannada Buuhoodle dhawaan ka qaraxday oo uu sheegay inay Xukuumaddu siyaasadaysay, halka ta dhinaca Itoobiyana aan xil la iska saaray jirin, sida uu ku dooday. Waxaanu Boqor Raabbi sidaa ku sheegay waraysi uu shalay  Hargey sa kula yeeshay Weriye Faysal Xiis Weerar oo ka tirsan Weriyayaasha Wargeyska HargeisaStar. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaana waxa uu u dhacay sidan:-

S: Waxa jira colaado dhexmaray Beelo isku deegaanno ah oo dagaallo ku dhex mareen Killalka  shan aad ee Itoobiya iyo Bariga Gobolka Togdheer waxaana jirta in colaadda deegaanka Buuhoodle  Ergo oyin nabadeed iskaga daba-tageen, halka tahawda Itoobiya aan cidi u dhaqaaqin, bal arrimahaa ka warran?

J: Horta way jirtaa arrintaasi, waxaanad mooddaa in dadka qaybna masuul laga yahay qaybna aan xilba la iska saaraynin oo dadka la qaybqaybinayo, waanay ka dharagsan tahay Xukuumaddu  Colaa dda Hawdka ka soo cusboonaatay iyo ta deegaannada Buuhoodle, waxaanad mooddaa in la  siyaasad aynaayo halkii laga damin lahaa colaadaha soo cusboonaaday.

S: Waa sidee sida loo siyaasadaynayaa, waa ayo-se cidda siyaasadaynaysaa arrintaasi, bal dadka u caddee?

J: Waxa loo siyaasadaynayaa Wefti isugu jira Xukuumadda, Axsaabta Qaranka, Golayaasha  Baarlam anka iyo Madax-dhaqmeedyo ayaa is raacay oo u baxay Jiidda Buuhoodle, arrintuna maaha mid  dawl adeed ee waa arrin dhaqan, manay ahayn in loo dhaafo Madax-dhaqanka oo la siyaasadeeyo. Waxaanay ahayd in loo daayo Madax-dhaqmeedka ku hawlan oo haddii wax la qabanayo iyaga la  ha wl galiyo, sababta oo ah? Arrimaha noocaas ah waxa ka masuul ah Madaxda Dhaqanka, tusaale  ahaan imaka Beriga Somaliland qayb Puntland baa ka taliso qaybna Somaliland. Markaa, hadday Soma liland u dawladeyso labada beelood ee reer Somaliland ee dirirtu dhexmartay oo ay u tagto waxay noqonaysaa in dhinaca kalena yidhaahdaan dawladdiinnii-baad wadataan, annaguna dawladdayada ayaannu u yeedhanaynaa oo ay Puntland soo kaxaystaan, markaa dhaqankii meesha wuu ka baxay oo dabkii ayuumbaa Baadrool lagu shubay sii huriya.

S: Hadda waxa jirtay Ergo nabadeed oo Madax-dhaqmeedyo ahaa oo Burco ka baxay oo uu  hoggaa m inayey Suldaan Cismaan kana horreeyey Weftiga Xukuumadda, markaa miyaanay Weftigaasi si madax-bannaan hawshoodii u galin?

J: Sida wararku nagu soo gaadhayaan way isa sugayaan Weftiga Xukuumaddaana ka dalbaday inay socdaalkooda hakiyaan oo ay isa sugaan si ay isu wada raacaan. Waxaana jirta in Madax-dhaqmeedka loo yeedhinayo waxay ku hawlgalaan, halkay arrintu ahayd in Madax-dhaqmeedka loo daba fadhiisto. Waxaannu leenahay haddii arrinta loo daayo Madax-dhaqmeedka way qaboobaysaa dawana waa loo helayaa colaadda, haddii-se la dawladeeyo sawir kale ayey yeelanaysaa, run ahaan na waannu ka xunnahay in Madaxda Dhaqanka hawshooda lagu farageliyo.

S: Miyaanay ahayn xil dawladda Saaran inay u garmato oo ay kala dhex-gasho Beelaha ay dawladda u tahay ee dirirtu dhexmartay?

J: Hawlaha waa la kala leeyahay, tanna waa mid u taalla Madax-dhaqmeedka, mana aha in wax  Xuk uumaddu yeedhisay lala tago. Ta kale, Suldaan Cismaan iyo Ergadii uu hoggaaminayey ee Galbeedka Burco waajib ayey ku ahayd iyo xil saaran inay dhacdadan ka hawlgalaan. Laakiin, sida wararku nagu soo gaadhayaan Wasiirka Warfaafinta ayaa la xidhiidhay, kuna yidhi na suga waynu is-raacaynaaye. Waannu ka xunnahay in Xukuumaddu Ergadaa nabadeed siyaasadayso.

S: Waxa jirta in Killalka shanaad ee Itoobiya, gaar ahaan, deegaanno ay degaan dadka reer  Somalil and colaado ka taagan yihiin, dadna ku dhinteen, markaa dhibaatada halkaa ka taagan Madax-dhaq meed ahaan maxaa idiinka qorshaysan?

J: Dagaalkaasi beryahanba wuu taagnaa, dhibaatana wuu ku hayaa dadka deegaankaas, laakiin  killal ka shanaad dawlad baa ka jirta, runtiina waxaannu ku boorrinaynaa inay ka qaadato meeqaamka ay ku leedahay xal u helidda mishkiladdaas dawladda Killalka shanaad, Madax-dhaqmeed ahaanna waa waajib na saaran inaannu halkaa tagno oo aannu colaaddaa nabad ku soo dabbaalno, waana wixii  nal oo xil saaray. Laakiin, waxaad mooddaa in Dhaqankii dabada la hayo oo dawladdiisii uu ku soo noqon lahaa aanu wax kalsooniya ka haysan, taasaana ragaadisay arrimahii dhaqanka.

S: Goormaa laga yaabaa inaad u ambabaxdaan Hawdka Killalka shanaad ee Itoobiya?

J: Si dhakhso ah ayaannu u tagaynaa, marka horena waxaannu wargelinaynaa Xafiiska Itoobiya ee Somaliland ka hawlgala oo aannu ogeysiinaynaa hawshaannu u tagayno, si aannu isaga kaashanno Madax-dhaqmeedka halkaa jooga iyo dawladda Killalka shanaad-ba.

S: Dhawaan waxa dalka yimi Siyaasiga Cismaan Jaamac Cali (Cismaan-Kalluun), siday wararku  sheeg ayaanna adiga ayaa soo dhaweeyey oo Madaarka Caasimadda Hargeysa kaga hortagay, markaa waa sidee xidhiidhka Adiga iyo Cismaan-Kalluun aad leedihiin?

J: Waa dhab oo aniga ayaa Madaarka ku soo dhaweeyey, waana waajib I saaran inaan soo  dhawee yaa, waanan ku faraxsanahay, sababta oo ah? Cismaan waa Odaygaygii, waa Siyaasigaygii, waa  Mu waaddin reer Somaliland ah, xidhiidh aad u dhaw baana naga dhexeeya aniga iyo isaga,waana nin aannu ixtiraam iyo qaddarin isku leenahay, waajib isaaran baanay ahayd inaan soo dhaweeyo, sida haddii aan London taga-ba uu isagu ii soo dhawayn lahaa.

S: Cismaan inkasta oo uu u dhashay Somaliland waxa uu aamminsan yahay mabda’a Faddaraalka  Soo maali-weyn, markaa taa miyaad ka midaysan tihiin oo waa waad la qabtaa miyaa?

J: Qofku wuxuu aamminayo iyo waxa aanu aamminahayn isaga ayaa taa xor u ah, laakiin annaga  xidh iidh baa naga dhexeeya, xidhiidhkaa naga dhexeeya ayaanan ku soo dhaweeyey, dhakhsano wuu u soo noqonayaa, waanan soo dhawaynayaa marku uu yimaaddo.

S: Waxaad sheegtay inuu Cismaan Kalluun dhakhso u soo noqonayo, socdaalkiisa labaad ma mid sidii kii hore muran dhaliya ayuu noqonayaa mise isaga oo dawladda Cafis weydiistay ayuu soo noqonayaa?

J: Su’aashaasi waxay ahayd in isaga la waydiiyo.

 

Source:Hargeisastar