CODKAAGA KU CIIL BAX- 11- SAAXIL WAA SAAXI

 


Socdaalka ayaamahan uu Madaxweyne Riyaale ugu gaalaaba xay deg mooy inka iyo ilaa tuulooyinka SAAXIL, oo ah bilawgii olalaha dib-u-dooras ho, waxa nabar aan dhaymo lahayn ka dhigay socdaaladii hore ee balamada xadiga badan loogu busha areeyey reer Saaxil. Mar ma ahayn oo laba ma ahayn inta jeer ee wershado, shiidaal, iyo dalxiis loogu balan qaaday. Reer Berbera waxba lamay hadhin, oo xataa waxa la ogaa in Dawladda Hoose mushaharkii shaqaalaha damaashaad iyo dabaaldeg ku bixisay…kolkii 300 Milyan oo doolar wershadaha ku kacaaya ee weliba khawaajaha weyn ee Jarmal waday la dul keenay ee dhagax-dhig iyo shaqo-qorid leysu diyaariyey. Ma ahayn wax lala yaabo.. oo niyad wanaaga iyo deeqsinimada reer Berbera waa mid ka dhab ahayd. Waxay se masiib ka timid, in xukuumadda mushaharka shaqaalahaas lunsatay, ogayd inaan waxba ka jirin waxan ay shacbiga ka iibisay. Saaxil maankeeda wey qabtaa , ma aha sakhraan, waalina laguma sheegin oo SAAXIL WAA SAAXI..maantana waa maalin kale, jawaabtana waxay la sugayaan halkeeda iyo dharaarta ay CODKOODA KU CIIL BAXAYAAN..

Ma se yihiin dadweynaha Soomaliland qaar sida xukuumaddu u aragto ah maangaab, aan arag wax sankooda dhaafsan… mise waa shacbi samir badan, wax fahamsan, balse la sugaaya maalinteeda, iyo kolka codka loo dhaqaaqo. Waxaan qabaa in arrinku yahay kan dambe ee aanu ahayn sida xukuumadda Riyaale u aragto..

Bal ila akhri warkii wacnaa iyo balankii seddexda boqol ee milyan ee doolar. Waa kan warkii oo sida uu u qornaa aan idiin soo gudbiyey. Kaas wax ku qaado. Ku duub xusuustaada oo kol kale ha ku dhicin dabin hadimo iyo uurkutaalo kugu reeba. Aakhris wacan iyo maankaaga ood la kaashato. Waxa aan gadaal ka sheegi doonaa sida socdaalka manta isna dhab ahaan loo arko.



Madaxweyne Rayaale Oo Dhagax Dhigay Seddex Wershadood Oo Qiimaha Maalgashigoodu Ku Kacaayo 300,000,000 Dollar

Hargeysa (Harowo.com) June 26, 2007- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahi Rayaale Kaahin ayaa abaaro 9:00 subaxnimo ee saaka oo ku beegnayd munaasabadda qaaliga ah oo ah maalintii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay dalka ingiriiska.

Wuxuu dhagax dhigay seddex wershadood duleedka magaalada Berbera kuwaasi oo la filaayo in dhawaan laga dhisi doono wershadaha kala ah Wershad Casri ah Oo Sibidhka soo saari doonta (Cement Factory), Wershad laga samayn doono Dhuxul dhagaxda (Chipsen Factory) iyo tu kale oo laga dhalin doono biyaha iyo quwadda jibsanka koronto gaadhi doonta dhammaanba gobolada dalka oo dhan.

Madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in dhismaha koobaad ee mashruucyadani la bilaabi doono dabayaqada bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna kula dar daarmay reer Berbera inay masuul ka yahiin mashaariicdaasi iyo ilaalintoodaba, Mudane Rayaale wuxuu sheegay in kumanaan qof oo reer somaliland ahi ay shaqooyin ka heli doonaan mashruucani oo uu sheegay inay ku baxayso maal gashi dhan 300,000,000 (seddex boqol oo malyuun oo dollar).

Dhinaca kalana wasiirka wershadaha Somaliland Mudane Maxamed Saleeban Maxamed (Ina Saleeban Weyne) oo ugu waramaayey saxaafadda maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Berbera ayaa sheegay in mashruucani seddexda wershadood ah ee qiimahaas ku baxayo ay fulinayso shariikad lagu magacaabo "German Somaliland Economic Development Company" isagoo sheegay in fullinta iyo farsamadana ay fullinayso shariikad lagu magacaabo Saougetta Eng. oo ah shariikadd jarmal ah. Wasiirka wershadaha Somaliland wuxuu sheegay in mashruucyadani ay keeni doonaan mashaariic kale oo iyaguna bedda lagaga soo saari doono kheyraadka dabiiciga ah ayuu yidhi.

Saraakiil ka socota shariikadda Saugetta ee iyadu mashaariicdani hirgelinaysa oo la socota wefdiga madaxweynaha ayaan iyagu wax faah faahin ah ka bixinin mashaariicdani wallow marka uu wasiirka wershadahu uu warbixinta siinaayey saxaafadda ay goob joog ka ahaayeen, waxaa kale oo ay maanta wefdigani kala qayb galleen madaxweynaha munaasabad balaadhan oo lagu xusaayey 47-sanno guuradda ka soo wareegtay maalintii xornimada somaliland ay ka qaaday gumaystahii ingiriiska oo lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Berbera.

Origin: http://harowo.com/2007/06/27/5988/

Haddaba hadday damaashaadkii 2007 ka loo sameeyey seddexda wershadood ee seddex boqol oo milyan lagu maalgalinaayey, oo gaadhay dhagaxdhig, iyo balan shaqo qor, aan idinku xidhiidhiyo sida saxaafadda Soomaliland ee ka turjumaysa dareenka dadweynahu u aragtay socdaalkan ayaamahan Saaxil mar kale dhagaxa loo karinaayo. Waa kan faallo ay ka qortay arrintan wargeyska HAATUF:

Saaxil:Safarka Madaxweyne Rayaale Ee Xiligan,Balanqaadyadiisii Hore Oo Aanay Waxba Ka Fulin,Kuwo Cusub Iyo Duruufaha Qalafsan Ee Wehelka U Ah Dadwaynaha Gobolkaasi



Berbera, May 29, 2009 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii Saddexaad booqasho ku jooga magaalada Berbera, kaas oo kulan la yeeshay masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka Saaxil, kulankaas oo uu Madaxweynuhu kaga dhegaystay warbixino iyo cabashooyin ku saabsan Baahiyaha Regaadiyey xafiisyada Addeega Asaasiga ah ee bulshada.

Kulanka Madaxweynaha iyo maamulka laamaha dawlada ayaa waxa ku wehelinayey Madaxweynaha xubno ka mid ah wasiiradiisa, Badhasaabka gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekeda iyo Maayirka Berbera, waxaanay masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaasi u qadimeen Madaxweyne Rayaale baahiyaha iyo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dawladda ka hawl galaa gobolkaasi iyaga oo si weyn uga cawday dhaqaale daro ku habsatay guud ahaan addeegyada bulshada ee asaasiga ah sida caasimaadka, biyaha, korontada iyo waxbarashada, kuwaas oo aan helin dhaqaale ku filan oo lagu socodsiiyo hawsha ay u hayaan bulshada.



Isuduwayaasha caafimaadka, Wakaalda biyaha iyo Waxbarashada oo ka mid ahaa masuuliyiintii kulankaasi ka hadashay ayaa u sheegay Madaxweynaha inay haysato duruufo adag oo aanay hay'addaha gobolku awood u lahayn inay wax ka qabtaan baahiyahaa addeeg ee ka jira hay'addahooda sidaa darteedna xukuumadda looga baahan yahay inay si degdeg ah wax uga qabato arimahaasi.

Madaxweyne Rayaale oo kulankaas ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu sheegay in masuuliyiinta aan fursada u helin kulankan inay cabashadooda ka hadlaan ay qoraal ahaan ku soo gudbiyaan, isaga oo intaasi ku daray in cabashada ay soo jeediyeen masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolka saaxil ay ka wada hadli doonaan marka uu tago Hargeysa madaxda Wasaaradahooda, wixii suurto gal ahna isku deyi doonaan in wax laga qabto oo ay hawshooda sii laban laabaan.

Rayaale waxa uu kulankaasi ka dib uu kormeer ku tegay Cusbitaalka iyo Dekeda Berbera isaga oo halkaa kaga dhageystay Madaxda Cusbitaalka baahiyaha ka jira in xataa cusbitaalku aanu lahayn Ambalaas isla markaana ay ku yartahay dhakhaatiirta ka hawlgasha, waxaana uu Madaxweyne Rayaale u balan qaaday in si degdeg ah loo dabooli doono baahida Ambalaaska.

Waxa kale oo ay sheegeen wararka ka imanaya Berbera in shalay gelinkii dambe uu Madaxweyne Rayaale la kulmay madaxdhaqameedyada, Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Saaxil, kulankaas oo uu ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo aan loo ogolayn saxaafada ayaan la ogayn waxa ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Odayaasha Reer Saaxil, hasa yeeshee sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw kulankaasi waxyaabaha lagaga waxa hadlayey inay u badnaayeen marka laga yimaado cabashooyinka loo sheegayey Madaxweynaha iyo balanqaadada Rayaale uu ka bixinayo waxa laga wada hadlay sidii ay reer Saaxil u taageeri lahaayeen Xisbiga Rayaale ee UDUB si uu xisbigaasi ugu guulaysto doorashada soo socota.



Gobolka saaxil oo ay ku taalo dekedda Berbera oo uu ka soo baxo dhaqalaha ugu badan ee dalku ayaa ah ka ugu yar dhinaca horumarka marka addeegyada Asaasiga ah ee Bulshada iyo Imkaaniyaadka Nolosha ee looga baahan yahay Magaalo xeebeeda Berbera, taas oo dadkii ku noolaa intoodii badnayd ay duruufaha qalafsan iyo dabeecadaha cimilada dartood ay uga haajireen magaalooyinka kale ee gobolada dalka.

Dad badan oo ka mid ah dadweynaha reer Saaxil ayaa ku dhaliila xukuumaddihii Somaliland iskaga dambeeyey kuwo dhaqaalaha ka soo baxa degada aan waxba ku soo celin gobolkii uu dhaqaaluhu ka soo baxayey, taas oo marka loo eego gobolada kale aad uga hooseeya baahiyaha aasaasiga ah, waxa kale oo dadka dhaliila xukuumadda rayaale ay sheegaan in qadarka dhaqaalaha ka soo baxa dekeda Berbera ee loogu talo galay in wax lagaga qabto addeegyada sida Caafimaadka, Waxbarashada, korontada aanay ka badnayn masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada, kuwaas oo muddo dheer ku sugnaa gobolka isla markaana Regaadiyey hawlihii maamul ee ay ummadda masuulka uga ahaayeen.

Sikastaba ha haatee socdaalka Madaxweyne Rayaale ee xiligan oo ay dad badani u arkaan inuu yahay mid uu ku doonayo inuu dib u kasbado taageerada dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil, kuwaas oo intooda badan wakhtigan aad u dhegaystaan asxaabta Mucaaridka kadib Markii ay ku hungoobeen taageeradii ay siiyeen xukuumadda Rayaale doorashadii madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii, ayaa waxa la siweydiinayaa waxa ay ka bedeli karaan balanqaadyada cusub ee uu Madaxweynuhu u balan qaado dadka Reer Saaxil iyadoo balanqaadyadii hore ay noqdeen kuwo madhalays ah.

HAATUF

Waa adi iyo maankaa. Wararkan aan faallo la'aan idinku soo gudbiyey, waa xusuus iyo inaydun noqotaan dar u soo jeeda danta guud, ka foojignaada jaahwareerka iyo ballamada aan sal lahyn, ee maalin walba lagu maydhaayo dhaca iyo musuqa dalka ka taagan. Ogow muwaadin, waxa la dhacayaa, la burburinayaa, lagugu laaluushayaa, laydinku kala xadayaa, waa maalkaagii, waa cashuurtii muwaaadin kasta min gobalka Awdal iyo Sanaag laga qaaday, da' kasta iyo itaal kasta oo dhaqaale ha lahaadee. Waa tan laga qaaday miiskiinka dawarsada… waayo wax kasta ood cuntaa, wax kasta ood cabtaa, wax kasta ood huwataa waxa laga qaaday cashuur… ma jiro ruux markuu dhashay ilaa inta uu noolyahay aan cashuur bixini. Waa arrin aan laguu sheegin oo adna si yar kuu dhaafta.

Haddaba u kac la-xisaabtanka mas'uuliinta kaarbedka cas loo dhigo madaarka sidooy yihiin madax ajanabi ah oo dalka siyaaro ku timid. Isu diyaari inaad CODKAAGA KU CIIL BAXDO inaad ka bogsato, codkii kaa xumaaday, kolkaad hoggaanka manta talada haya u fooday ee CODKAAGI CADOW KUGU NOQDAY. Yaan mar kale lagu dagin. Adigaa awoodda leh, adigaa u dhiibtay, adigaana ka qaadi kara. Sida goryada madaxa ciidda ha gelin, ee niyaddaada dhis oo dhe… HAA WAAN KARAA INAAN doorto hoggaan cusub, inaan rido xukuumadda hawsheeda gabtay..ee waliba iigu dartay cadaadis iyo xabsi… Waan karaa annigoon dagaalamin, inaan isbedel sameeyo…

CODKAAGA KU CIIL BAX- 10


Mahad oo dhan ALLAH leh

 

 

 

Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
samotalis.blogspot.com