Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wacyi Galinta Iyo Dhaqan ka Somaliland Oo Dafiray Madaxbanaanida TV-ga Qaranka

 

 



Wuxuu iska indho tiray madax banaanida TV-ga qaran isagoo qardo jeexay .....


Hargaysa(TNN):-Golaha wakiilada oo ay maanta hor yimaadeen koox wasiiro iyo wasiir ku xigeeno si loo ansixiyo ayaa waxaa kamid ahaa raxanta wasiirada ah wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md. C/Laahi Maxamed Daahir (cukuse) oo lagu ansixiyay cod aqlabiyada ayaa waxaa xildhibaan ka mid ah golaha wakiiladu uu waydiiaya y su’aal ahayd magaca uu TV-ga qaranku kaga diwaan gashan yahay dalka Britain iyo waliba in uu wasiirku maamulo iyo in kale.

Waxaa wasiir Cukuse fahmi waayay luqada uu xildhibaanku kula hadlay waxaanu wasiirku qarda jeexay meel aan meeshiiba ahayn isagoo oo is difaacaya ayaa waxaa uu yidhi "ana a maamula TV-ga qaran wuxuuna ku diwaan gashan yahay magaca TV-ga qaran” waxaa guux iyo hamham uu ka bilaabmay golaha dhexdiisa iyadoo hoos hoos la isku way diinay ay in uu wasiir uu iska indho tirayo iyo in kale madaxbananida TV-ga qaran.

Isku soo wada duuboo waxaa hore uu madaxwayne siilaanyo u soo saaray wareegto ah in Tv-ga qaranku ka madax banaan yahay wasaarada warfaafinta laakin ay wado shaqay ni ka dhaxayso, waxaa lala yaaban yahay wasiir aan ka war hayn in Tv-gu uu hoos yimaa do isaga iyo inkale.

Wasaarada warfaafinta ayaa kamid ah wasaaradaha ugu shaqaalaha badan ee ugu khila af iyo cabsho badan, waxayna ka mid tahay wasaarada loogu eryis iyo badalis badan ya hay dhanka wasiirada waxanu laga war sugayaa wasiir cukuse in uu wax ku daro iyo in uu wax ka dhimo wasaarada warfaafint iyo wacyi galinta iyo mudaduu ku sugnaan doono.
 


Kamaal Sh Ismail Adem
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland