Askarta qaarkood
waxay dadka ka soo ururinayeen Xaafadaha oo ay ka keenayeen, markaa
Ask artu dadka way laynayaan oo Laag ayey la dhacayaan, dadka meesha
la isugu keenayna waxay madaxa kula jiraan Labada Jilib dhexdooda,
anagana sidii oo kale ayey noo fadhiisiyeen, markaas ayuu Taliyihii
ku yidhi Askartii waa imisa, waxa uu ku yidhi waa 47 Taliye,
saara
gaadhiga ayuu ku yidhi, Gaadhigii ayaa nala saaray oo dhinaca
Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayey noola dhaq aaqeen, markii uu
Magaaladii ka baxay ayuu Gaadhigii wadadii ka baydhay oo uu maray
meel Raf ah, dadka gaadhiga saaran markaa waxaan fadhiyin Ilmo yar
oo gacan ka jaban oo aan ku qiyaas ay da’diisa ilaa 17-jir, waxaa
markaa i ag fadhiya Oday weyn oo ilaa 80-jir ah, waxa uu igu yidhi
od aygii waxaan u malaynayaa in la ina laynayo,
waxa markaa ooyey
Wiilkii yaraa, waxa nala geeyey meel Badda Xeeligeeda ah
oo
Baabuurtii ayaa nalaga soo rogay, waxay noo kexeeyeen Koox Koox oo
waxay na fuushiiyeen meel Buur ah, markaa waxay anaga na
maqashiinayaan waar Jeelka Alb aabada u fura si aanaan uga yaacin,
anigu waxaan ka mid ahaa Shantii ugu dambeeyey ee la soo dhaqaajiyey Markaa Askartii ayaa soo dhex galay
maydadkii oo midba mid ayuu jiiday oo ka ay ka dareemaan inuu sii
nool yahay ayey Xabad ku dhufanayeen, markaas ayuu ku yidhi kii
hogaaminayey Ciida ku roga aniga oo maqlaya, markaas ayuu Askari
lugta igu dhegey aniga oo gariiraya naxdintii, waxa uu ku yidhi
Taliye kani wuu nool yahay oo aniga Rasaastii ayaa iga dhamaataye
ila eeg, waxa uu ku yidhi waar mayd baanad arage wuu dubaaxinayaaye
ma noola, markaa meel yara kala dheer ayey ahayd meesha aan ku
dhacay oo ciidii ayuu igu rogay, markaa dhinac ayaan ka neefsanayaa,
waxa an Xidhnaa Macawis iyo Garan aan ku soo toosay oo garankii
Xabadii ayaa googoysay, waxaan u cararay dhinaca badda,
waxaan
iskaga soo maydhay Dhiigii iyo wixii igu masaxmay, markaa xaga
Magaalada Muqdisho ayaan u soo cararay, oo markaa ilaa 30-km ii
jirtay, ilaa lixdii ayaan ka imid meeshii oo Magaaladana waxaan imid
12-kii maalinimo ayaan soo galay gurigii la iga qaaday habeni madii,
waxaa la igu yidhi waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la
idin qaadaye, waxaan ku idhi aniga
ayuunbaa ka nool dadkii waa la laayey, markaa dadkii ayaa baroor
bilaabay oo gurigii ayaa lagu soo buuqay ka dib anigu waan ka
baxsaday oo yaan lagugu arkin ayaan is idhi, waxaan tagay
Hudheel
Cagaaran la odhan jiray ayaan tagey, Inan aanu is garanayno ayaan
halkaas ka helay oo la odhan jiray Cabdi Khaalif Dhaga-weel, waxa uu
igu yidhi waar waa la idin xidh xidhaybaa la yidh iye miyaa la idin
soo daayey, waar maye
aniga ayaa dadkii ka nool baan ku idhi oo waxaa lagu laayey Xeebta
Jazeera, waxa uu i geeyey Guri oo Nabarkiina waxa uu iga maryey
Dawo, markaas ayaa la isla hadlay, ka dibna waxa gurigii yimid nin
la yidhaahdo Maxamed Geedi Shagaxle ALLA ha u naxariistee, markaa
waa la i waraystay wixii dhacayna waan u sheegay, markii uu gurigii
ku noq dayna waxa soo raacay nin Sarkaal ahaa halkii ayeyna iigu
yimaadeen, markaa waxaa la socday rag aan garanayo, aniga oo yara
seexday ayaan ku toosay nin Askari ah oo i dul taagan, waxaa nuu igu
yidhi ma adigaa ka soo hadhay dad la laayey, waxaan ku idhi
haayoo
aniga ayaa ka soo hadhay, waxa uu igu yidhi haddii ay been tahay
waxa
aad sheegaysaa Baaskooladaas ayaan shan laabta kaaga dhufanayaa, ina
mari ayuu igu yidhi oo Gaadhi Lankuruusel ah ayaanu raacnay anaga oo
ilaa todoba ah, meeshii maydka ayaan geeyey oo dib ayaanu u soo
noqonay manaanaan wada hadlin, markii aanu ku soo dhowaanay
Isteeshinkii Batroolka ayuu igu yidhi Siyaad Barre ayeynu u tegeynaa
oo aynu ku odhanaynaa maxaa dakan loo laayey, markaa
nin Baylood
ahaa oo la odhan jitay Axmed Maxamuud
,oo nala socday ayaa ku yidhi
waar u tagi mayno, hadii aynu cid u tageyno waxaynu u tageynaa ina
Saleeban Dafle oo haddii kale inagana waa la ina laynayaa, sidii
ayaan ku raacay oo waxaanu u tagnay Ina Saleebaan Dafle, waxaa
markaa ugu tagnay halkaas niman bada n oo Saraakiil ah oo xataa uu
Siyaad Barre ku jiray, ka dib
anigu waan cararay oo Gurigii ayaan dib ugu noqday, waxay ku
yidhaahden waa maxay dadka 47-ka Qof ah ee
Xeebta Jasiira lagu
laayey, ee uu Qofka kali ahi ka baxay ee aanu wadnaa, waxay ku
yidhaahdeen soo galiya aanu aragnee, markaa dibedda ayaa la iga
daydayey oo waa la i waayey, waxaa la igaga daba yimid Gurigii, waxa
la igu celiyey Madaxtooyadii Somalia, waxa la yidhi, wax ha laga qoro oo sidii ay
wax u dheceen h alaga qoro, waxa la ii geeyey nin dambi baadhe ah oo
aan muddo la joogay markii dambena waan iskaga baxsaday oo
Balli-Gubadle ayaan imid, halkaas ayey Radio Halgan igu waraysatay,
kadibna waxaan la xidhiidhay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee
Amnesty
International”.
source:haatuf
|