Curis Maah maahyo Cusub

 



 


Waa Maahmaahyo Cusub oo curis ah, waxaana maahmaahyadaas hindisay (curiyey), Mr. Maxamed Jaamac Cabdi oo degan magaalada Burco, isla wakhtigaa uu curiskaas maahma ahyada ah sameeyeyna wuxuu joogay Hargeysa. Wakhtiga uu ku sameeyeyna waa 48 saac gudahood, 82 maahmaahood oo cusub. Taarikhduna waxay ahayd 28-29/10/2009.

Ujeedada ku talogalkiisuna yahay in uu buug ka diyaariyo, haddii Alle idmo, lana  gaadhs iiyo dhawr boqol oo maahmaahyood oo aanay waxba kaga jirin maahmaahyadii hore ee Somalida, balse cid uu la kaashaday oo la curisayna aanay jirin.

Iyadoo aan horey loo maqal nin kaligii sameeyey 82 maahmaahyood iyo in ku dhaw-toona, waxaa kale oo fajiciso leh 48 saacadood baa lagu hindisay 82 maahmaahyood.

Waxaa kale oo ku talo-galkiisu yahay in uu ururiyo maahmaahyadii Somalida, kana  samee yo buug qoraal ah. Si bulshada murtidii dhaqanka ee kala baahday uu u soo ururiyo, uga na faa’ideeyo jiilka soo kacaya iyo kuwa joogaba iyadoo waddan-kastaa leeyahay dhaqan u gaar ah iyo murti la fal gashan macaamilaadka dhaqankooda iyo suugaantoodaba.

Sidaas awgeed waxaa kale oo uu ka cudur daranayaa Maxamed Jamac Cabdi, haddiiba ay hore u jirtay maahmaah hore oo ka mid ah maahmaaydan cusub in aanu hore u maqal  is agu, balse ay aqoon ahaan isku soo dhaceen caqli ahaan, una badheedhin in uu ku magac darsado, waxaa se kale oo jirta in erayada qaarkood iskaga dhaw yihiin meelo  maahmaah yadii hore.



1. Arinkastaa gacanta ilaahay buu ku jiraa, ibnu-aadamkaana lagu ibtileeyey.

2. Agon hooyo kool-koolisay aragti rag islama keenaan.

3. Biri-magaydo beertiisa u badbaadi

4. Buur iyo bohol-ba belaa lagaga baxsadaa (Gabbadaa)

5. Beentaad samaysaa boog bay kugu noqotaa

6. Biyo badan oo ku hafiyaa baashay u socdaan baa loogu dabaashaa

7. Caqligii aan fayoobayni cidluu ku dhigaa

8. Cuntadaad cunayso calooshaada ka hubi

9. Ciddii aad is fahamtaan ayaa caqiibo kuu ah

10. Ceel badh-jab ahi beel ma doojo

11. Caddaalad la’aani cidhib danbeed-kaagay ku cawartaa

12. Calooshaad buuxisaa cashooyin kuma wado

13. Dawlad Somaliyeed oo sax u dhalataa saddex sababood oo jira dartood kuma suuro gasho.

a) Hiyiga Somaliland

b) Hala-baysiga Puntland

c) Hummaagga koonfureed



14. Danta guud, danta gaar ahaaneed lagama hor mariyo.

15. Dalkaaga iyo dadkaaga lama dibin-daabyeeyo

16. Diintaada ood ku sugnaataa dantaadaa ku jirta

17. Deeqdaad bixisaa duuggaaga danbay damiin u tahay

18. Dulqaate dani ma seegto

19. Dirir badane doog buu ku danbeeyaa

20. Dumarka debad-yaal danni uguma jirto

21. Doqoni waxyeelo kuugu filan

22. Doqoni Dab kuuma shiddo ee way kaa damisaa

23. Doqontaad isku haddal bartaa halbawlahaagay halis gelisaa

24. Dhaqankiisa ilaawe dhabarkiisa ma eego

25. Duuggaaga iyo dadnimadaada waa la daryeelaa

26. Duurjoogtaad deysataa dalxiis bay kuu tahay

27. Dhallaankii dhasaaba dhaqan gedis buu la yimaaddaa

28. Dhallaankii dhabtaada saarani dhirbaaxo kaama yeelo, dhoolana kuuma cadeeyo

29. Filkii kacaaba fajicisuu keenaa

30. Garashadii macquulaa ku gardaadisa

31. Gaadashada gabdheed waa garaadkeeda

32. Geedkaad hadhsato gunta lagama gooyo

33. Garaadka, geesinnimada iyo gobonimada guullahaa, baxshee lama gato

34. Hayinkii aanad hurayn haankiisa lama gooyo

35. Hawadaada ood raacdaa naftaaday halaagtaa

36. Hantidii aad afkaaga ku koobto, afkaagay gabtaa

37. Hunguri-weyni halis bay ku gelisaa

38. Hantidaada hadh-cad baad ka baqooshaa

39. Ilaahay waxba ma dayaco, laakiin adoonkiisaa wax dayaca

40. Iniintaad beertaa kuu abaal celisa

41. Isu bogge isma arko

42. Jaanis-kii ku seegaa jalleeco danbuu leeyahay

43. Ku-xante iyo ku-xaaside xisaabta Alle ayey xijaab kuu yihiin

44. Lama huraan waa hoyga aakhiro

45. Marag iyo mawqifkaagaba waa la muujaa

46. Maal-kaaga maro cad baa kaa raacda (Kafan)

47. Maskaxdii waayeeshaa muraayadeeda masaxanta

48. Nin waalani wax siintuu kugu dillaa

49. Nin sakhraansani saaxiib kulama aha

50. Nin dhugmo darrani dhalliilo ma waayo

51. Nin dakane qaba dad lama hor geeyo, duqna lagama dhigo

52. Ninkii wax ku yeelli kara ayaa waxna ku tari kara

53. Nin bayd-gaab ahi beel ma badbaadiyo

54. Ninkii sinnaantaada diida sayidi lama yidhaahdo

55. Ninkii aragti dheer obasit (Opposite) baa ku yimaadda

56. Qalooca tolkaa kaaga yimaadda qaawanaan ha ugu jawaabin

57. Qaldane qumane ma saxo

58. Qofkaan hadalkiisa hubsani halis buu galiyaa

59. Qofba siduu kuu qaabilaa loo qaderiyaa

60. Qof han yarri hadh kuuma hooyo (geeyo)

61. Qof aadan baran qiimahiisa kuuma qiyaasna

62. Quruxda naagi leedahay waa caqliga

63. Qaad iyo qiiq sigaar qudhaaday (nafta) wax yeelaan

64. Qamri iyo qadhmuun xashiishadeed waa ku qulufad guursahaan.

65. Qawlkii aad qof ku ballantaan qumaati u fuli

66. Qiyaamada aad samaysaa qiimo la’aan baa kuugu jirta

67. Ragga gaddaashaada lagama eego, ee garabkaaga laga eegaa

68. Ruuxaad aragtaaba maanta roon (wrong) buu ka shaqaynayaa

69. Saddex ninkaad ka waydo ha tirsan

a) Tolliimo

b) Tudhaale

c) Tixgelin



70. Subax iyo saaxiib kala badan

71. Saboolnimo waa garaadka

72. Sahaydaadu way kaa go’adaa, Samo-falkaagu se’ waa kula socdaalaa

73. Soortaad cuntaaba saxaray ku danbaysaa

74. Tawxiidkood qabsataa, tubta toosan buu ku tusaa

75. Taladii aanad ka fiirsan, kuma turun-turo waydid

76. Taran rag taf naageed baa laga helaa

77. Tashan-waaye waa loo taliyaa

78. Wakhti kastoo is badelaa weji cusub buu keenaa

79. Xilka iyo xaajoba waa la xejaa

80. Xiisaha askari waa intuu xoogga leeyahay

81. Xilka manta joogaa godob iyo gashi buu ku geliyaa

82. Xarragada geel waa xilka ha kaa maydho

 


 

Qore: Maxamed Jaamac Cabdi
E-mail: isxalburco1@hotmail.com
Tell: 4439072/65439072/65616206