DILKA FOOSHA XUN EE SEEMAAL WAA NABAR BADHEEDH LOOGU
GEYSTAY QARANNIMADEENA
Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Kolka kowaad tacsi naxdin, damqasho iyo murugo aan la
wadaago qaranka Soomaliland aanan u gudbiyo ehelka 3da
muwaadin ee gardarda aan geed loogu soo gaban sida
foosha xun loogu dilay baradii ay nabadda ku hurdeen.
Nabarkan sida gaarka loola kacay reero nabad iyo naruur
ku seexday damqashadeedu waa mid kulmisay dhammaan
shacbi weynaha Somaliland gobal ka sta ha joogaane. Waxa
sidoo kale naxdinta la wadaaga qurbajooga Soomaliland oo
werwer ku habsaday,wardoon iyo foon ku jiray 24
saacadood ee ina dhaafay. Duco, murugo, canbaareyn iyo
dhaleecayn ayaa muwaadin kasta isla mar ku kulmay.
Cidda falkan geeysaytay waa cadow ku soo duulay
qaranimadeena, nabadeena, wada-jirkeen a, horumarkeena,
aayaheena iyo mustaqbalkeena. Waa mid ujeedo keli ah leh,
in la khalkhaliyo nabadeena lana wiiqo jiritaanka
dawladnimadeena. Waxay tahay mid lid ku ah horukaca
diblomaasiyeed ee xukuumaddu soo hoysay iyo
geedi-socodka dimuquraadiyadeena adduunku aad u
qiimeeyey, iyo wadjirkeena aynu intaasba ku gaadhnay.
Waxay si toos ah u dooxday nabaddii muddada dheer laga
hawlgalay ee laga gaadhay mashaq adii Ceelbardaale, oo la
sugaayey in dhammeystirkeeda dhowaan la soo gaadho.
Waxay damaq day nabar bogsiis ah ooy ku noqotay caabuq u
baahan dhaymo iyo daaweyn degdeg ah. Waxay jiifisay
ididiiladii walaalaha galbeed ay sida xamaasadda leh isu
taageen wadajirkooda iyo horumarkooda oo gun u tahay
ilaalinta danta guud, isu-socodka ganacsi iyo bulsho,
iskaash iga mashaariic horumarineed iyo qaar dhaqanba.
Dad wada dhashy, inaabti, habarwadaag, abtiyaal, seedi
iyo sodog, ayeeyo iyo awoow, wiil iyo abtigii, gabadh
iyo sodegeed, sodoh iyo wiilkeed, marwo iyo seygeed ayaa
colaad nacasnimo la dhexdhigay. Waxa taagan
gabaygii
Gaariye ee dhacdadiisu ahayd:
Ahey way iyo ciil
umalkayga hiqdeyda
calool oyga nafteyda
ilmada iga da'aysiyo
imtixaanka i haysta
*****
Anigaa is maqli waayey
orod bay wax i leeyihiin
ololna wuu fahmayaa
ayaamo is gurayaana
way igu fool adag yihiin
*****
Ahey way iyo ciil
Aaminaay magacey ba'
Asaagay igu wiirsay
inanteydu gumowday
ka irdhoobay shisheeye
ku eedoobay sokeeye
ehelkay ka qalooday
cidna aamini waayey
*****
Cidna eersan maayoo
inkaar baa igu biirtayoo
anigaa isu geystay
*****
Dharaartii Alle keenana
ayni ii kordha mooyee
caqli iima siyaado
*****
mana waayo arkaayo
wax kastood akhridaan
waxaan ahay Alle doori
seed dhanina aanay ku oolin
|
Haddaba hadday ujeedooyinkaas iyo raadxumadaas uu
falkani leeyahay, maxaa inala gudboon:
1. In dhammaan laga hawlgalo soo qabashada cidda dilkan
nacasnimo geesatay. Waxa waajib gaar ihi saran yahay
cidda ay ka soo jeedaan oo ay tahay inayna qarin ee ay
gacanta u soo galiyaan xukuumadda. Waxa waajibka kowaad
saran yahay xukuumadda si gaar ah laamaheed a nabad
ilalinta iyo nabad sugidda. Waa inayna Waxaba la hadhin
sidii ay garsoorka u keeni lahaayeen dambiilayaasha.Taas
waa lagu dhaqaaqay oo amar Madaxweyne ayaa lagu fuliyey
ee waa inay si dhakhso ah u midho-dhalisaa.
2. Waxa iyana waajib ah inaynu dhammaan isu taagno oo
aynu muujino naxdinta iyo damqasha da aynu la qaybsano
eheliyadda ay sida gaarka ah dhibtani u gaadhay. Waana
inaynu ka dalba naa samir iyo is-dejin iyo dulqaad
siyaade ah.
3. Madaxdhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahan, dhalin iyo
waayeel rag iyo dumar gaar ahaan la bada dhinac waa inay
u guntadaan sidii xukuumadda loogu taageeri lahaa soo
qabashada dam biilayaasha iyo sugidda nabadgelyada. Waa
in loo baxaa oo la abaabulaa baaqyo nabadeed, sh irar
nabadeed iyo gogal nabadeed.
4. Culumada iyo warbaahinta waxa la gudboon wacdiga iyo
wacyogelinta iyadoo la baahinayo qiimaha nabadda,
wadajirka iyo ilaalinta sharciga.Warbaahinta ooy ku
jiraan websiteyadu xilb aa ka saran wanaaga bulshada iyo
nabadda guud. Ha ka fogaadaan faalooyinka naxliga iyo
xu maanta wata, ha badiyaan waanada iyo ereyada nabadda
iyo wadajirka aloosaaya. Ha yeees haan hubsiimo dheeraad
ah xiligan xamaasaddu taagantay.
5. Waa in isu-soo-bax nabadeed laga abaabulaa gobalada
galbeedka.
Haddaba hadafka cadowga oo u muuqda mid guuldaraystay
kolka aad eegto sida loogu gurma day in fidmadani sii
fidin, ayaa aynu u rogi karnaa guul iyo xoojin nabadeed
kolka aynu isla gar ano in cadwogani ahaa mid duulaan ku
ah qarannimadeena iyo wadajirkeena. Taas waxa sal u ah
qabashada dambiilayaasha iyo fahamka ehelka dulmiga weyn
loo geystay ooynu la wadaag no dhibta iyo murugada,
inkasta ooynaan soo celin karayn nafleydii ay waayeen.
Waa in la soo afjaraa sababta nabarkan ay u adeegsadaan
maanlaawayaashu.
Maanta oo kale waxa taliya maanka iyo qalbiga fayow.
Waxa habboon in afka laga xidho oo dh egaha laga xidho
inta cududa iyo caadifadda ku talisa. Waa inaan dhiig
dambe oo muwaadin si doqoniimo ah amba aarsi ah loo
shubin. Agow aarsi waa silsilad dhiigba dhiig ku biro
oon lahayn daba la qabto. Cadaaladdu waa tan keliya ee
dulmiga suulisa ma aha aargoysi maato lagu gum aado.
Cadaalad aan eex lahayn, aan dabac lahayn oo xaqsoor ah
ayaa arrintan soo afjari kar ta. Taas waxa lagu gaadhayaa
samir iyo inagoo dhammaan isu taagna inaynu xaqqa
taageer no, ooyna nabadda wada ilaalino, ciidanka amaanka
iyo hay'adaha nabadda waa waajib in lala shaqeeyaa.
Gunnaanad. Imtixaan ayeynu maraynaa guushiisana lagu
gaadhi karo wadajir iyo midnimo. Ho re ayeynu tan oo kale
u soo marnay weynu ka guulaysanay, dariiqii aynu u marno
oo inagoo gacmaha is haysana aynu tusno cadowga in
Soomaliland tahay jidh qof keliya oo nabarka gaa dha ku
bogsiiya carabkiisa oo liifa. Waxa se habboon in
dhacdadan oo kale laga afeef dhigto oo laga yeesho agab
ka ilaaliya soo noqoshadeeda. Waa cadaalad laga gaadho
gunteeda oo si ge esinimo ah oo xaq ah loo gaadhsiiyo
garsoor dhab ah.
Aan idinku dhaafo tacsi kal iyo lab ah, tacsi qaran,
tacsi ehel, tacsi xigto iyo xigaal. Aan u duce eyo
muwaadiniinta gacan gardaro lagu dilay in Alle ugu abaal
gudo janatul fardows, ehelkood ana waafajiyo samir iyo
duco. Allow cawad kheyr badan ka sii samirkooda, kana
yeel kuwo u horseeda bulshada samir ay ku dhowraan
nabadda bal se ay ku doonaan xaqqooda cadaalad iyo
garsoor.
Soomaaliland nabadeedu waa wadajirka bulshadeeda. Waa
danta guud oo la ilaaliyo, waa cada aladda oo la garab
galo. Waa waajib qaran, waa waajib bulsho, waa waajib
fardi.
Allow xaqqa na waafaji. Amiin.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127
|