Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Oo Dalka Ka Dhoofay Iyo Halka uu Ku Beegan Yahay
 


Hargeysa August 10 2010  (TNN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ay aa markii ugu  ho rreysay tan iyo intii uu uu shaqada ka tagay 27 Julay safar ugu kicitimay  dalk a dibaddiisa, isla markaana waxa sii galbiyey illaa Madaarka Hargeysa raxan ka mid ah Golihiisii Wasiirrada.

 Waxaana Mr. Rayaale socdaalkiisa ku weheliyey Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sheekh Cabdi Sh. Maxamed.

Daahir Rayaale, oo aan wax dhaqdhaqaaq ah laga dareemin ka dib maalintii uu xilka ku  wareeji yey Madaxweynaha la doortay Axmed-Siilaanyo 27-kii bishii inna dhaaftay ee Julay, ayaa  maan ta ka dhoofay Madaarka diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, kamuu hadal safarkiisa iyo   me elaha uu ku mari doono toona, hase ahaatee, waxa la sheegay inuu safarkiisan ku tagayo  wad damo isku-taga Imaaraadka Carabtu ka mid yahay, iyada oo la filayo uu dalal kale uga sii gudbi doono, balse sicad looma shaacin meelahaasi.


Md. Rayaale, waxa sii dhaweeyey illaa Garoonka diyaaradaha koox ka mid ah Wasiirradii  Xukuu maddiisa, kuwaasoo kala ahaa, Wasiirkii Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale Wasiirkii Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), iyo xubno ka mid ah eheladiisa. Madaxweynihii hore  Da ahir Rayaale Kaahin, waxa uu salan gacan qaad ah ku sii sagootiyey ka hor intaanu diyaaradda fuulin xubnaha sii galbiyey.


Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynihii Somaliland ee shaqada ka tagay Daahir Rayaale, ayaa s afarkiisani noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu xil-la’aan ugu dhoofo dalka dibaddiisa, gaar  ah aan dalalka Carabta. Waxaana la filayaa sida uu Rayaale hore u sheegay inuu wakhti siiyo sidii uu ula soo noolaan lahaa carruurtiisa oo dibadda ku dhaqan.



Source: Togaherer