Shirkada Weyn Xawaalada iyo Sarifka Lacagaha Dahabshiil iyo Isgaadhsiinta Somtel oo Deeq Dhan Sodon Kun oo Dolar Ugu Deeqday Gudida Dhismaha Tog-Wajaale

 

 

 



Tog-Wajaale(TNN)-Shirkada Weyn ee Xawaalada iyo Sarifka Lacagaha Dahabshiil ayaa Deeq Dha n $30,000 dollar ugu deeqay Dhismaha Jidadka Dib udhiska Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ee ay gacanta ky ahayaan Gudida Hurumarinta iyo Dhismaha Jidadka Tog-Wajaale.


Deeqdan Lacagta ah ee dhan Sodonka Kun ee Dollarka Mareykanka ah oo ay Shirkada Weyn ee Xawaalada iyo Sarifka Lacagaha Dahabshiil Group iyo Isgaadhsiinta Adeega Telefoonada Somtel ugu Deeqeen Dib Udhiska Degmada Tog-Wajaale ee Jidadka Gudaha Magaalada oo ay Shirkada ka Gudoomeen Gudida Hurumarinta iyo Dhismaha jidadka Tog-Wajaale oo ay labada dhinac kukala Gu doomeen Munaasibad loogu Qabtey Huteelka Bile ee Magaalada Tog-Wajaale Waxa kasoo Qeyb galey Maamulka Shirkada Dahabshiil ee gadhwadeenka ka ahaa Lacago Mucaawino ah oo ay Shir kadu ugu deeqday Abaaraha Gobolada Awdal iyo Salel,Jaamacada Camuud iyo tan jidadka Tog-Wajaale,oo ay kamid ahaayeen Hogaamiyaha Waftiga Shirkadaha Dahabshiil Group C/raxmaan Cali Cabdi Madaxa Qeybta Xidhiidhka Dadweynaha iyo Macaamiisha ee Shirkada Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac(Xasan-Xiis)Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi,Gudoo miyaha Ganacsatada Tog-Wajaale C/laahi Ismaaciil Nuur kana mid ah Xubnaha Gudida Huruma rinta Degmada Tog-Wajaale, Maamulka Shirkada Dahabshiil ee Tog-Wajaale Bare Axmed C/laahi, Maamulka Shirkada Somtel ee Tog-Wajaale Idiris Daa,uud Muuse, Qeybo kamid ah Ganacsatada Magaala Ganacsiyeeda Tog-Wajaale, Duqey Waxagarad iyo Marti Sharaf kale oo tira badan.


Waxa ugu horeyn Munaasibadaasi hadal ka jeediyay Hogaamiyaha Waftiga Shirkadaha Dahabshiil Group C/raxmaan Cali Cabdi oo sheegay in ay Shirkadoodu mar walba diyaar u tahey ka qeyb qa adashada Arimaha danta Guud iyadoo, aanay aheyn wax ay hada bilaabayaan haseyeeshee dha qan iyo caado joogto ah u ah Shirkada Dahabshiil Group, in ay kala qeyb qaadato dadweynaha dhismaha iyo Hurumarinta waxaanu Xusey in ay Dhismaha Toig-Wajaale ee Jidadka Gudaha Magaalada kaga Qeyb qaadanayaan Lacag dhan Sodon kun oo lacagta Dollarka Mareykanka ah(30,000)$ dollar islamarkaana ay diyaar u yihiin Shirkad ahaan in ay Reer Tog-Wajaale kala qeyb qaadanayaan dhismaha Jidadka oo ay muujinayaan doorkooda ay ka filayeen, taas oo uu u rajeeyay Madaxa Waftiga Hogaaminayay Dahabshiil Group in dhismahan iyo ololahan jidadka ee laga Wado Gudaha Magaalada Tog-Wajaale noqon doono mid ku dhamaada Guul, iyo Hurumar Mustaqbal leh.


Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadley Madaxa Qeybta Xidhiidhka Dadweynaha iyo Macaamiisha ee Shirkada Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac(Xasan-Xiis) oo sheegay isaguna in ay Shirkadoo du diyaar u tahey Gud ahaanba ka qeyb qaadshada doorka Arimaha Bulshada iyo danta Guud iya doo Shgirkada Dahabshiil Group mar walba diyaar u ah Bulshada islamarkaana kaga qeyb qaadan eysa door muqda oo wax tar leh taas, oo ah hadafkeeda Guud ee ay mar walba diyaar ugu aheyd wixii arimaha Bulshada Khuseeya oo aanay aheyn, mid cidi u sheegayso iyo mid tilmaan lagu siinayo haseyeeshee, kamid ah hadafkeeda Guud ee Dahabshiil Group ku caana maashey.

Waxa kale oo isaguna hadal kooban oo ah in ay muujiyeen doorkii Reer Tog-Wajaale ka filayeen Shirkada Weyn Dahabshiil Group ay oofiyeen dhinacoodi ka jeediayay Maamulaha Shirkada Dahabshil ee Xarunta Tog-Wajaale Bare Axmed C/laahi, islamarkaana ka mahad celiyay sida Wanaagsan ee ay Gudida Hurumarinta iyo Dhismaha jidadka Degmada Tog-Wajaale uga Gudoomeen deeqdaasi iyo sida fiican ee ay uga mahad celiyeen Maamulka Odoyaasha iyo dadweynuhuba.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadal dheer oo Mahad Celin ah ka jeediyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo sheegay in ay si qiima badan oo sharaf iyo maamuus ba dani la socdo uga Gudoomayaan Shirkada Dahabshiil Qaadhaanka ay kaga Qaadatey Dhismaha Jidadka Tog-Wajaale islamarkaana ay tahey Shirakadii ugu deeqda badneyd marka laga Reebo Xukuumada ee qaadhaan intaa leeg bixisa Waxaanu Gudoomiyihu xusey in ay uga mahad celina yaan islamarkaana ay u hayn doonaan abaalkeeda.

Waxa kale oo kamid ahaa dadkii ka hadley Munaasibadan Gudoomiyaha Ganacsatada Tog-Wajaale C/laahi Ismaaciil Nuur (C/aahi-dhako), islamarkaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Gudida Hurumarin ta iyo Dhismaha jidadka Tog-Wajaale oo isagu Gudoomay deeqdan, Oday Cismaan Miigane Suld aan oo isaguna ku hadalayay Magaca Odoyaasha Degmada Tog-Wajaale iyo Masuuliiin kale.

Ma aha markii ugu horeysay ee Shirkada Weyn Xawaaladaha Sarifka Lacagaha iyo Isgaadhsiinta Somtel Dahabshil Group deeq noocan oo kale ah ay Gaadhsiiso dhismayaasha Hurumarinta Gobola da iyo Degmooyika dalka iyagoo deeqdan qadahaanka dhismaha jidadka Tog-Wajaale ee ay Sod onka kun ugu deeqeen ay barbar socotey deeqo ay gaadhsiiyeen Abaaraha Gobolada Galbeedka ee Salal iyo Awdal iyo Jaamacada Camuud iyo Cusbitaalka Boorame.





Wariye C/raxmaan Nuux Axmed (hiiraan)
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland