"Daraasad Cusub Oo Daaha Ka Qaadaysa Sababta Keentey Khilaa fka Iyo Dibu Dhaca Ragadiyey Beelaha Gabooye Ee Reer Somaliland "Qore Barkhad Xaaji Cabdi''MrGaboye"

 

Daraasadan waxaay daaha ka qaadeysa sababaha dhabta ah ee keentey dhibaatooyiinka gaarka ah ee curyaanshey horumar la aanta beelahan gabooye uguna wacaan dibu dhaca weyn ee ragaadiyey beelah an hadey tahey dhanka dhaqaan dhaqaale ,dhanka siyaasada,dhanka waxbarashada ,iyo guud ahaan ar imaha humarka bulshada,



Daraasadan waxay si dhab ku ogaatey Cilmi baadhis dheer oo ay ku sameysey Tan iyo intii ay burburtey dowladii dhexe ee la oraan jirey soomaaliya sanadkii 1991-2012 in Mudo 22-sanadood ah ay heystaan b eelahan gabooye dhibaatada fara badaan oo ku saleysan is fahan la,aan ama midnimo la ,aan lagu mide ysneyn magacaan guud ahaan loogu yeedho ee 'GABOOYE' taas oo keentey ilaa hada in dhowr jeer la sa meeyey ururo siyaasadeed oo u adeega beelahan danahooda ,ururadaasii oo iskugu jirey kuwo laga aas asey dalalka dibada ama dalalka dareeska la ah dhulka soomaalidu dagaan ee belahani ay ku nool leehyi hiin ,ururadaasina aanu jiriin hal urur oo hanaqaadey ,Daraasadu waxey si dhaba ku ogaatey sababta keentey in ururadaasi noqdaan kuwo fashiilma ama hiigsan waayey yoolkoodii iney yihiin dhibaatooyin farabadan oo ay ka miid yihiin qodobadan soo socda ,,


Qodobka -1-aad : Waxaa jirta In magacaan 'GABOOYE' oo aan loo mideysneyn ama beelahani wada ogo leeyn in magacan ay wada sheegtaan waxaa dhacda iyadoon laga wada fiirsan oo aan la wadagiiin talo iyo wada tashiba beelaha dhexdooda ah in leyskaga dhawaqo magaca gabooye
,balse aan marnaba la sameeyn turxaan bixiin lagu ogaanayo waxa dhabta ah ee beelaha qaar ku diidan yihiin magacan gabooye,

Qodobka -2-aad: Waxaa jira in magacaan GABOOYE beelahani dhexdooda aaney jirin wax is afgarad ah oo ay ku heshiiyeen iney beelahani wadaagaan magacan gabooye,Qawaaniin iyo xeerarna aaney la hey n,umad kastana waxa qura ee ay ku meel marta tahey heshiis iyo is afgarad ,iyo qawaaniin kala haagta, taasina keentey in khilaafkasi noqdo mid dibu dhaca beelahan heysta u sababa.

Qodobka -3-aad : waxaa jira in had iyo jeer magacan GABOOYE iyadoon beeluhu aaney ka mideysneyn ama heshiis ku aheyn in beelaha qaarkood ay si laab lakac qaawan ay ula boodaan kuna dhawaaqan in urur gabooye oo beelahan wada matalaa lagu dhawaaqo ,taasina ay keentey in beelaha qaaarkood mar kiiba ay qaadacaan ururkaas huwan magaca gabooye loona arko mid dano gaar ah laga leehyahey,ha lkasna kalsoonidii ku lunto..

Qodobka -4-aad: Waxaad arkeysa 22-sano Qilaafka iyo toowfiiq la aanta heysata beelahan GABOOY ay keentey in xaquuqdii aasasiga ee ay xaqa ugu lahayeen xukuumada golayaasha kala duwan ay halkaas ku luuntey kuna baa ba do xaquuqdey ku lahaayen ,,markastana aad arkeyso in cabashada beeshu badatoo ,balse aysan is weydiin iney iyagu taas masuuliyadeeda qeyb ku leehyihiin ,khilaafkooda iyo is fahan la aanta dhexdooda taala ,hadana markastaba leyska canbaareyo xukuumada marka jirta iyadoo lagu eedeyo in xaquuqda beelahan la siinin ,



Qodobka 5-aad: Waxaa jira 22-sano beelo ka biyo diidsan hab dhaqaanka iyo sida loo adeegsanayo magacaan GABOOYE oo ay u arkaan in beelo gaara ama shaqsiyaad gaara ay danahooda gaarka ku fushanayaan magacaan gabooye ,taasina ay sabab u tahey midnimo la aanta beelahan gabooye,iyo khilaafyo fara badan oo soo noqnoqda oo adqabad ku ah horumarka bulshada iyo adeegsaiga magacaan gabooye ,balse aan marnaba laga wada hadal ama aan si dhaba beelahan shir weyne ay ku mideysan yihiin aaney wada yeelan,


Qodobka 6-aad: Waxaa jira Hogaan dhaqmeedka beelaha gabooye oo qeyb weyn ka qaatey khilaafka magacaan gabooye ,waayo waxaa dhacda in hogaan dhaqmeed iska sheegta inuu hogaan u yahey beelahan gabooye kaas oo ay beelaha qaarkood aaneyba ogoleeyn wax kalsooni isagoon ka heysaan beeshisa iyo dhamaan beelaha kale uu magaca iska sheegto taas na ay keento khilaafka heysta beesha gabooye,,

Qodobka 7-aad : Waxaa jira shaqsiyaad hormood is bidaa oo umada u adeegaya kuna duulaya magaca gabooye inuu matalo balse ay ka fogtahey daanta guud ee umada oo wataa dano gaara oo isaga u gaar ah ,taasina ay fashiliso danihiisa gaarka hadhoowna beelaha kale ku tilmaaman inuu u daanta beeshiisa u socdo ee aanu aheyn nin daanta umada u socda,,



Daraasadu waxey si gaara u dariistey xog ururiin ay ku sameysey qaar ka mida aqoonyahanka ,waxgaradka ,hogaan dhaqmeeedka ,siyaasiyiinta,iyo ururada dhaliinyarada fikrada iyo aragtiyada kala duwaan ee ay ka aamin sanyihiin magacaan GABOOYE maahan mideey ku wada mideeysanyihiin ama ay ku wada faraxsan yihiin dareenkooda adeegsiga magacaan gabooye ,dadka qaar ayaa ruuntii aad uga xuun beelahan isku qilaafsan adeegsiga magacaan gabooye jecelna in laga midoobo midnimada magaca gabooye ,halka dadka qaar ay dhaliilayan inan marnaba habooneyn in magacaan gabooye ay wadaagaan beelahani iayagoo si caad iskaga daadafeynaya inaney dhalasho ahaanba aaney u dhalaan magacaan gabooye sidaa darteen aan beeshooda lagu tilmaami kariin iney ka mid yihiin beelaha gabooye ,dadkaa fikirkaa aaminsan ayaa daraasadu waxey qiimeeyn guud ku ogaatey in 21% ,dadka dhex dhexaadka ah ee jecel in leyskaga soo dhawado kala foganshaha adeegsiga magacan gabooye ayaa daraasadu waxey ku ogaatey 31%,halka dadka had iyo jeer jecel midnimada magaca gabooye ay daraasadu ku ogaatey iney yihin 48%,


Dadka dhexdhexaadka u ah beelahan oo ka soo wada jeeda afarta beelood ee soomaalidu ugu yeedho beelaha gabooye ayaa aragtidooda wada qaba in ay jelaan lahaayen in la soo afjaro khilafkan ku saleeysan magaca gabooye dareenkoodana ku muujiya damqasho iyo niyad jaab aan u wanaagsanayn umadaan gabooye ,kuna talinaya in magacaan gabooye la saxo wixii khilaafka ugu wacaan ee midnima la aanta keeney ,dadka aragtidaa dhedhexaadka qabana waxey daraasadu ku qiimeysey iney yihiin 20% dadkaasoo dhaman ka soo wada jeeda afarta beelood,,


Daraasadu waxey si foog ugu dheeratey sidii ay u heli laheyd sababa dhabta ah ee qarsoon iyadoo ka duuleysa is fahan la aanta lumisey kalsonida iyo is aamin la aanta ka dhex buuqaaya dareenada kala duwaan ee bulshadan beelaha gabooye.markaad la kulaantiid qaar ka mida mushtamaca beelahan qiimeyna aad ku sameeysid afkaartooda iyo Riyigooda waxaa si gaara kuugu muuqanaya xaqiiqooyinka dhabtaa ee jira kuna saleysan kala fogaanshaha ku baahsaan aragtidooda guud ahaan tood ,waxaad dareemeysa iney aad u yartahey is aaminka ama kalsoonida ay iska qaban dhexdooda ,taasina waxey lumiseey dhamaan danihii guud ee bulshadani laheyd waana qodobada ugu weyn ee hadheeyey horu mar la aanta ku habsatey beelahan gabooye.


Daraasadu waxey kale oo ay si qoto dheer u ogaatey in daanta guud ee beelaha lagu lumiyey sida loogu mashquuley magaaan GABOOYE taasina ay keentey in daantii dhameeyd ee umada halkas ku baabadey hogaan dhaqmeedka iiyo hogaanka siyaasiguba ay wakhtiga iyo waxqabadkii looga fadhiyey in umada loo qabtaa ay keentey iney ku mashquulaan magacaan gabooye iyagoo midba midka kale ku duraaya magaca gabooye ,waayo hogaan dhaqmeedku ama hogaamiyuhu waa kaan ka taliya daanta umada kuna dadaala siddii uu umadiisa si daacada uu hogaamiyo balse maahan in hogaanka siyaasigu ama hogaan dhaqmeedku isku mashquulaan ama ku mashquulaan waxaan umada daan u aheyn ,Daraasadu waxey qiimeeyn gaara oo ay ku sameeysey hogaan dhaqmeedka beelahan gabooye iney qeyb wey ku leehyihiin dhibaatooyinka ragaadiyey umadooda qeybna ay ka qaateen khilaafka iyo dibudhaca ,daraasadu waxey si xoga gaalnimo ku ogaatey in hogaan dhaqmeedka iyo hogaanka siyaasiguba '65% ay qeyb u leehyihiin masuuliyadeeda dibu dhaca curyaanshey horumarkii bulshada beelaha gabooye ...Dhanka kale dadka u ololeeya ama taageerada badaan siiya hogaan dhaqmeedka ayey daraasadu ku ogatey iney iyaguna yihiin ,% 35 , taageerada dadkasi na aaney aheyn mid micno weyn ugu fadhiya umadaan wax faaiido ahna u laheyn daanta umada beelaha gabooye..


Talo Bixiin ..


Daraasadu waxey Talo bixiin ku soo gaba gabeyneysaa cilmi baadhiistaan ay ku sameysay khilaafka iyo is fahan la aanta beelahan ka heysta adeegsiga ama sheegashada magacaan GABOOYE ,dhowr qodob oo ay daraasadu xooga saartey in lagu xaliin karo khilafaadkas soona af jarii kara khilaafkooda ,,waxaana ka mida qodobadan hoos ku yaala ..

qodonka 1-aad: Waa in ay si dhaab ah beeluhu iskugu noqdaan beel ahaan si ay u saxaan khilaafka dhexdooda ka heysta magacaan gabooye fikirka iyo aragtida ay ka kala qabaana doodo ka yeeshaan ,wada tashi ah si ay u helaan hal hadaf ama hal aragtii oo ka mideeysan mooqifkooda beel ahaaneed ee ay ka qabaan ,magacan GABOOYE..

Qodobka 2-aad:Waa in beel kastba Hogaan dhaqmeedkeeda ,Suldaankooda ,marka ugu horeysa beeshiisa kala tashadaa kana helaa kalsooni buuxda oo ku aadan mooqiifkooda beesha uu u yahay hogaan dhaqmeed ama suldaanba isagoo talada siinaya ,cuqaashooda, siyaasigooda ,aqoon yahankooda ,culi maa udiinkooda ,dhaliinyaradooda ay ka wada tashadaan in suldaanka uu ka heystoo kalsoonidii beeleed ka dibna uu sheegan karo inuu diyaar u yihiin in ay midnimada gabooye ka go,antahey,

Qodobka 3-aad: Waa in Siyaasiga iyo aqoonyahanka beeluhu ay dib ula noqdaan beeshooda wada tashii ku aadan magacaan gabooye ee aanu siyaasigu ama aqoonyahanku isagoon kalsooni ka qabiin suldaankiisa ama hogaan dhaqmeedkiisa iyo dhaliinyarada ama mushtamaca intiisa kale ma matali karo beeshiisa mana xaliinkaro khilaafka ku aadan magacan gabooye ..


Qodobka 4-aad: Suldaanku ama hogaan dhaqmeedku hadii beeshiisa ay dooneyso iney la midobaan beelaha kale oo ay doonayaan midnimada beelaha gabooye waa inuu beeshiisa uu hogaanka u yahey waxey doonayaan u hogaan samaa waayo suldaanku wuxuu sharaf iyo karaamo ku leehyahey wa umada uu hogaanka u yahey markaa maahan in suldaanku noqdo kaligii taliye ee uu qiimeeya rabitaanka shacabkiisa iyo daanta umadiisa waana inuu si kalsooni leeh isagoo kala qeyb qaadanaya talada garab is taaga umadiisa oo uu u hogaansama rabitaanka shacbigiisa..

Qodobka 5-aad: Waa in marka beel waliba ay xaliso wixii dhibaato ama fikir ahaan ku aadan daanta beelaha guud iyo midnimada beelaha gabooye oo ay ka yeeshan hadaf iyo mooqiif midaysan ay iskula yimaadan dhaman afarta beelood hogaankooda sida salaadiinta ,siyaasigooda ,aqoonyahankooda ,waxgaradkooda iyo culimadooda ,si loo saxoo meesha qaladku ku jiro iyo wixii la diidan yahey ,waa in shirar turxaan bixiin la sameeya waa in wada tashai badaan la sameeya si meel qudha leyskugu yimaado ,

Qodobka 6-aad: Waa in Hogaan dhaqmeedka afarta beelood iyo siyaasiyiintooda ,aqoonyahankooda waxgaradkooda ay shir guud yeeshaan oo lagu mideynayo midnimada belaha gabooye dal iyo dibadba waana in la sameeya xeeerer iyo qawaaniin kala haga beelaha ,xeer dhaqamaad dhaxal gaal u noqda mid ay ku heshiis yihiin ,waayo beelahani malahan wax xeer ama qawaaniin kala haga umadda ,waana qodobka ugu weyn ee dhiiibka ku haya midnimada beelahan gabooye ..

Qodobka-7-aad: Waa iney qurba joogta beesha gabooye ka qaataan kaalintooda oo ay xooga saaraan siddii ay iskugu soo dhaweyn lahaayeen umadooda waa iney aqoontooda ,caqligooda iyo maalkoodaba u huraan siddii ay u baabiin lahayeen khilaafaadkan ragaadiyey beelaha gabooye ,


Qodobka-8-aad: Waa in ay suldaanka ama hogaan dhaqmeedka iyo siyaasiga ama aqoonyahanku waa ineyna isku dhex milmiin ,waa in uu midkastaba xilkiisa ku eekaada,tusaale ahaan suldaanku ama hogaan dhaqmeedka waa inuu ahaada mid ku saleysan darajadiisa wajibka loo iigmadeyna waa inuu si daacada ku gutaa hogaan dhaqmeedku ,iskana ilaasha inanu yeelan hab dhaqanka siyaasiga ,,Siyaasiguna waa inanu is bidiin xilkiisa siyaasadnimo oo aanu u guudbiin xilkii hogaan dhaqmeed oo aanu isku dayiin inuu umada ama mushtamaca rabitaankooda aanu cabudhiin oo aanu fikirkiisa ku maquunin shacabka ,waa inuu siyaasigu si daacada umada uu hormoodka u yahey ugu adeega siyaasadiisa si xilkasnimana u gutaa waajibka saaraan ...

 

 

 

 


Daraasadan cilmi baadhista waxaa sameeyey.

"Barkhad Xaaji Cabdi"Mr Gaboye"

Ontario Canada...

hadafkeenu waa midnimada mideeynta beelaha gabooye dal iyo dibaadba ..

Wa Bilaahi Towfiiq...