"Sabi iyo Nin liitay Gaaladu Siraysaa" waa Dardaaran aan u dirayo Saaxiibkay oo qurbaha dhawaan Tagay
 

 

 

Sabanadan wakhti jira

Sxbkay siciidoow

Mar hadaad ka saahiday

Socod dheer ka sii gashay

Somaliba dhamaanteed

Seere oodan kaga jirto

Suuradaada midabkuna

Kaa soocday kuwa kale

Adoon surin Abaareed iyo

Saxare dheer usii marin

Sahlnaa umuuranaa

Ku sakhiray illaahay

Sahay kaaga dhigay nabad

Kugu geeyay saacado.

********

Sxbkay rumaadoow

Sabi iyo nin liitay

gaaladu siraysaa

Waayeel saxaad tehee

Soo jireenka dhaqankiyo

Ha ka takin sirteeniyo

Diinteena Suubane

Saancadaale Gaalkiyo

Ha sadiqin dhibkiisee

Ka fogoow siciidoow

********

Sxbkay rumaadoow

Sida sabiga oo kale

Socodkaagu yuu lumin

Saymahaa qalaad iyo

Sirta gaalku kuu dhigo

Sibiq yaanay kuu galin

Soo jeed habeenkii

Saqda dhex salaad tuko

Subaxdiina soo toos

Sunihii rasuulkiyo

Haka tagin soonkiyo

Sakadii miskiinkiyo

Duco suuban oo wacan

Soo mari jidhkaagoo

Talo saaro rabigaa.

 

 

 

Mustafe Cabdikarim Cali (Future)
Agaasimaha Guud  (AG)
Timacade News Network (TNN)
Hargeysa Office, Somaliland