Dawladda Fransiiska oo Marwo Edna Adan Guddoonsiisay Bilad Sharaf

 

Safiirka Fransiiska u Fadhiya Djibouti oo Biladaa Chevalier de la Order de la Legion d’Honeur oo Edna Gacanta U Geliyey Biladdaa

Hargeysa (TNN)- Xaflad balaadhan oo ka dhacday Cisbtaalka weyn ee EDNA ADAN  UNIVER SITY HOSPITAL ayaa Safiirka Fransiska u fadhiya Djibouti guddoonsiiyey Marwo Edna Adan bilad ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan ee dalkaasi bixiyo. Biladan Chevalier de la Legion d’Honeur waxa kal hore go’aamiye in la siiyo Edna Madaxweynaha dalka Fransiska Nicolas Sarkozy. Biladan Sharaftan oo la bilaabay 1802 waxa la siiyaa dadka geesinimo la yimaada (dhinaca militariga) hase yeeshee wakhtigan xaadirka waxa la gudoonsiiya askhaas kooban oo ku mutaysta wax qabad balaadhan oo caalimi ah oo dad badan taabta. In kasta oo inta badan la siiyo dadka Fransiska haddana dad aan tiro badan oo ajnebi ah ayaa la  guddoonsi yaa oo badiyaa lagu maamuso waxqabad xagga horumarinta bilaadminimada. Waxa ka mid ah dadka ajnedbiga ee la siiyo qoraayaasha, dhakaatiirta, sugaanyahanada, synisyahnada iyo dhakhaatiirta waawweyn.

Safiirka Fransiska oo ka hadlay xafladaasi, waxa uu ku dheeraaday sababta Edna ku  mutay satay isaga oo ka hadlay taariikdheeda dheer ee ka bilaabmay inay ahayd gabadhii u  hora ysay ee Somaliyeed ee qaybo badan iyadu ugu horraysay, haddii ay noqoto shaqadeedii  h ore ee ummuliso, tii shaqaalanimada UN-ta, tii Wasiirnimada khaarajiga, qofkii ugu  horeey ey ee xuquuda dumarka iyo caruurta Somalida khaas ahaab dhinaca caafimaadka  fagaara yaasha caalamka gaadhsiisay. Safiirku wuxuu si gaar ah u tilmaamay dhakhtarka ay Edna dhistay maamushana.

Safiirku wuxuu kale oo ka hadlay Somaliland iyo horumarka ay gaadhay iyo in  muwaadiniin ta Edna oo kale u yihiin tusaale caalima ah. Wuxuu sheegay in biladan ay EDNA ku qaadan lahayd magaalada Paris iyada oo ka guddoomaysay Madaxweynaha laftiisa balse ay ka  do orbiday inay dalkeeda loogu keeno.

Waxa xaflaadaa iyana ku qaatay dibloomayaal arday ka qalinjibasay qaybta Shaybaadhka.
Waxa ka hadlay Guddoomoyaha Baarlamanka JSL, Wasiirka Arrimaha Dibedda, iyo Wasiirka Cadaaladda oo dhamaantood ku dheeraaday waxqabadka EDNA.
 


Source:Waaheen