Deegaanka Berbera iyo doorka dhaq-dhaqaaqyada Ganacsiga Umadda u simantahay

 


Warbixintan oo kooban waxaan rabaa in aan wax yar ka iftimiyo waxa uu yahay Deegaanku iyo doorka dhaq haqaaqa Ganacsigu ku yeesho Bulshooyinka dhexdooda.


Dhaqanka Deegaanka:- " dadka ilaahay aduunyada ku uumay waxay iskaga mid yihiin xaga dhaq anka oo ay cid kasta leedahay meel loo yaqaan waxa uu RABIGEEN u dejiyey "shucuub iyo qaba ail" xagiisana way u simanyihiin ciddii khayr leh ee Aakhiro u shaqaystay uun baa xagiisa u dhow , kasaana ugu mudan,sidaasaana Eebbe ku cadeeyey Quraankiisa Kariimka ah.


Hadaba waxaan u soo qaatay taas ciddii tidhaahda dhulkaasu ama degaankaasu dadka dunida oo dhami way u simanyihiin mana jirto,waayo cidda qaybisay waynu garanaynaa waana ALLE,w aana waajib in aad sunaha nolosha aqbashid hadii kale waxa aad hirdiyi-doontaa gidaar adag oo aad ka soo go'do , mana jirto cid tirtiri-kartaa ama ka dhameyn kartaa meel Alle ugu talo-gay u mmad dhan , isku-day kasta oo yimaada.


Waxaa dhacda in shaqsi sheegto deegan uu ka yimi asal ahaan , waana wax laysku garto taas a yaana micneheedu tahay in beelaha daga dalka ay kala leeyihiin deegaamo ku magacaaban oo m acruuf ah, tusaale (waa Somalilander,waana reer Gabiley ama reer Berbera amase Oodweyne) waqti badan kaa qaadan-mayso doon doonisna uma baahna Adresskiisu.

Ganacsiga:- Waxaana aan ognahay in dunida oo dhan uu ka jiro Doorka dhaqdhaqaaqa ganacsi gu oo loo simanyahay.,isla-markaana waxa dhacda in shakhsi degaan kale u dhashay Yimaado meel kale ama kelli ha ahaado ama cidi ha la socotee kana yaglleelo degaankaa uu yimid Ganacsi mugweyn leh oo mudo ka bacdi saameyn weyn ku yeelan-kara goobtii uu ganacsiga ku unkay , waxaase is weydiin leh waa intee in leeg xiligan iminka ee dunidu marayso aqoon iyo garashoba oo aan ahayn cahdiyadii ama xiliyadii jahliga ee madooba bulshaduna ayna garan jirin waxa shar ci ahaan la kala leeyahay.Waxaase suurto,awda in awood laysku muquuniyo in muddo ah, su'aas ha meesha ku jirtaana waa intee mudadu? , hadii aan ka jawaabo e waa wax yar oo kooban.


BERBERA:- Hadii aan u soo laabto Magaalada Berbera waa il aan ruuxna ka dahsoonayn,waxaas e GUULE dejiyey intaan Berberaba loo bixin dad uu isagu u gartay in aga gaarkaas iyo goobtaas ay ku noolaadan wax kasta ha ku qabeene , anigu iminka maa-gelin taariikho iyo sidii dhulkaasi a haa cimilo ahaan iyo dhiba iyo waxaas-baa laga yidhi toona waxaan-se soo gaadhay kuwii Ilaah ay baday mooye kuwa kale marka ay soo dhex maraan way acuudu bileysan jireen weedhahood ana waxaa ka mid ahaa "ALLA kuwan muxuu ILAAHAY ciqaabay , cadaaba ma le waar bal eegay walaahi waan ka naxay" iwm. Waxaan jecelahay in aad ogaatid in Berbera ilaahay siiyey kuwii 17 awow iyo waxa ka badan joogay hareeraheeda iyo gudaheedaba , kii ka awow , ka awow 4 tii ca ruura ee uu u dhashaba 3 ama 2 abeeso ka cuneysey kaas baa leh Berbera ciddna hor ,hareer iyo dib- u debo-fadhiisan maayo kaas baa joogana joogina doona,ilaa weligood.


Waxaan maqaalkan gaaban ku soo gabagabeynayaa Berberi way u furan tahay cid kasta oo ima naysa reer Somaliland na xuxquuq gaara bay ku leeyihiin waana caasimadoodii ganacsiga, waxa anse ku adkaynayaa Berbera cid baa leh oo ilaashanaysa ("Ilaahay ka sokow") ee waa in aad og aataan taas waana in aad maskaxda gelisaan maa aha no-mansland..

Waxaa dhab ah in maamul kasta oo jiraa waqti leeyahay, balse dalka iyo dadku ay yihiin kuwa ji ra oo marwalba u baahan in loo Asteeyo nolol horumar iyo amni leh, mana jirto cid si gaar ah ug u faaideysan-karta.


NB:- Iga raali noqda waxaa ila dheeraaday qoraalka oo ah mid aan lagu soo koobi karin halkan w axaana ka cudur-daaranayaa wixii khalad ah in aanay iga ahayn in aan wax khaldo ee ay iiga dh acday hadii uu naxwaha wax ku jirana ay jirtay diyaarintii dhambaalka oo degdeg ahayd .

-Tawfiiq Alle-

 

 

 

 

Shucayb Maxamed Gurux / UK
shucayb@live.co.uk