Ninkan maad taqaanaan

 


 

 


 

Ninkan maad taqaanaan

Madaxii ka hoolmee

Gadhku macasha dhaafee

Isagoon maxbuus noqon

Jeel majnuun ka soo bixin

Xaga Alla ka maranee

Margiyadu ay fiiqmeen

Ee kala maroorsamay

*****

Waanin beri mudnaan iyo

Madax sare is badi jiray

Waa ninkii midihiyo

Makaaroofta sidan jiray

Moorgan baa la odhan jiray

*****

Marka uu dagaal dhaco

Madfacyadu is dhaafaan

Waa ninkii maqiiqaha

Miigu aanu gaadhayn

Abdi Bile la magac baxay

*****

Waa ninkii miskiinkiyo

Maatidiyo caruuraha

Mishiigaanka merin jiray

*****

Reer meel ku negiyoo

Maalkii xeraystoo

Muska jiitay fiidkii

Sida mulac dhalaan helay

waa ninkii u miri jiray

*****

Kibir meel fog aan jirin

Waa ninkuu makalayee

Midh isaaqi yuu hadhin

Magaalada hargaysaad

Makaan yuu ka taagnaan

Masraxyada ka odhan jiray

*****

May aakhirkeedii

Habeenkuu maryaha iyo

Ka cararay makakaankii

Isagoo mudduga oo

Dhagax iyo musbaar iyo

Qodxo ay ku mudan yihiin

*****

Muusanow ku tegay
Xamar

Miyirkuna ka doorsamay

 

 

Mahdi Jamac