Dhaqaaleeya Hantida Qaranku, Sibidh iyo Sumalba, way innaga dhaxaysaaye


 

 


Haddii arrinkii yimaada miisaankii qabyaalada lagula cararo oo warbaahintuna qalimo beelaysan boga go oda ku buuxiso oo isku mudmudo waa balaayo iyo xasarad abuur.

Haddii ganacsatadu waa dhurwaaye, aan diin xidha, damiir, xeer iyo dawladii kaa dabaaleen, oo in ay ca shuurta qaranka bixiyaan, in ay laaluush bixiyaan ka doorbidaan, iyana waa balaayo laba jibaaran oo w axay ummuli doonto la odorosi karo.


Haddii madaxda, odayaal dhaqameedkuna iyo culimadu diinku waad baahan tahay u bahalo cunaan o o ay xeer, xishood iyo xarago ka dawaareeyaan iyana waa balaayo hagoogan, maaro loo heli maayo.

Haddii sedexdaa balaayo isku kaa barkadaan, qarankaasi wuxuu noqonayaa, qaran fadhiida oo hadb a kooxi ku qadhaabto oo aan dib mooyee weligii hore u duuleen oo malihi ayaa dhaanta.


Waxaan uga danleeyahay sheekada Sibidhka ee Berbera, intaan beelo laga dhigin ha la isweydiiyo Ga na csatada maalgashanaysa waa maxay heshiiska la galeen qaran ahaan iyo Gobol ahaan? Hadduu j iro He shiis warbaahinta ma lagu faafiyey? Dadka deegaanka la tashi ma lala sameeyey oo ma loo sh eegay he shiiska qaran ee la galay ilayn qaranka ayuunbay ka mid yihiine? Haddii su’aalahaas jawaab tooda Haa tahay, maxaa loo murmayaa. Hadday Maya tahay salaadu meeshay ka xidhmi la’dahay ha la isweydiiyo.


Dhulka iyo kheyraadkuba waa Hanti Qaran ciddina gaar umma laha, Dawladina cid gaar umma siin kar to iyada oo aan la waafijin axdi qarameedka.



Qaran waa (State) waa dad iyo duunyaba ilaa aamanuun wixii xuduuda Ummaddaa ku jira.


Dawladi waa maamul hawsha Qaranka in hogaamiyo loo igmadey muddo mucayana oo loogu heshiiye y sida Somaliland oo kale. Shalay UDUB ayaa joogey oo la Aminey, maanta KULMIYE ayaa jooga oo la aam iney, Berina UCID baa imman doonta.

Sidaa daraadeed Maalgashadayaashu waa in ay heshiis qaranka la galaan, kaasi oo qeexaya wixii xa q iyo xeer loogu leeyaha, tusaale ahaan iyagana dantooda ilaalinaya. Waa in la qeexaa ( Royalties) joog tada ah oo qaranku leeyahay hantidaa ka dhexaysey ee qof amma shirkada gaarka u yeesheen iyo weli ba wuxuu deegaanku xaq ugu leeyahay, iyo in cashuurta caadiga ah qayrkood ula sinnaada an si hadba maamulka yimaad xuquuqdooda iyo nabadooda u ilaaliyo.

Hantida Qaranka hadba dawlada jirta way in ay ilaalisaa, wixii loo baahdana xilka ka saarani waa in a y waafijiso tartan xor oo xalaal ah iyo Heshiis Qaran oo lala galo ciddii ku guuleysata oo labada dhina cba raaligeliya oo aan madmadaw ku jirin.



Hadal iyo dhammaantiii Hantida Qaranka waa la wada leeyahay annaa kaa xoog weyn iyo anaa kaa x ool a badan horaa loo eeday. Hantida qaranka ummadu way wada difaacdaa oo dawlad bay mushah ar u qo rtay si sumulka u jirto sibidhkana cadaw dabada kaga yimmaada uga ilaaliso. Dheeftana waa la wada le eyahay oo in ay bulshadu heshaa adeeg caafimaad, waxbarasho, iyo ka la dagaalanka gaa jada.

 

 

 

 

 

Hamud Duale