Berbera: Dhibaatada Qashinka Sunta Maraakiibta+Dhibbanaanta Dalxiisayaasha+ Dhoohanaanta Xukuumadda Somaliland+Dhayalsiga Dadwaynaha.

 



Maraakiibta waawayn ee u kala goosha badwaynta ee xanbaarsan wasakhda sunta warshadaha wada mada reer Yurub:
(Exclusive Report +Sawirro )


Berbera (TNN):-Xeebta Batalaale ee ku taal magaalada Berbera oo ah Goobta kaliya ee Somaliland Dalxiis ahaan loo Tago ayaa waxa ka muuqata madaw badan oo la moodo in saliid caydhiin lagu daadiyay  ,waxa ana durba dareemaysaa urta saliida iyadoo khatar badan ka iman karto.

Maraakiibta waawayn ee u kala goosha badwaynta ee xanbaarsan wasakhda sunta warshadaha  wada mada reer Yurub ayaa badanaa waxay raadiyaan meel ay ku dadiyaan wasakhdaasi,waxaana inta  bad an la la eegtaa oo lagu daadiya wadamada dawlad adag aan lahayn ,amase aan lahayn awood ay ku  ila ashadaan baddahooda.

Somaliland oo la ogyahay inaanay lahayn awood ay ku ilaaliso badeeda ayaa waxay u tahay  maraakibta asi wasakhda daadiya iyo guud ahaan bada Soomaalida meelaha ugu badan ee lagu daadin karo  wasa khda warshadaha reer galbeedka.


Koox khubara ah oo u dalxiis tagay xeebta badda oo ay la socdaan wariyaal ka socda Shabakada  Timaca de News , ayaa u kuur galay xeebta Batalaale , waxaana isla markii ay soo galeen xeebta Batalaale  arke en madaw badan oo ka muuqda xeebtaasi ,waxaana khubaradu gacanta galiyeen ciida badda waxaanay ku ogaadeen in 50 cm ka badan ay gaadhsiisan tahay madawga ciidda.


Xeebtan oo ay u dalxiis tagaan dad badan oo ka kala yimaada dhamaan daafaha kala duwan ee wadanka ayaan wali u fiirsan khasaaraha balaadhan ee xeebta Batalaale soo gaadhay, iyadoo wali aanu muuqan saamaynta uu ku yeelan karo wasakhdani caafimaadka dadka.

Maraakiibta wasakhda sita oo lacag badan kaga soo qaata shirkadaha kale ee reer galkbeedka ayaa  wa xay si isdaba joog ah ugu soo qulqulaan xeebaha wadamada Afrika ,iyagoo markaasi raadinaya meelaha aan laga shakiyi Karin ee ay ku shubi karaan qashinkan ay sidaan. Wadamada maraakiibtoodu aad uga ganacsadaan waa maraakiibta laga leeyahay dalka Talyaaniga , waxaan shirkadahaasi inta badan  maam ula niman maafiyada talyaaniga ku xidhan.


Shirkadaha noocaasi ah ayaa wakhtigii Cali Mahdi uu heshis la galay lagu daadinayo bada soomaalida  q ashinka kasoo hadhay warshadaha reer galbeedka oo ka kooban walxo sun ah oo ay ku dhici kari  waay een inay ku daadiyaan badahooga maadaama aad loo ilaaliyo xeebaha wadamada reer galbeedka.

Arintan ayaan keentay in dad badan qaadaan cudurro dawadooda la garan waayay iyadoo la arko  caru uro badan oo ku dhasha cudurra aan wali hore loo arag oo laga yaabo inay ugu wacan tahay Cunida  kal uunka wasakhaysan ,ama ka ag dhawaashaha aaga xeebta lagu daadiyay suntan ka soo hadhay warshadaha reer galbeedka.

Waxa is waydiin mudan xukumada cusub ma ka warhaysaa xeebtan Batalaale ee ciideeda laga arki karo saliida madow oo laga yaabo in aakhirka cuduro badan ku keento dadka u soo dalxiis tagaya, mise waxay lamid yihiin sida dadka kale u arkaan ee ay dhaafaan iyadoo khatarta ka so socota halkaasi saamayn ku yeelan karto dhamaan bulsho waynta reer Somaliland iyo soomalida kale guud ahaanba.

La soco qaybta labaad .

 



Mustafe Future

Timacade News Desk
Berbera/Somaliland.
mccfuture@hotmail.com