Dhible iyo Dhiblaawe: "Miyey dhoohanyiin mise waa dhabar adayg" Q-2aad.....Dhammaad

 

Laba maalmood dabadeed baa loo sheegay Dhible, in uu xilka la wareegayo. Maxamu ud-yare oo tilifoon kula soo hadlay baa uu sheegay. Goobta xilwareejintu waa  mada xtooyada, waxa isugu yimi wasiirro farabadan. Wasiirkii xilka wareejin lahaa baan  im an. Dhible waxa uu weydiiyey Maxamuud. "Waaryaahe! oo mee wasiirkii xilka  wareeji nayey, kuye, ma wasiirkii Dharka iyo kabaha, sowkii mar loo diray maraykanka uu  ka ba soo noqonwaayey ee is dhiibay.. Yaa, oo yaan kala wareegayaa xilka? Dee waxa aad la wareegaysaa magaca wasaaradda, oo hawada ayuunbaa loo marinayaa  dad ka in la kala wareejiyey wasaaraddii oo aad adigu tahay wasiirka cusub.

Nin ku hadlayey magaca madaxweynaha ayaa hadlay, oo hadalkii ku dheeraaday. Sa acaddii baa gaadhay 12:00 duhurnimo. Salaaddii duhur, cid hadal haysaa ma jirto, wa xaase afka isa sarsaaraya wasiiraddii farabadnaa intooda badan, oo mid ba ka kale weydiinayaa galabta halka uu ku qayilayo. Ninkii magaca madaxweynaha ku hadlayey ayaa goor danbe oo lagu caajisay hadalkiisii, yidhi: "wasaaradda waxa xilkeedii la  wa reegaya Mudane Dhible, oo ah aqoonyahan muddo dheer ku noolaa qurbaha, waaya aragnimo fiicanna u leh maamulka iyo maaraynta. Intaa markii uu yidhi, ayuu soo  kac ay Dhible oo aan ku lebbisnayn suudhkii looga bartay wasiirada. Waa la is eegay, "W aaryaahe, oo surwaal jiinisa oo ruugaggu cadyihiin buu inoo soo xidhay iyo garan  ga cmo gaab ah, waar miyaanuu ka iman Ingiriiska?" sidaa waxa la weydiiyey  Maxamuu d. Wuxuuna si yar ugu jawaabay: "Aniguba maalintii aan imi surwaal kaasoo kale  ba an xidhnaa, ee halkanaa la igu baray suudhka iyo dharka la xidho".

Xafladdii xilwareejintu markii ay dhammaatay ayey u soo dhaqaaqeen xaggii  albaab ka weyn ee laga baxo madaxtooyada. Dhible oo hareeraha eegaya ayaa yidhi: "Waaryaadhaheen, oo waxa aan idin weydiiyey madaxtooyada aan 19kii sannadood ee aan maqnaa maqlayey, ma gurigan baa? Nin ka mid ahaa wasiiraddii, baa yidhi: "Waar ninku xaggee buu ku aasnaa? Maxamuud baa u jawaabay oo yidhi, intaaba ja amacado ayuu ku jiray, miyuu madaxaba kor u qaaday". Dhible intaa kuma aamusine, wuxuu sii raaciyey, waar gurigani miyaanuu ahayn kii Moorgan iyo haa wallaahi waa kii Moorgan. Nimanyahaw, innaga saara, halkani waa halkii dulmiga laga maamuli jiray markii aan ogaa. Waa bartii lagu soo go'aamin jiray xumaan oo dhan, waa bartii, dad ka la dilayo ee xaqdarrada lagu laynayo, lagu soo go,aamin jiray, waa goobtii dulmiga iyo xaqdarrada....waa meeshii. Halkaa marka uu hadalkii marinayo ayuu ku soo  bood ay Maxamuud. "Maxaad ku hadlaysaa, waxa aad ka hadlaysaa wax hore oo tegey  w aa labaatan sannadood ka hor. Midda kale Moorgan ma isagaa iska lahaa guriga, wa xa lagu dhisay waa xoolihii shacbiga, waa maalkii dadweynaha.

-Waar haaye, maal kastaba ha lagu dhiso, ee goobtani waa calaamaddii dulmiga, Ina Sanweynana u gee! waa calaamad xun, ee maxaa labaatan sannadood laga  dugsan ayey. Waxa aan idhaahdaa uun maxaa loo aqoonsan waayey Somaliland. Waa dal ay calaamad u tahay goobtii dulmiga laga soo fulinjiray. Maxamuud oo aad uga yaabban waxa uu ka hadlayo Dhible ayaa yidhi: "Waaryaahe innakeen aan Maansoor ka soo qadaynee, si aan goor hore u fadhiisanno.

Gaadhigii Maxamuud bay raaceen, ilaa Hudheelka Maansoor. Intii ay dhexda sii  socde en buu Dhible weydiiyey: "Oo goormaa dee la i siinayaa gaadhigii, bal gurigu ha  danb eeyee" Maxamuud baa qoslay oo yidhi: " Ma kula tahay in gaadhi lagu siinayo, ninkaa ga sidan u hadlaya ee aflagaadada intaa le'eg kula dul kufay Madaxtooyadii dalku  la haa" Yaa, dee anigu maxaan idhi, waxa aan ku war helay uun markii iigu danbaysay Hargeysa dee, waa gurigii Moorgan deggenaa, miyaanu ahayn?--- Hadduu yahayna, ma dhisme dhaama ayaa jiray? Oo haddaanuu jirin 1991kii, maxaa mid dhaama loo  sa mayn waayey labaatankaa sannadood, waxaaba dhisi lahayd kharashkan aniga igu baxay ilaa safarkii London, ilaa hudheelkan aan ku jiro, cuntadab bilaashka ah, waar intaas oo intaada lagu daro ayaaba dhisi lahayd madaxtooyo aan ahayn gurigii  Moo rgan.

Gelinkii danbe waxa ay fadhiisteen gurigii Maxamuud. Waxa uu uga warramay  xaalad da dalka iyo siyaasadda dalku halka ay marayso. Waxa uu u sheegay, in laga bilaabo, maalinkaa maanta ah aanuu raaci karin qof taageersan xisbiyada mucaaradka ah, ga ar ahaan xisbiga afka dheer. Dhible, oo ilka caddaynaya, oo ku tiirsan barkimo weyn, ayaa yidhi oo xisbiga afka dheeri waa kee.? --Waar waad arki doontaaye, yaan  lagu gu ag arkin labadaa xisbi dadka taageersan. Waaba yaab, oo asxaabtayduba waa dad taageersan labadaa xisbiye, yaan raacaa? Ma dad aanaan garanayn. Maxamuud oo aad mooddo macallin hor taagan ardaydiisii ayaa u sharxay sida xaalku yahay, sida warka loo qaado, sida dantaada looga hormariyo ta guud iyo sida loo ilaashado mansabka aad hayso, si aan lagaaga qaadin.

Dhible oo aad u dhuuxayey sharraxaadda Maxamuud, baa yidhi: "Waar bal waxa  kal eba ha joogaane ila doono Dhiblaawe, ninka saaxiib baanu nahay, dad wax wada cun leh baanu nahaye. Maxamuud na tilifoon buu qabsaday, kuye haa ma Dhiblaawaa? Haaye waa kuma? Waar waa ninkii aad colka ahaydeen ee Maxamuude, waxa ku  doo naya Dhible. Waar ii dhiib, ma xaggii London buu joogaa, waan garanayaa kollay  maf rishkii buu fadhiyaaye, mar kale waxba ma haleelo'e, ninka ii dhiib saaxiib baanu  nah aye. Maxamuud baa inta uu qosol labada daan kala waaxay, yidhi: Waar! Hargeysuu kula joogaaye, waa kane la hadal. Haa..... waar ma runbaa, ma Dhiblaa, oo ma  Harge ysaad joogtaa? Intaasuu is daba dhigay. Haa waa anigiiye, waan kula joogaaye, goor ma ayeynu is aragnaa? Dee berriba, oo laakiin goor hore soo kac. Halkeebaan kuugu imaadaa? Waxa aad iigu timaaddaa SOOYAAL horteeda Makhaayadda ku taalla. Dee waa innoo berri iyo tobanka subaxnimo. Nabadgelyo.............. , .....Nabaadiino.

Maxamuud oo dhegta taagaya ayaa yidhi, halkeebuu kugula ballamay? Wuxuu igu  yi dhi SOOYAAL, markaan garanwaayey na waxa uu yidhi, Maxamuud baa garanaya. Waar, ninku miyuu waalanyahay, waa maxay halka uu kugula ballamay? Waar ku celi oo waxa aad tidhaahdaa, kaalay Maansoor ama Anbaasaddoor ama Imbiiriyalka. Tilifoonkii buu ku celiyey, "waaryaahe, Dhiblaawe, waar adigaa magaalada kala  gara naye'e, waxa aad iigu timaaddaa Anbaasadoor ama Maansoor ama..... ...... .... ...... waar bal joog, waar ninka ila hadlayaa miyaanuu ahayn Dhible? Haayoo waa isagii. Waar anigu meelahaa ma tago'e iigu kaalay Cajabta ama SOOYAAL horteeda. Bal waayahay, haddaad sidaa ku adkaysatay, Maxamuud uun baa ka yara booday  SOOYAAL'e. Waar, Maxamuudku ninkii aad taqaanay ma aha ee London aynu wada lugayn jirnay, yaanuu kuu dhuuman. Waa inoo berri.

Maalintii danbe saacaddii ballantu ahayd ayuu Dhible oo aanuu la socon Maxamuud yimi goobtii ballanta oo ahayd SOOYAAL horteeda. Tilmaan ayuu ku yimi. Waxa  fadh iya Dhiblaawe. Waa la isku soo booday "Waar goormaa isugu keen danbaysay ayuu yidhi Dhible" Waxa aan u malaynayaa lix sannadood malaa bilo ayaa ka dhiman ayuu Dhiblaawe na ku jawaabay. Intaa dabadeed, midba kursi buu fadhiistay. Waxa aan ku weydiiyey, waa maxay SOOYAAL?. Oo malaa garanmeysid! miyaanuu kuu sheegin  Ma xamuud? Maya! iima sheegin oo meesha waabuu sannifsanaa, waxa uu ku  dhowaa day in uu yidhaahdo halkaa ha tegin.

Sheeko dheer baa la galay. Markii wax badan la iska waraystay ayuunbuu Dhiblaawe yidhi: "Maxaad u socotay, ma hawlo ganacsi, ma fasax baad u timi bal warka ii  balball aadhi." Waxa uu si fudud u yidhi: " Oo miyaanaad idaacadaha iyo tilifayshannada iga daawan, joornaalka miyaanaad akhriyin? KKKKK qosol googoos ah dabadeed buu  Dhi blaawe yidhi: " Ma imaatinkaaga ayaa idaacado laga sheegayaa"? Haa, maxaa looga sheegi waayey shalay wargeysyada Hargeysa ka soo baxa oo dhan waan ku qornaa. Ma adiga Dhible ah baa ku qornaa? Dee, haa maxaanu ugu qornaan weynay, ma iga xaaraan baa waxaa dad ku qoran maalin walba ma darajo iga sarraysa ayey ku  gaa dheen, anigaaba tilifoon la iiga soo diray madaxtooyada oo la i yidhi, halkaa aad  ta agantahay baad ku tahay wasiir!. Dhiblaawe ayaa dhegta taagay, waar  manqaxwo ow bal shaaha noogu soo celi----maxaad tidhi, ma wasiir somaliland ah, oo xaggee  baad taagnayd..? Waxa aan taagnaa inna ma garanaysaa mafrishkii fadhiga  wanaa gsanaa ee dee xaafaddii galbeedka, ee sagaashanaadkii aynu fadhiisan jirnay, berig aa mafrishyaduba may badnayn'e. Haa waan garanayaa, oo ma halkaasaa laguugu sheegay in aad tahay wasiir.? Waa halkii Maxamuud-yarena loogu sheegay! waar mayee malaa isaga halkanaa loogu sheegay.

Sheekadii oo halkaa maraysa, ayuu ka kacay nin fadhiyey dhinacooda midig. Iasagoo eegaya Dhible iyo Dhiblaawe ayuu yidhi: "Dadkan Yurub ta ka yimaadda waa ay  wad a mudanyihiin, bal waxa ay isugu sheekaynayaan eega, wasiir, wasiir, waxa ay u  wa as heen wasiir iyo in ay xoolaha dadka masaakiinta ah ku soo hoos noqdaan". Dhible, oo yaabban baa yidhi: " Ma innaga ayuu inala hadlayaa?" Dee haa haddaa yuu la  ha dlayaa, sawdigan waallida iigu warramaya. Dalka waxa aan is lahaa in uun wax baa iska bedeliye' haddii xaalku marayo in adiga oo Dhible ah lagaa dhigay wasiir, afkayg aw buus!. Sidaa waxa si dareen murugo leh ku yidhi Dhiblaawe.

-Dhibloow, ma kaa dhabbaa oo wasiir baa laguu magacaabay?

- Haa, waxa aan la yaabanahay dadka intii aan u jeclaa waabay qaadan la 'yihiin ilaa xaaskaygii baa i rumaysanweyday, oo yaa kale ee i rumaysanaya.

-Waxa laguu rumaysan la yahay, ma aqoon baad ku timi wasiirnimo, ma karti baad ku timi, ma dedaal ummmadeedbaa, ma danyartaad u hiilisay, ma alla kacabsibaa lagugu doortay, mise mafrishkii baa lagugu doortay?

Dhiblaawe, waxaas oo war ah iska daa, oo ii warran maxaad haysaa adigu? Berigii  a ad naga timi waxoogaa kharash ah baan u malaynayaa in aad la timiye.

- Waa ilaahay mahaddii, oo waxoogaa ganacsi aan badnayn baan la imi, bakhaar  raa shinka lagu soo rogo na waan furay gaadhi yar oo marka-tuu ah na waan wataa, dee waa ilaahay mahaddii. Waxa nagu yara badan magta, qaadhaanka, iyo kolba arrin  be esha oo soo korodha iyo dee marmarka qaar dad ehel iyo qaraaba ba leh oo gargaar u baahan. Sida kale waa ilaahay mahaddii.

- Dhanka siyaasadda miyaanaad wax lug ah ku lahayn?

Siyaasad lagama madhnaan karo, oo weli bur iyo biyo looma kala bixin, baahiduna  wa y baahsantahay sidaa darteed lagama madhnaan karo siyaasad. Beryahan danbe is beddel bay dadku jecelyihiin, inshallah waa la bedelayaa maamulkan hore oo u  mala yn maayo in uu sii fadhiyayo kursiga.

- Waaryaahe, dee maba fikiraysid. Saaxiibkaa Dhible ayaaba rayska lugaha soo  geliy ey ee xaggeebaad u beddelaysaa maamulka. Waar inoo ducee in aan laga helin  door ashada madaxweynaha nabadda, iyo caddaalada ee halkaan ogaa iga soo  furdaami y ey.. Maxaad u bedelaysaa ee uu kugu sameeyey, saw garan maysid labadan kaleba in aanay dhaamin in ay ka liitaan mooyaane.

- Saaxiib u ducaynmaayo mana habaarayo, ee isbeddel khayr qaba oo dhaama kan baan innoogu ducaynayaa. Shaadhka iyo surwaalka haddii aad iska bedeli weydo, so w lagugu nici maayo oo lagugu tilmaansan maayo.?

- Yaa igu tilmaansanaya ma hablaha? Oo haddaan iska nadiifiyo shaadhka iyo  surw aalka oo aanay wasakh yeelan maxaa dhibaato ah? Waxaanse ku weydiiyey, maxaad dharka iigu maahmaahaysaa, ma waxa aad maqashay wasaaradda la ii magacaabay? Maxaad isu yeelyeelaysaa, waad i maqashay sow maaha?

- Waar waxba maan maqale wasaaraddee laguu magacaabay? Shaadhka iyo  Surwa alka haddii aad nadiifiso oo aad xidhnaato miyaadan ogayn in ay googo'ayaan oo  du ugoobayaan. Inaatany innagu dul duugoobin in la bedelo waa lama huraan.

- Aniga wasaaradda la ii magacaabay, runtii ma aan fahmin waase iska oolraydhe, waxa la yidhaa Wasaaradda Dharka iyo Kabaha.

- Yaa ta dharka aa, mabaan maqale. Waar Dhible ha ii dhiibin been kaftankana ka  sa ar, maxaa laguu magacaabay?

- Waar ninkii horena waa kii inna sii aflagaadeeyey'e yaan dadka makhaayadda  fadhi yaaba ka wada dareerine, waxa la ii magacaabay, dee dhegta soo dhowee aan hoos kuugu sheegee, wasaaradda Dharka iyo kabaha, waxa aan la kulmay ilaa haatan  wa siirka Dhagaxaanta iyo ciidda, wasiirka Dundumooyinka iyo............

- Waaryaahe Dhible, Dadku miyey dhoohanyihiin mise waa ka dhabar adayg, ma  halk aasaa xaal marayaa, magacyadani haba ii danbeeyaane, maxaa lagugu soo doortay, ma beeshaa kuu yeedhay, ma xidhiidh baad la soo samaysay madaxweynaha, sidee wax u jiraan.

- Waar ninyahaw waa adigii i ogaa ee aan dareenkayga runta ka sheegi jiray. In  dho weyd ayuunbaan la fadhiistay koox aad yaabto ammaanta iyo misyeelyeelka ay  dar eenkooda ka been sheegayaan.. Waxaasoo dhanna waa uun sidii ay dawaladda uga mid noqon lahaayeen. Qoraallo ayaan u kala diray wargeysyada, mareegaha meel  ka sta waan dhigay oo aan ku aflagaadaynayo labada xisbi ee mucaaradka ah.

Makhaayadaha, goobaha la isugu yimaaddo meel kasta waxa aan kaga ammaanaa  d awladda, dee maxaa igu xidhxidhay mucaarad ma iyagaa wax i siinaya. Waa Maya, ad igaagan waxa aan ku odhan lahaa dadkaaga dhinaca ka raac oo iska daa caydan aad makhaayadaha la fadhido ee aad ku aflagaadaynayso dad maamuus leh oo dalka masuu'liyad u haya.

- Dhibloow!, markale aan ku celiyo adigu la yaab ma lihide " Miyey dhoohanyiin mise waa dhabar adayg"


Dhammaad
Nabaadiino

 

 

Sayid M Yuusuf
gacanlibaax2001@yahoo.se