Dhoolatuskii ugu balaadhnaa oo xisbiga Kulmiye kusoo bandhigay magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley



Magaalada Wajaale oo ah magaalo xudun u ah ganacsiga balaadhan ee u dhaxeeya Ithoopia iyo Somaliland

Tog-Wajaale (TNN)-Boqolaal sita calanka Kulmiye qarkoodna ku labisnaayeen calanka kulmiye ayaa isugu soo baxay fagaaraha wayn wayn ee magaalada Wajaale,halkaas oo ay ku soo  ba ndhigeen taageerayaasdha xisbiga Kulmiye cududa wayn ee ay kuleeyihiin degaanka gobolka Gabiley gaar ahaan magaalada Wajaale.

Magaalada Wajaale oo ah magaalo xudun u ah ganacsiga balaadhan ee u dhaxeeya Ithoopia iyo Somaliland ,ayaa saaka ku waabariisatay sameecadaha lagu rakibay baaburta iyo  sawax anka dadka sita calanka xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye.

Taageerayashaa xisbiga Kulmiye ee gobolada Somaliland oo dhan ayaa saaka si balaadhan  is ku soo bax dhoolatus ah ka sameeyay fagaarayaasha magaaloyinka waa wayn ee  Somalilan d,waxaana taageeryaaasha xisbiga Kulmiye aad ugu diirsadeen in dad aad u badan u soo bax een maanta.

waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Abiib Aw ahmed Cali oo ka tirsan masuuliyiinta sare ee  xis biga oo ugu horayn ka war bixiyey istiraajiyada ganacsi ee ay leedahay degmada tog wajaale iyo baahiyaha badan ee ku habsaday dadwaynaha deegaankaasi .

isaga oo ka warbixinaayaa arintaasi waxa uu yidhi" magaaladan tog wajaale waa magaalo ku taala xuduud waxay inaga (somaliland) inoo leedahay mihiimad gaar ah oo ku salaysan  dhina ca xidhiidhka ganacsiga aynu la leenahay dawlada itoobiya waxaana mihiim ah in maadama ay magaaladani tahay muraayada dalka jaarkeenu ka dawanayo wadankeena ay mihiim tahay in si wayn looga hawl galo arimaha khuseeya adeegyada bulshada sida caafimaadka wadooyinka waxbarashada iyo biyaha oo imika ay ka aradan tahay gabi ahaanba adeegyadaa bulshada ah ee asaasiga ah ".

waxa kale oo uu Abiib Aw Ahmed dadwaynihii uu halkaa kala hadlayey ugu bushaareeyey in xisbigooda kulmiye mihiimada kowad saarayo magaalada tog wajaale sidii ay u heli lahayd  ade egyo dhamaystiran isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi hadii aan ku guulaysano talada dalka waxaanu idiinku bushaaraynaynaa oo aan idiin balan qaadaynaa in aan ka hawl gali  doo no sidii dagmada tog wajaale ay u heli lahayd adeegyada bulshada ee aasaasiga ah , anaga oo u kala horaysiin doona sida loogu kala baahi badan yahay sida biyaha caafimaadka iyo  wa xbarashada, waxaanu idinka codsanaynaa in aad codkiina noogu deeqdaan .

waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xildhibaan ibraahim ahmed haybe iyo xildhibaan bashiir sh.xuseen tukaale oo iyaguna khudbado kooban oo ay kaga war bixinayaan barnaamijka  xisb igooda kulmiye ugu talo galay in uu ku hogaamin doono hadii talada dalka ay ku guulaystaan waxa kale oo uu xildhibaan ibraahin ahmed haybe si wayn u naqdiyey wax qabadka  baarlama nka isaga oo sheegay in ay sharciyada dalka ay sameeyen waxa kale oo uu sheegay in  gurya ha golaha wakiiladu ku shaqeeyaan aanu dhisnay oo aanu qurba jooga reer soomaali land.

waxa kale oo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Ganacsatada Degmada Tog wajaale C/laahi  Mux umed Bile oo taageerayaasha xisbiga kulmiye uga mahad celiyey sida baaladhan ee ay  taage erayashu cududooda u muujiyeen Xisbiga Kulmiye oo maanta si wayn iskugu soo baxay  faga araha khayriyada ee magaalada Tog-wajaale ayaa u muuqda mid kabsaday taageerayaal hor leh halka saaka magaaladu ku waa bariisatay calamada xisbiga Kulmiye oo ka lulmayaa  gaawa dhida dhamaaan goobaha muhiimka ah ee magaalada Tog-wajaale

Magaalada Wajaale oo ka mid ah meelaha aad ka loogu soo baxay ayaa waxaan loogu kala  ha dhin fagaaraha madaxda xisbiga Kulmiye ay qudbada ka jeedinayeen, caruur iyo ciroolaba  wa xa maanta ay u ahayd magaalada Wajaale farxad iyo reerayn.


Source:Gabileynews