Donald Payne miyaa waalan, mise xukuumadda Rayaale
wax ka khaldan yihiin?


 Ted Dagne, Marxuun Maxamed H. Ibrahim Egal iyo Donald Payne oo Hargeysa yimid 1997

 


March 9, 2010
Washington Dc.


Somaliland waa waddan yar oo u baahan dadaal badan iyo siyaasad hufan si wadamada awooda badan ku leh dunida ay uga hesho aqoonsi ama xiriir wanaasan. Arrinkaasi ma aha mid la garan waayey ee waa mid la dayacay oo laga sagsaagay. Taas waxaa u tusaale ah xiriirka adkaaday iyo aflagaadada taagan ee xukuumadda Dahir Rayale ku hayso Congressman Donald Payne oo ah guddoomiyaha aqalka hoose ee Mareykanka oo qaabilsan Qaaradda Africa oo dhan.


Donald Payne waa siyaasi ruug cadde ah oo muddo dheer arrimaha Somalia iyo Somaliland gacan culus ka geystay, oo weliba u qalbi furan hurumarka Somaliland ay gaadhay kuna daadaala in xasilonaanta iyo geeddi socodka dimoqradiyadda Somaliland ay sii fiddo. Waxaa taa tusaale u ah tallabooyinka uu qaaday ee hoos ku xusan:


1.Sharcigii ugu horreeyay ee labada aqal ee Mareykanka ka gudba oo qondeeyay in Somaliland deeqda la siinayo laga saaro midda Somalia oo Somaliland toos wax loogu qabto isagaa daadihiyay oo sabab u ahaa inuu sharci noqdo.


2.Mohamed Ibrahim Egal (Alle ha u naaxariistee) marku halka noogu yimi, Guddoomiye Donald Payne  wu xuu u qabanqaabiyay shir albaabadu u xidhan yihiin oo uu ku casumay madaxda sare ee labada aqal ee Mareykanka.


3. Guddoomiye Donald Payne waa siyaasiga keliya oo labada aqal ee sharciyadda Mareykanka dejiya,am a la soo doortay oo Hargeysa booqasho ku yimi.


4.Dowladdii Siyad Barre markay xasuuqa tirada badnaa Somaliland ku haysay wuxuu ka dambeeyay oo dagaal culus ku qaaday, kuna guuleystay in dowladda Somalia la cunaqabateeyo si awoodeedu u  yaraa to, sababna u noqotay in waddanka la xoreeyo.


Su’aasha meesha taal waxa weeye “maxaa kellifay ninka noocaas ah in lagu tilmaamo inuu yahay cadow Somaliland
?”

Khilaafka maanta xukuumadda Daahir Rayale iyo Congresman Payne dhex yaal waxaa sabab u ahayd markii Dowladda Somaliland casumaad xaafiiska Guddoomiye Payne u fidiyay inay ka soo qeyb galaan shir lagaga xaajoonayo arrimaha argagaxisada oo saameeya Geeska Africa oo dhan gaar ahaan Somaliland iyo dowladaha ay deriska yihiin sida Somalia iyo Puntland. Waxaa si toos aha loola hadlay wasiirka  arrim aha dibedda Mudane Abdullahi Ducale (Khadka telefoonka iyo emailba), waxaana la xidhiidhay Mr. Ted Dagne oo ah gacan yaraha Guddoomiye Payne. Xukuumadda Rayale way oggolaatay inay ka qeyb gasho shirkaas iyagoon wax shuruud ah ama cudur daar aan sheegan.


Markii shirkii shaaca laga qaaday oo saxafadihii dunida oo dhan la gaadhsiiyay, ayaa Dr. Sacad la  xidhiid ay xafiiska Guddoomiye Payne isagoo ku andacoonaya in Somaliland gooni ahaan loo arko oo ayan  doon ayn inay goob la fariistaan Somalia ama Puntland. Waxaa loogu jawaabay goobtu ma aha meel la  doona yo in arrimo siyaasadeed ama xidhiidhka ka dhexeeya Somalia iyo Somaliland lagaga falanqoonayo ee  w aa mid khuseeysa arrinka argagixinta iyo sidii looga hor tegi lahaa. Dr. Sacad tiisi buu ku adkeystay, shir kina isagoo ku hadlaya xukuumadda Somaliland afkeedi ayuu diiday inuu ka qeyb gelo, mudane Abdullahi Ducalena Hargeysaba kama soo dhoofin.

Odaygii weynaa oo wax doonayay inuu hagaajiyo oo Somaliland la badhbadh digay Somalia si ay  qeybte eda iyo cadkeeda u goosato, fajac, amakaab iyo shirkii balladhnaa uu doonayay oo ka fashilmay ayuun ba ku dhacday. Dabadeed shirkii oo socda baa Dr. Sacad oo dideey inuu shirkaas ka qeyb galo dadkii daawanayay la soo fadhiistay oo meshii Guddoomiyuhu isha ku dhuftay isagoo ka qos-qoslaya.

Somaalidu waxay tidhaahda nin kaa xoog badan hortaabu xanaaqa, Odaygii halkii buu furkii tuuray oo  is agoo markaa si daahsoon Dr. Sacad ula hadlaya ku yidhi, haddi Somaliland doonayso in meel geeri go’an ah ay istaagto, anna waan ku dadaali inay taa gaadho!

Hadalkaasi sas badan ayuu Jaaliyadda Somaliland meel kasta oo ay joogto geliyay, waxayne nagu khasabtay in Jaaliyadda Somaliland ee Washington deggan dalbato, kana hesho shir gaar ah si aan ula kulanno Congressman Payne.

Arjigeeni waa nalaka aqbalay, fursadna waan u helnay inaan la kulano Congressman Payne. Halkaas  wu xuu noogu caddeeyay in marnaba joojinayn wanaagii iyo kalgacaylkii uu u qabo Somaliland, isagoo naga raalli geshay in dadaalkiisu meeshiisii yahay. Wuxuu kaloo noo caddeeyay in aamin darrada uu qaaday ay tahay mid shaqsiyan ah oo ku kooban wasiirka Abdullahi Ducale iyo Dr. Sacad, labadana wuxuu noo  cadd eeyay in mar dambe la kulmi doonin. Taasina way dhacday oo markii shirkii dhamaaday ayaa wasiir  Abd ullahi Washington yimi isagoo doonaya inuu la kulmo Congressman Payne, wuuna ku hungoobay oo waa la aqbali waayay.

Arrinku sidaas buu u dhacay, waxna lagama tegin, waxna laguma darin. Coolaadda taagan waa mid ka  d haxaysa xukuumadda Rayale iyo Congressman Payne ee ma aha mid saameysa xidhiidhka ka dhaxeeya Jaaliyadda Somaliland meel ay joogtaba iyo Congressman Payne.

Runtii markii loo dhaadhaco Jaaliyadda Somaliland ee Washington deggan ayaa wadddanka u ah  safaar ad oo wefti kasta oo waddanka ka yimaada soo dhaweysa xisbi kasta ha ka socdaane. Kharashka  xafla daha ku baxa iyo ballamadaba ay doonayaan iney la kulmaan dawladda Maraykanka jaaliyadda ayaa u sameysa. Taasna waxaa noo sii dheer mar kasta oo aan ku dadaallo inaan waxgaratka iyo dowladda  Ma raykankaba ka dhaadhicino dimoqraadiyadda Somaliland ka jirta, waxay noo tilmaamaan doorashooyika dhici waayay. Markaan ku doodno Somaliland inay tahay waddan sharciyadu ka shaqeeyaan waxay noo tilmaamaan suxufiyiinta, siyaasiinta iyo saladiinta bila sharciga lagu xidhxidho. Markaan ku andacoono in waddanku u baahan yahay in la maal geliyo si dhaqaalaha loo dhiso, waxay noo tilmaamaan in suuq xor ah waddanku lahayn oo albaabaduhu u xidhan yihiin dad gooni ah, sida shirkadda Total oo waddanka oo dhan shidaalkiisu u xidhan yahay.


Hadda oo wafti culus waddankii ka iimaanayo su’aasha meesha taal waxa weeye ma ninkii ay ku eedeyn jidheen inuu cadow Somaliland yahay bay la kulmi doonaan, mise toodii bay ku adkaysan doonaan oo iyagoo fara madhan bay iska laaban doonaan.


In lala caraatamo dawladdii dunida ugu awood badnayd dhibaatooyin badan bay keentaa, meel ay wax u wadaan kooxda Rayale la garan waaye, toloow ma masaar bay liqeen!

 

 

 

East Africa Policy Institute
www.eastafricapi.com
info@easafricapi.com