“Doorashooyin Badan Ayaa Hore Dalka Uga Qabsoomay, Dib Ayaanan U Qiimaynaynaa Wixii Dhacay”


 


Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa.........

Hargeysa (TNN) - Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baas he Maxamed Faarax ayaa sheegay in doorashadii ugu dhibaatada badnayd ee dalka soo m artay ay ahayd doorashadii u dambeysay ee Goleyaasha deegaanka, waxaanu ku dooday inay Gole ahaan qiimayn ku samaynayaan doorashadaasi iyo gal-daloolooyinkeedii.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Doorashooyin badan ayaa hore dalka uga soo qabsoom ay, hase yeeshee tii ugu dhibaatadda badnayd waxay ahayd doorashadii Goleyaasha deeg aanka ee wadanka ka qabsoontay 28-kii Bishii November ee la soo dhaafay,”ayuu yidhi Gud domiye Ku xigeenka Wakiiladdu.

Baashe Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiiladda xil ka saaran yahay inay dib u qiimeeyaan doorashadii Goleyaasha deegaanka si aanay khaladaadkii dhacay dib ugu soo noq-noqon wadanka.

“Xil baa naga saaran in wixii dhacay Gole ahaan aanu dib u qiimayno, waxna laga soo saaro si aanay dib inoogu soo noq-noqon. Waxaanu is weydiinaynaa in aanu shir gudoon ahaan la kulano Komishanka iyo inaanu ugu yeedhno gole-weynaha markaa arrintaasi tallo marka aanu ka yeelano ayaanu go’aan ka qaadan doonaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo u waramayay caawa TV-ga Qaranka.

 

Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland