Dr. Gabboose oo Eedo Isugu Jira Maamul-xumo, Musuqmaasuq iyo Farogelin Doorasho u Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo


 

 


“Maamulka waxaan u haystaa dabacsanaani inay ka muuqato, musuqmaasuq inuu ka muuqdo, aragti aan ballaadhnayni inay ka muuqato, eex iyo qabiil”


“Waxaannu aaminsanahay dareeno nagu jira oo ah in xukuumadda ay ka muuqmuuqdaan astaamo muujinaya inay farogelinayso doorashooyinka, waxaannu tuhunsanahay in…”


Hargeysa (TNN)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UM MADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa eedaymo badan oo isugu jira maamul-xumo, musuqm aasuq, farogelin doorasho iyo qaar kale oo dhawr ah u jeediyey xukuumadda uu hoggaamiyo Mada xweyne Axmed Siilaanyo.

Dr. Gabboose waxa uu ku tilmaamay xukuumadda uu hore uga tirsanaa mid aan lahayn aragti balla adhan oo siyaasadeed, si ay dalka u gaadhsiiso horumarkii loo baahnaa, balse taa beddelkeeda ay ka muuqdaan dabac maamul, musuq, eex iyo qabiil. Waxa kale oo uu ku dhaliilay xadhigga masuuliy iinta eedaha musuqmaasuq u xidhan oo uu sheegay in lagu degdegay ee si ka fudud loo xallin kari lahaa.

“Riyadaydii weli kumaan qancin oo maamulka waxaan u haystaa dabacsanaani inay ka muuqato, m usuqmaasuq inuu ka muuqdo, aragti aan ballaadhnayni inay ka muuqato, eex iyo qabiil inay ka muu qdaa. Waxa aan isleeyahay kor bay u kaceen waa ganacsiga iyo waxyaabaha gaarka loo leeyahay, iyaguna ma sii socon karaan haddii aan qaranka maamulkiisu hagaagin. Markaa arrimahaasi ayaanu annagu is leenahay wax ka qabta.

Waxaan qabaa in aan xadhig, cago-juglayn iyo hanjabaad midna aan ummadda lagu gaadhsiin kar ayn bilays, dadnimadu waxay ku jirtaa wacyigelin, wadatashi iyo wax wada lahaansho, isku dulqaa dasho la sameeyo oo cagta loo dhigo, siyaasadda maanta degdeg baa ka muuqda, waxaannan Madaxweynaha kula talin lahaa inuu arrimaha cagta u dhigo oo aan degdeg laga yaabo inuu meel inaga tuuro lagula kicin muwaadiniinta, qof kastaa wuu gefi karaa, hase ahaatee ha la marsiiyo dariiqa sharciga ah. Waxa jira masuuliyiin waaweyn oo xidhxidhan, anigu ma lehi dabmi ma laha laakiin waxaan qabaa haddii cagaha loo dhigi lahaa in siyaabo badan lagu gaadhi kari lahaa in wax la saxo. Markaa Madaxweynaha ayey ku xidhan tahay in gaadiidka uu wado aannu jar ka tuurin illeyn shacbiga oo dhan baa dulsaarane,” ayuu yidhi Dr. Gabboose oo isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag u warramay shabakadda wararka ee Oodweynenews.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMMADDA waxa kale oo uu ku eedeeyey xukuumadda dalka ka talisay inay farogelin ku hayso hawlaha doorashooyinka iyo u diyaargarowgooda, waxaannu baaq arrintaa la xidhiidha u diray Madaxweyne Siilaanyo.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaannu aaminsanahay dareeno nagu jira oo ah in xukuumadda ay ka muuqmuuqdaan astaamo muujinaya inay farogelinayso doorashooyinka, wax aannu tuhunsanahay in hantida ummadda si khaldan loo isticmaalo, waxaan Madaxweynaha kula talin lahaa; Madaxweynihii ka horreeyey ee Daahir Rayaale wuxuu ku faanaa inuu qabtay dooras hooyin xor ah, waxaannu siiyey Madaxweynahan hadda talada haya fursad xalaal ah oo uu kula tartamay, kagana adkaaday. Sidaa darteed, Madaxweynaha waxaannu ka codsanaynaa ururrada iyo axsaabta tartamaysa in dareemada farogelineed ee jira uu il-gaar ah ku eego, dhibaato weyn bay keenaysaaye, in laga waantoobo oo faraha lagala baxo oo loo daayo Guddiga Diiwaangelinta. Waxaan kula dardaarmayaa Madaxweynaha inuu ku faano doorasho xor ah ayaan qabtay sidii Madaxweynihii ka horreeyey, waxaannu kula dardaarmaynaa in aannu dhibaato gacmihiisa dalkan ugu keenin isagoo is leh kanaad riixi kartaan iyo kanaad soo dhawaysan kartaan.”

Dhinaca kale, Dr. Gabboose oo ka hadlayey hawlaha tirakoobka taageerayaasha ururrada siyaasa dda iyo sida uu u arko kaalinta ururkiisu kaga jiro, waxa uu ku dooday in taageerada ururkiisu ka helay gobollada dalka marxaladii madax-ka-tirsiga kun qof ay muujisay in ururradu ku kala hadhe en oo ururkiisu kaalinta kowaad fadhiyo.

“Muddo 21 sannadood ah ayaa la leeyahay ictiraaf baa la raadinayaa, ururka UMADU waxa uu aa minsan yahay in aan weli wadadii saxda ahayd ee ictiraafku ku iman lahaa la hayn. Ictiraafka ugu weyni waxa weeye kow in ummaddu wax qabsato oo dalka la horumariyo, in maalgelinta shisheeye fursad loo siiyo. Waxaas oo dhan waxa nooga sii muhiimsan haddii Soomaaliya lala hadlayo iyo haddii la go’ayo, waxa muqadas naga ah in Somaliland noqoto ummad midaysan, waxa jira maanta gobollo dhan oo aan gacanta lagu hayn oo magac ahaan maqan. Markaa annaga barmaamujyada ugu waaweyn waxa weeye in si walaaltinimo ah in wixii tabasho ah aannu ula tagno oo aan ahayn baaq nabadeed oo afka ah ee ay noqoto barmaamuj silsilad ah oo xataa qof kasta loo tagi karo,” ayuu yidhi Dr. Gabboose oo ka hadlayey siyaasadda ururkiisa iyo waxyaabaha u qorshaysan inuu wax ka qabto
 

Source:Jam