Wasiirka Arimaha Dibadda Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Somaliland Oo Khudbad Dheer Ka Hor Jeediyay Goloha Guurtidda

 

 



"Wufuuda dalka imanaysa ee u badan wadamadda Reer Galbeedka ah darajadda sarrena leh.... "
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland

Hargeysa (TNN)- Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta iskugu yimaadeen Goloha Guurtidda Somalil and, ayay warbixin kaga dhagaysteen Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr: Maxamed C/laahi Cumar.

Fadhigan oo uu shir Gudoominayay Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad ee Goloha Guurtidda Somalila nd Sh. Axmed sh Nuux Furre,

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu Goloha uga warbixiyay halka ay marasio xaaladda Siyaasaddeed ee dibaddu, waxana uu sheegay in ay ku guulayteen in tii ay taladda dalka hayeen in ay xidhiidh Wanaagsan la yeeshaan qaar ka mid ah dalalka beesha caalamka.

Wasiirku waxa uu si adag ugu n uunuuxsaday waxyaabihii u qabsoomay tan iyo wakhtigii uu la wa reegay xilka Wasiirnimno, waxana uu sheegay in ay beesha caalamka ka dhaadhiciyeen Qadiyad da Somaliland.

Wasiir Maxamed Cumar waxa uu sheegay in uu si weyn u rumaysan yahay in xidhiidhka ka dhaxe eeya beesha caalamka iyo Somaliland uu yahay halkii ugu Wanaagsanayd ee uu abid marro xidh iidhkoodu waxana uu yidhi isaga oo arintaas ka hadlayaa “Xidhiidhka aanu lee nahay caalamka ha day tahay waddamadda Maraykanka ama waddamadda kale ee reer galbeedka ah, intuba waxa an aaminsanahay in ay meele wanaagsan marayaan, wax ba idinku habsaamin mayo xidhiidhka a ynu lee nahay waddamadda Yurub iyo kuwa Maraykanka, waxa ugu weyn in waddamadda Yurub ay intoodda badan laba jibaareen mucaawimaddii iyo kaalmaddii ay siin jireen Somaliland, waxaa taa dheer in waddamadda qaar Tusaale ahaan waddamadda Ingiriiska iyo wadanka Denmark in ay muwcaawimadaas ay si toos ah u siinayaan Somaliland, halka ay markii horre ay gacan sadd exaad soo marin jireen”.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay jiraan Wufuud badan oo ka socdda caalamka kuwaas oo ka soo degay Dalka, waxana uu sheegay in imaashiyaha ay yimaadeen dalka ay sababtay Xidhiidhka ay Somaliland la lee dahay caalamka intiisa kale, Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ay yadaddiilo far badan ay galisay dadka reer Somaliland ka dib markii wufuud caalami ahi ka soo dageen madaaradda dalka “Waxa si horr dhac ah u bilaabay oo rejo weyn in galinaysa in waddamadda qaar ay ku dhiiraddeen in ay toos ah ula shaqeeyaan Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland.


Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu dhanka kale sheegay in wufuudda dalka imanaysaa ay ka turjumayso horumarka ay gaadhay Somaliland, iyo xidhiidhka joogtadda ah ee ay samaysay Xukuumadda uu hugaaminayo Madaxweyne Siilaanyo waxana uu yidhi “Wufuuda dalka imanaysa ee u badan wadamadda Reer Galbeedka ah darajadda sarrena leh haday tahay safiiro, wasiiro xildhibaano iyo madax kale ha ahaadaane, haday tahay dalkalka reer galbeedka iyo wadamadda kale ee arintani waxay ka turjumaysaa horumarka dalka ka socda ee shacabka Somaliland ku tal aabssadeen waxay kalloo ka turjumayaan horumarka ay dawladdani ku talaabsatay”.

Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay in Xaaladda Somaliland waxa laga weydiin jirey muddii Lab aatanka sanno ee ay jirtey Goloh Amaanka, balse waxa uu wasiirku sheegay in ay nasiib wanaag tahay in wakhtigan si toos waxa looga weydiiyo masuuliyiinta Somaliland, taasna ay ku gaadheen ayuu yidhi wasiirku dadaalka Xukuuamdan Cusubi u gashay qadiyadda iyo karaamadda Somaliland.

 

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office