Wasiirul dawlaha A.Dibada Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan W/Khaarajiga Faransiiska

 



Paris ,June 25th,2011  (TNN)- Waxa maliintii khamiistii ee 23 kii bishan June soo gaadhay magaalada Paris ee xarunta wadanka Faraansiiska Wasiir dawlaha Arrimahaa Dibada ee Jamhuuriyada Somalilan d, Dr Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, isaga oo ka soo kicitimay dhinaca magaalada London ee dalka Ingiriis ka.


Waxaa fagarahaa Tareenada ee Paris sii diiran ugu soo dhaaweeyaay madaxda jaaliyada Somaliland ee dagan wadanka Faransiiska oo ay ka mid yihiin C/Raxmaan Yaasiin Maxamed oo ah xidhiidhiyaha jaaliyada, horeyna u ahaa gudoomiyihii jaaliyada iyo Siciid Ismaacil Muxumed oo ah wakiilka safaarada Jamhuuriyada Somaliland ee Faraansiiska.


Jimcihii waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiirka xafiiskii sa Monsieur Fréderic CLAVIER oo ah ku xii geenka Madaxa qaybta africa ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Faraansiiska iyo Mr Vincent ASTOUX oo ah sarkaal sare oo ka tirsaan wasaaradaasi.


Wasiirka waxa kulaankaasi ku wehelinayaay C/Raxman Yaasiin Maxamed, Maxamuud Cabdi Dacar oo ah wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya Bruxelles ee dalka Belgique iyo Siciid Ismaaciil.
Mr Fréderic CLAVIER oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay wasiirul dawlaha waxa uu yidhi “Mudane Was iir, waxaan sii diiraan kugu soo dhaweenayaa wadanka Faraansiiska. Mida xigtaa,waxaad iga gaadhsii sa salaan ka socota Madaxweynaha Wadanka faransiiska Monsieur Nicolas Sarkozy iyo aniga- ba, oo ku socota Madaxweynaha Md. Axmed Maxamuud Maxaamed Siilaanyo iyo shacabka Somaliland. ” Lab ada dhinaac waxay halkaasi ku yeesheen kulan qaatay saacad iyo dheeraad oo lagaga wada hadlay xiidhiidhka u dheexeeya Faraansiika iyo Somaliland.

“France waxay tix-galin mug-leh siinaysaa Nabadgalyada iyo Dimuqradiyada Somaliland, waxa kale oo France Wadamada Europe dhexdooda uga olalayn doontaa in tix-galinta Somaliland mudan tahay la siiyo aqoonsi ,” ayuu yidhi Mr Fédéric CLAVIER.


Sidoo kale Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo ka hadlay kulankaasi ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada arrimaha dibada sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda waxaanu yidhi “Waxan si khaas ah u soo dhaweynaynaa inaan kor u qaadno xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Faransiiska. waxaan soo  dhawayn aynaa shirkadaha Fransiiska ee doonaya in ay Somaliland maalgashadan, waxa kale oo dhiiri  gelinay naa xidhiidhka dhinaca dhaqanka ee laba dadyow.”

Waxaa isna wasiirul dawlaha kula kulmay xafiiskeeda Corinne BRUNON-MEUNIER, oo ah ku xigeenka Ma daxa Ha’yada Horuumarinta ee Faransiiska ee loo yaqaan Agence Française de Developpement, AFD.
Madame Corinne waxay wasiirul dawlaha u sheegtay inay Ha’yadeedu diyaar u tahay inay wax ka qab ato Ha’yaddu horumarinta dhinaca dhaqaalaha gaar ahaan xirfadaha la xidhiidha hawlaha Banaanku u qabtaan bulshada, sida uu noo xaqiijiyay C/Raxmaan Ibraahim Ismaaciil, oo ka mid ah qurba jooga So maliland ee ku dhaqan wadanka Faransiiska.

Source: Somaliland.Org