Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur Oo Sheegay Inay Siyaasadii Arrimaha Dibada Ee Somaliland Jaho-wareertay

 

 



Dr.Sacad Xisbigii Udub waxay ku dhawaaqeen inaanu doorashada ka qaybqgalayn, taaso.... ..........

Hargeysa (TNN) - Wakiilkii xukuumadii hore ee Daahir Rayaale u qaabilsanaa dalka Maraykanka Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, ayaa si ba’an uga dayriyay siyaasadda dibadda ee xukumad da Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu tilmaamay inaanay dib u dhac mooyee horu-socod lahayn.

Dr. Sacad, oo waraysi gaar ah oo uu magaalada Hargeysa kula yeeshay Wargeyska Geeska Af rika waxa kale oo uu ka hadlay burburka soo waajahay xisbigii UDUB iyo meelaha uu u tirinayo inay ka qayb qaateen burburintiisa. Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay Dr. Sacad, wux uu u dhacay sidan:

Dr.Sacad Xisbigii Udub waxay ku dhawaaqeen inaanu doorashada ka qaybqgalayn, taaso ka dhigan inuu sidaas kaga baxaayo saaxada siyaasada, haddaba xisbigii yaa burburkiisa ka musu ul ah, dalkuse maxuu ku waaya’yaa?

"Aad iyo aad ayaan idiinka mahadcelinayaa waraysigan aad iga qabanaysaan, maanta jariira diinuna runta marka la eego ee aan been la sheegayn jaraa’idka dalka ka soo baxa, jariirada qudhaata ee nin wax garanayaa oo jaraa’id macno leh soo bartay inuu akhriyo waata ugu ho raysa runtii. Taasna aad iyo aad ayaan idiinku bogaadinayaa dalkuna waa uu u baahan yahay jariirad caynkaas ah oo masuuliyad qaadi karta, oo fikrada ay cabirayso ee ay dadka u jeedina ysaa ay tahay fikrad xaqiiiqo ku salaysan.

Tan aad I waydiisay ee xisbiga Udub waa nasiib daro weyn oo dhacday, waana nasiibdaro aad odhan karto dadka reer Somaliland bahweyntii xisbiga lahayd Boorama ka bilaw oo Badhan gaadh, Berbera ka bilaw oo Buuhoodle gaadh, bahweynrtii intaas fadhiday ee aan reer qudha ahayn ee reeraha dalka degan oo dhan ahayd tacsi ayaan ka gaadhsiinayaa, aniguna naftayda ayaan tacsi ka siinayaa runtii.


Waayo bixitaanka xisbigaas Udub oo runtii Udub dhab ah ahaa, oo dalka iyo dadkaba soo dhis ay, dimuqraadiyadeena masuuliyadeeda qaaday, ka dhigay hubka maleeshiyaadkii dagaalamay iyada oo dunida meelo badan ay cidi kari wayday. Ninkii xisbiga sameeyay ee aas’aaskiisa laha a alle haw naxariistee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, arima uu ku kacay isaga oo isticmaalaya xisbigaas u ahaa aas’aasahiisa waa arimaha Somaliland dimuqraadiyadeeda, daganaanteeda iyo badbaadadeeda maanta meel dhigay,,

"Hubka dhig, Dawlad dhis, Dastuur iyo Asxaab samayn oo dadbadan ay ka soo horjeedeen oo qaarkood maanta masuuliyada Somaliland hayaan. Markaas xisbigaasu inuu maanta sidaas ku baxo waa arin naxdin leh, oo tacsi ka mudan dalka iyo dadka iyo aniga oo naftayda ka tacsiya ynaaya.

Sababaha keenay waa dhawr, ta ugu weyn ee ugu horaysa waa hoggaan xumo, hoggaan xu maa xisbigaas maanta dishay, masuuliyadeedana waxa qaadaya ragii loo dhiibay masuuliyada ee la yidhi hoggaamiya ee loo doortay, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa ugu baw dheer , Axmed Yuusuf Yaasin kama madhna, iyaga ayaa hoggaanka hayay iyagii ayaa is qabsaday, dabadeedna dagaalkii ka dhaxeeyay iyo lagdankii ayaa xisbigiina ku baaba’ay, dadkii xisbiga ku jirayna ay ku kala kaceen oo ay garabyo ku noqdeen.

Markay wax dhacaan waxa la yidhaahdaa waar waxani maxay ku dhaceen, haddaad taariikh da xisbiga eegto waxaad arkaysaa maraaxil ka bilaabmaysa ilaa intii uu Daahir Riyaale Kaahin madaxweynaha noqday, ee uu noqday gudoomiyhii xisbigu, xisbiguna xisbi ahaan muu shaqaynayn ee xisbiga waxa dul martay oo qabsatay fulinta, arintaas oo ah in madaxweynaha oo ahaa guddoomiyaha xisbiguna uu iska ilaalinaayay in uu xisbiga burucyadiisu ay dhismaan oo lagaga dhex tooso, markaas qoortuu kaga istaagay, ma jirto si kale oo loo macnayn karaa, taasi waa mid oo gaf bay ahayd markaad taariikhiyan eego.


Talabaad waxay ahayd 2009-kii shirweynii xisbiga ee lagu dooranayay hoggaanka, laba qalad oo waawayn ayaa ka dhacay oo aad maanta arkayso inay aas’aas u ahaayeen burburka maanta mid waxay ahayd in la yidhi labadii nin ee markaas taagnaa ee midna madaxweynaa ahaa midna ku xigeenka oo qudha tartanka loo ogal yahay, indho li’i dhago li’i ayay taasu ahayd, ta labaad labadooda ayaa ilaa 2014-ka haysanaaya labadaas mansab, taariikhada may dhacin taas oo kale, gartay iyagu ha carareen oo halaga reebo ciddii la tartami lahayd, waa macquul. Laakiin hadana ilaa 2014-ka ha ahaysteen waalibay ahayd. Hoggaankii maalintaa joogay labadaasun-maahee intii ku xeernayd ee wasiirada ahayd midna taariikhdu ku saamaxi mayso in aanay is hortaagin oo aanay odhan waa qalad, dimuqraadiyad kuma jirto, wanaag kuma jiro, xisbiguna waa inagaga burburayaa ee sacabka ayuunbaa loo tumay.


Iyada oo taasi ay dhacday ayaa la yidhi waxaan galaynaa doorashadii 2010-ka, dee xisbi tartan galaba ma ahayn, oo fulin uu madaxweyne hortaagan yahay oo waxba gacmaha ku hayn, xisbigana markii hore soo dishay, xisbi markaasba magac ahaa oo loo diiday inuu xisbi ahaan u tartamo ayuu ahaa, dad badan waxay qabaan in aanu runtii xisbigu tartanba galin oo markaas ninkii fulinta haystay tartanka uu galay, lakiin xisbi tartamaaya kumuu galin, waxaanay ahayd is dhiib, sidaas ayaana xisbigii lagaga guulaystay, oo ma dhacin taariikhada Afrika ee dhaw sidan oo kale.

Lakiin mid uun baan kuu sheegayaa xisbigan fikrad qurux badan ayuu ahaa, fikradiina wali halkeedii way joogtaa, dunida fikrada ugu xooga weyn ee aadame la macaamilaa waa fikrad wakhtigeeda timi cidina ma celin karto oo aan alle ahayn, Udub fikrad bay ahayd wakhtigeedii timi, mid wanaagsana way ahayd, laakiin dhibaatooyinkaas aan kuu sheegay ayaa xisbi ahaan halkuu joogo maanta gaadhsiiyay, fikrad ahaan xisbigu muu dhiman dalka iyo dadkaba qalbigood iyo naftoodaba waa uu ku jiraa, haddii isaga la soo celin kari waayo magaciisana mid u dhigma ayaa samaysmi doona insha allaah oo isaga oo fikaradii bahweynta wata insha allaahu soo baxi doona.

Intaas haddaynu ku dhaafno Udub, wakhtigii isugu keen danbaysay waxa aad aad uga dayrinaysay hanaanka ay u socoto siyaasadeenii arimaha dibada, wakhti kadib wax aad isbadal u aragtaa ma jiraan?


Arintaasu sidaas aan maalintaas ku idhi inay ka sii darto mooyaane kamay soo rayn, siyaasdeena dibada runtii hadaad maanta eegto waa mid aan aas’aas la yaqaano oo farta la saaro ku taagnayn. Siyaasad dibaded dunida oo dhan markaad eegto dawlada siyaasadeeda dibada waxa sameeya dad yar oo unugteeda leh, kuwaas oo madaxweyne uu u yahay durbaanka ninka u haya, dabadeedna wasiirada inta ugu muhiimsan ee sharafta dalka huwan sida wasaaradaha arimaha dibada, Gaashandhiga, Gudaha, Maaliyada iyo war-faafinta, wasaaradahaasu waa wasaaradaha biliga umadda sida kuwaas iyo dadka uu kala tashado madaxweyne arimaha badbaadada dalka oo ay la socdaan sirdoonku, intaas ayaa sameeya siyaasad dibadeed oo qiimo leh oo dal lagu wadi karo, anigu intaas oo wada socota oo siyaasad dibadeed dhigi karta dawladan kuma arko, markaas dhibaatada maanta inaga haysataa taas aan kuu sheegay weeye, isbadalna ilaa maalintaas isugu keen danbaysay ma jirin,inay ka sii darto mooyaane kama soo rayn.


Waxa jira madaxweyne Somaliya dhawaan loo doortay, waxa la tibaaxaa in uu erayo diblamaasiyadeed ku hadlo marka uu arimaha Somaliland ka hadlaayo, ereyadaas maxaynu ku tilmaami karnaa, mase la odhan karaa waa uu ka duwan yahay madaxdii hore ee Somaliya ka talin jirtay?

Run iyo been waxay tahay mooyaane waxa la yidhi “ Jiirku marka uu ku qaniino ayuu ku afuufaa ”, qaniinyo afuufidi ka danbayso weeye, aanigu ma aqaano ninkan la doortay, laakiin dadka la yidhi way yaqaanan waxay taariikhdiisa ku sheegeen inuu yahay nin aan ogalayn Somaliland madaxbanaan, intii uu imika hadlaayayna inta igaga soo duul duushay arimo diblamaasiyadeed oo haddana aad arkayso in ay huwan yahiin maro khafiif ah oo aan jiidhkay saarantahay qarinayn,taas aan qorsoonayan ayuu meesha soo dhigay.

Waxa uu ku hadlay midnimadii waanu sii wadaynaa, waxaan ugu jawaabaynaa, oo aan anigu jeclaa in wasaaradaheenan aan kuu sheegay ee dawladu inay ay ugu jawaabaan, waayo aamus ma jiro marakay timaado jiritaanka iyo gooni isku taaga Somaliland, aamusnaantanu waa raali lahaansho, oo dumarkaba waa lagu maheriyaa, in loo jawaabo ayay ahayd oo la yidhaahdo waxaad yeelaysaa midnimadaas aad sheegaysaa beri horay dhamaatay, ma mid aanan ogayn ayaad ka hadlaysaa mise mid aad adigu jeebka ku haysato, waayo marka horeba hadalkiisu waa uu qaldan yahay marka uu leeyahay midnimadiii ka hadhi mayno, waxa weeye ma aqoonsanin jiritaanka Somaliland, sidaas in loogu jawaabo weeyaan aamuskuna waa nin raali ka ahuun, aniga oo kale waan ka digagaxanayaa midkaas, waayo dunidii kale oo dhan ayaa arkaysa aamuska Somaliland, aqbalaadna waa loo qaadan doonaana.

Waxa jira Filim lagu aflagaadeeyay diinta islaamka iyo nabi Muxamed (NNKH),kaas oo rabshado lagaga soo horjeedo talaabadaas iyo dalka Maraykanka oo Filimka lagu sameeyay ay ka dhac een inta badan dunida muslimka, rabshadahaas sideed u aragtaa?


Filimkaasu runtii waa mid dhibaato keenay, filim ay sameeyeen dad dano kala jaad ah leh, ama arimahaas kala jaadka ah ay iyaga ku kalifeen inay sameeyeen, dhinac waxa weeye dad islaamka neceb iyo muslimiinta, niman waxa la sheegayay isugu jiray Maraykan iyo Masaari kiristaan ah oo waligoodba ka soo horjeeday dawlada masar, oo lahaa hadaanu kiristaan nahay xuquuqdaydii waa nalaga qaaday, Islaamka magaciisii ayaa xaqayagii nalagu duudsiiyay.

Sidaad ogtahay sawiro aflaam iyo wax ka horeeyayba Yurub waa lagu sameeyay, laakiin waa dad iyagu doonaya inay qalbigooda ku shaafiyaan oo ay ku aar goostaan, oo u arka Islaamku inuu qaldanyahay dawladaha muslimkuna ay qaldanyahiin, qaarbaa ku jira Maraykan ah oo Kirsitaan ah, samayntiisu waa qalad, dadkan ka dhiidhiyay ee muslimka ahna xaqbay u leeyahiin inay ka dhiidhiyaan, laakiin dhiidhigu xadbuu leeyahay, joojiya hadii maxkamado la saari karaayo saara, laakiin maaha dhiidhi dad aan iyagu waxba gaysan naftooda lagu qaado, looma baahana taas, sababta oo ah adigiibay kugu soo celinaysaa.

Allena isagaa aayadkiisa quraanka ah ku sheegay aayadan “ Anagaa quraanka soo dajinay anigaana ka xifdiyaaya, ilaa qiyaamaha” in la ilaawo aayadaas quraanka ah maaha, alle ayaa leh diinta isagaana soo dajiyay oo ku balan qaaday inuu ilaalinaayo, taas macnaheedu maaha in aynu ka seexano inagu, laakiin cid aan waxba gaysan inaan aano ku dilno waa fool xumo.

Ugu danbayntii maxaad talo iyo tusaale u soo jeedin lahayd xukuumada iyo shacbi weynaha Somaliland, markaynu ka hadlayno qaranimada Somaliland?

Somaliland waa xaqiiqo asaliya oo alle halkan dhigay, isaguun baana badali kara jiritaankeeda, horuna u marin kara dibna u dhigi kara, laakiin alle ayaa halkan dhigay, alle ayaana dadkeena siiyay dagaal iyo xassuuq dabadeed, shuhadadii ku dhimatay arwaaxdoodu, hadduu dadka qaarkii ilawsanyahiin daruurta agteeda ayay maalin walba ka soo eegayaan, saraakiishii, dhalinayradii, dadkii caadiga ahaa ee ay diyaaraduhu rasaasta la dhacayeen, iskamay tagin ee iyagaa leh jamuuriyadan, iyaga ayaa doonayay dadkii ay dhaleen inay halkii ka sii wadaan.

Maamuladii hore iyo kan maanta joogaba dadkaa u dhiibtay oo amaano weeye, gooni isku taaga in la ilaaliyo waajib weeye, maanta Somaliland madaxweyne jooga iyo mid ka danbeeyaaba waajib wadniya weeye oo dhiigii shuhadada iyo taariikhduba ay ku xukumeen.
Maanta xukumada meesha joogtaa ma muujin da’daal caynkaas ah, dadku waxa uu kaa qaadnayaa fikrad, waxaan la yaabsanahay oo aan aad uga xumahay eraygii la odhan jiray aqoonsi iyo ictiraaf xataa dadweynii ayaa aamusay waayo, xaguu qabtay, ictiraaf doonkeenii ille xaqa inoo siiyay ee la’aantii aynaan ku gaadhayn dawlad dhamaystiran, ma waxay noqotay Somaliya ayaa ay dawlad Ingiriis iyo dawlado reergalbeed iyo kuwo Afrikaan ah, oo uu Ingiriis dhex ordaayo isaga oo waligiiba ka soo horjeeday madaxbanaanida Somaliland, imikana doonaya inuu sameeyo dawlad fadaraal ah, oo doonay inay Hargayasa gobal noqoto, waxa looga aamusan yahay ee maamulka maanta meesha taagan uu rayigiisa u cadayn la’yahay ayaan la yaabsanahay, hadii aan taasi dag dag u dhacin, oo aanay ku soo noqon tubtii saxa ahayd ee lagu badbaadinayay dalka, ceeb weyn ayaa dhaci doonta, alle taas haynaga hayee.


Waxaan ku boorin lahaa dadweynahana waar yaan been laydiin sheegin jamhuuriyad dhanbaad afar maalmood ku dhiibteen, oo duniduba ay inugula yaabtay, ba’bay ahayd in aynu afar maalmood ku dhiibnay jamhuuriyad dhan oo duniduna aqoonsatay, yeelko’ee alle maanta waxa uu ina waafajiyay inana la soo noqono, waar hadana dayacaadeeda alle iyo taariikhda midna raali inagaga noqon maayaan.


Dadweynoow waxaan maanta idiiku yeedhayaa waar dib u soo celiya hadalkaad sheegana jirteen ee aqoonsi iyo ictiraaf, waar badbaadadiina iyo tadalkuba way ku jirtaa, ogaadana Somaliya maanta waxba idiinkama soo socdaan, nin Somaliya ku dhashayna ma ogala Somaliland madaxbanaan, hodaad ku noqtaan oo imika sidii geel kariib ah oo nirgahiisii lagu haysto Buuleburde aad dib u carartaan oo istaanada aad sii jiidhaan, sidiiniibaydun soo noqon idinka oo baa’bay, marlabaadna taariikhu fursad idin siinmayso.

Source: Geeska