Dr. Axmed Xuseen Ciise oo u muuqda inuu ugu fadalo cad-yahay X ubnaha u tartamaya Hogaaminta Xisbiga UCID ee Shirweynaha August 2012


 


Bristol-UK (TNN) Sida ay ilo muhiim ah oo xog-ogaal ahi ay tilmaamayaan waxaa beryahan danbe soo xoogaysanayay masuuliyiin badan oo ka tirsan siyaasyiinta qaranka oo diyaar garow xooggan ugu jira inay u tartamaan jagada Gudoomiyenimada Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID marka la  gaadho qab ashada Shirweynaha xisbiga UCID oo lagu wado in uu caasimada Hargeisa ka qabsoomo bilowga Bisha Ogosto (August) ee sanadka danbe 2012.

Hadaba iyada oo horeba ay badheedhahooda ka muujiyeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin  Gudoomiy eha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Mudane Aaden Mire Waqaf ayaa waxa iyana si weyn loo hadal hayaa inuu jagadaas u tartamo aqoonyahanka weyn ee siyaasiga ah Dr. Axmed Xuseen Ciise oo hore u ahaan jiray  xoghayaha   Arri maha Debada ee Xisbiga Kulmiye, hase yeeshee markii danbe iskii isaga casilay xilka uu ka hayay KUL MIYE ka dib markii uu ka biyo diiday habkii loo maamulay shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee Burco lagu qabtay bishii August ee sanadkii 2008, halkaasoo lagu soo doortay Murashaxyadii Xisbiga KULMIYE ee Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo  labad uba maanta ah Madax weynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland.

Jariidada Somali Voice ayaa waxaa soo gaadhaya warar muhiim ah oo tilmaamaya in dadweyne  a ad u tiro badani ay culays ku saarayaan Mudane Axmed Xuseen Ciise inuu hogaanka Xisbiga UCID u  tar tamo maadaama uu beryhan danbe oo dhanba si aan toos ahayn oo dadban uu gacan weyn ugu  lah aa Xisbiga UCID, iyada oo dhinaca kalana la tilmaamayo in hadii uu Dr. Axmed Maxamed  Cii se uu ku guulaysto hogaaminta Xisbiga UCID uu horumarin doono siina balaadhin doono Xisbiga  U CID oo  doo ashadii Madaxtimada ee u danbaysay ka galay kaalinta saddexaad, taasoo taageera yaasha  xisbig aas niyad jab weyn ku riday. Hadaba hadii uu jagadaas Gudoomiyenimada Xisbigaasi UCID uu tartamo Dr. Axmed Xuseen Ciise waxaa dad badani ay tilmaamayaan inuu ku guulaysan karo jagadaas iyada oo ay u muuqato inuu ugu fadlo cad yahay murashixiinta la filayo inay ku tartamaan jagadaas, arrim aha u sahli kara in Dr. Axmed Xuseen Ciise uu ku guulaysto hogaaminta Xisbiga UCID ayaa aynu kasoo qaadan karnaa qodobadan:

1. Iyada oo guud ahaan dhulweynaha Somaliland ay ka jirto dabaysha isbedel doonka iyo rabitaanka dadweynaha oo ah inay arkaan wajiyo hogaamiyayaal siyaasadeed oo cusub, taasina waxay Dr. Axm ed siin kartaa fursad fiican, maadaama aanuu maamul xukuumadeed oo hore xil ka qaban.


2. Xisbiga UCID oo u baahan inuu helo hogaamiye adag oo mucaarid ah oo shanta sanadood ee soo socda si weyna gaashaanka ugu daruura Xukuumadan Kulmiye oo ah mid xukunka ku timi cod aad u laxaad badan oo 50% ah taasoo u muuqata inaanay Xukuumadu cidna waxba iskaga tirinayn, loona baahan yahay in la helo hogaamiye mucaarid ah oo is hortaaga marka ay xukuumadu darjiidho, shan sanno ka dibna hogaamiyahaasi uu noqdo nin miisaan culus leh oo jagada kula loolama Mudane  Siilaa nyo, taasoo u muuqata in Dr. Axmed Xuseen Ciise uu yahay masuul kaalintaas buuxin kara.


3. Isaga oo Dr. Axmed Xuseen Ciise uu yahay aqoon yahan aad ugu qoto dheer xidhiidhka caalamka, isla markaasna ku guulaysan kara in Xisbiyada Mucaaridka ah uu dunida uga helo hanti iyo dhaqaale aad u balaadhan oo ay ku hawl galaan, si aanay Xukuumada dalka ka jirtaa ugu muquunin awood  dha qaale Xisbiyada mucaaridka ah maadaama ay maaliyada qaranka gacanta ku hayso xukuumadu.


4. Dhinaca Samaflka oo uu caan ku yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise iyada oo uu kaalin muuqata oo  sh akhsiyan ah uu ka geystay hawlo samofal oo kala duwan oo ay ka mid tahay dhinaca horumarinta  W axbarshada iyo waliba isaga oo gacan ka geystay abaarihii dalkeena ka dhacay sanadihii la soo  dhaa fay iyada oo uu Booyado biyo ah ugu deeqay deegaano ay ka mid ahayd Sabowanaag, iyada oo  hawl ahaas samofal uu sumcad balaadhan uu ku hantay, oo ay suurto gal u tahay inuu sii labanlaabo  kaali ntaas Samofal oo Xisbiga UCID kaalintiisa siyaasadeed la ladhi karo.


5. iyo tan u u muhiimsan ah in Dr. Axmed Xuseen Ciise uu u muuqdo shakhsi middayn kara, isla ma  rk aasna heli kara codka gobolka Hargeisa oo ah gobolka Somaliland ugu weyn, uguna dadka badan  gob olada Somaliland, maadaama uu yahay nin labada Daamood ee Hargeysaba ka soo jeeda isla  markaa sna ay isku ehel iyo qaraabo dhown ay yihiin Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  iya da oo uu taageero balaadhana ka heli karo.

Hadaba hadii uu Dr. Axmed Xuseen Ciise ku guulaysto hogaaminta Xisbiga UCID isla markaasna uu isu soo taago tartanka Madaxtooyada ee Somaliland ee sanadka 2015ka dhinacyadee ayuu xoogga saari doonaa?


Sida uu horey ugu tilmaamay xiligii uu ku talo jiray inuu ku tartamayo Murashaxa Madaxweynanim o ee xisbiga KULMIYE waxa uu digtoorku hoosta ka xarriiqay afar qodob oo uu ahmiyad siin doono, kuw aas oo kala ah:


1. Kor u qaadista dhaqaalaha dalka, isaga oo sheegay inuu ahmiyad weyn saari doono  Warshaday nta Dalka, dhimista Cashuuraha, tacabka Beeraha iyo la dagaalanka Nabaad guurka.


2. In kor loo qaado tayada Waxbarashada dalka iyo sidii loo shaqaalaysiin lahaa Dhalinyarta.


3. In la helo Cadaalad loo siman yahay, iyo wax ka qabashada heerka Cadaalada iyo Maxkamadaha dalka ka jira.


4. Aqoonsiga dalka, isaga oo shakhsi ahaan khibrad dheeraad ah u leh sidii loo dedejin lahaa in la  ict iraafo Somaliland, maadaama uu mudo badan ka soo shaqeeyey arrimahaasi xidhiidh  balaadha na uu la leeyahay siyaasyiin waaweyn oo Maraykan iyo reer Yurub ah.


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Kaysar Cabdilaahi oo aanu wax ka waydiinay arrintan ku  saab san in Dr. Axmed Xuseen Ciise isu sharaxyo hogaaminta xisbigooda ayaa sheegay inay Xisbi  ah aan soo dhawaynayaan muwaadin kasta oo danaynaya inuu u tartamo jagadaas, hase yeeshee waxa uu sheegay inaan la gaadhin wakhtigii ay is sharaxaadu ku haboonayd

” Xisbiga UCID waxa uu soo dhawaynayaa muwaadin kasta oo ku soo biiraya ama isku sharaxya xil  ka sta oo ka mid ah hogaaminta UCID, Xisbiga UCID waa xisbi dumuqraadi ah hogaankiisana ay xubnaha xisbigu doorteen, kaasoo uu hogaankiisa hayo Eng. Faysal Cali waraabe, marka la gaadho xiliga  tarta nka, dabcan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta, Dr. Axmed Xuseen Ciisena waa muwaadin  Somalila nd u dhashay oo dalkiisa wax badan taray, wax u diidaya in uu xisbiga uu doono iska sharaxana ma arko” ayuu yidhi Kaysar Cabdilaahi Maxamed.

Siday doontaba ha ahaatee Dr. Axmed Xuseen Ciise ayaa ka mid ah Siyaasiyiin badan oo la hadal  ha yo inay iyaguna isu soo sharaxaan hogaaminta Xisbigaas UCID kuwaas oo ay ka mid yihiin Prof. Ibara him Maygaag Samatar oo macalin sare ka ah Jaamacad ku taala dalka Japan, Eng. Cabdifataax Maxa med Sheekh oo ah xubin sare oo ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Dr. Maxamed Rashiid  She ekh Xasan, Cabdiraxmaan Cirro, Aadan Mire Waqaf iyo waliba Faysal Cali oo laga yaabo inuu dib isu soo sharaxo inkasta oo uu hore u sheegay inuu xisbiga wareejin doono, doorashadii Madaxtooyada ka hor.


 

 


Muse Ibrahim
The Somali Voice
somalivoice@europe.com
www.thesomalivoice.co.uk