Dr:Axmed Xuseen oo Ardayda Jaamacadda Hargeysa u jeediyay Lecture Sayniska iyo Caalamku Halka uu Marayo

 

Kulan balaadhan oo lagu qabtay xalay Hoolka Jaamacada Hargeysa ayuu Dr Axmed Xuseen Ciise in ka badan Shan Boqol oo Arday uga jeediyay Lecture ku saabsan Sayniska iyo halka uu caalamku marayo, sidoo kale waxa uu is barbardhig ku sameeyay Sayniska iyo Diintu Xidhiidhka ay leeyihiin.

Lecture ka uu Dr Axmed Xuseen Ciise Ardayda Jaamacada Hargeysa u jeediyay waxa soo qaban qaabiyay Ardayda iyo Hormuudka Kuliyada Sayniska ee Jamacada Hargeysa, waxaanay ahayd mid ka mid ah Dadaalada Hormuudka Kuliyada Culuumta Sayniska Axmed Maxamed Cadaad ugu jiro sidii ay Ardaydu u heli lahayd waayo aragnimo la xidhiidha dhinaca Sayniska, waxaanay Ardayda iyo Macalimiintu Kuliyadaasi Dr Axmed Xuseen Ciise ku waydiiyeen Su’aalo

Dr Xuseen C/laahi Bulxan Gudoomiyaha Jamacada Hargeysa iyo Madaxa Kuliyada Sayniska Axmed Maxamed Cadaad ayaa iyana Kulankaasi ka jeediyay khudbado la xidhiidha qaabka ay doonayaan in ay wax uga badalaan Nidaamka ay Jaamacadu u shaqayso, waxaanay sheegeen inay joogtaynayaan Lecture da caynkan oo kale ah oo ay sheegeen in loo baahan yahay inay Ardaydu ka Fa’iidaysto, waxaanay Ardaydu Shahaado Gudoonsiiyeen Axmed Maxamed Cadaad.


Waxa kale oo isna ka hadlay kulankaasi Maxamed Saleebaan oo ah Gudoomiyaha Ardayda Qaybta Sayniska.

 

 

 



Waaheen