Dr.Axmed Xuseen Ciise oo ka Qaybgalaya Shir Sa ynis yahanada Adduunka uga Furmaya Rabat

 

Waxa maanta la filayaa inuu ka ambabaxo Hargeysa Dr. Axmed Xuseen Ciise, Guddoomiyaha Machadka IPRT, isaga oo ku sii jeeda caasimadda dalka Moroc co oo lagu qabanayo shirweyne u dhexeeya Xarumaha Syniska (National Academies of Science). Waxa shirkaa ka soo qaybgalaya in ka badan 70 waddan.


Shirkan oo lagu magacaabay “Scientists and Scholars Advancing Human Rights” waxa iskugu imanaya madaxda Akademiyada Syniska ee aduunka.

Dr. Axmed Xuseen Ciise waxa lagu martiqaaday inuu ka jeediyo laba khubadood oo midkood yahay: Universal Human Rights, a Personal Perspective, ka kalena yahay “Science in Times of Political Crisis”.

Mar aanu weydiinay muhumidda shirkan Dr. Axmed wuxuu noo sheegay in shirarka noocani ay bilaabmeen 2006dii looguna talagalay in diiradda ay Akademiyada waaweyni saaraan dhibaatooyinka la xidhiidha xuquuqda aadamaha iyo dhibaatooyinka ka dhasha burburka siyaasadeed.

“marka dhibaatooyinku bataan ama siyaasadda dalalka qas galo, waxa luma tacliinta khaasatan tacliinta sare ee waxtar iyo wax soo saarka leh, arrimahaasina waxay aad u saameeyaan dalalka soo koraya”. Ayuu yidhi Dr. Axmed.

“Dhibaatooyinka bulshada la soo darsa Somalilandna maanta hortaagan waxa ka mid ah sidaan anigu u arko, masalan xagga caafimaadka dawo la’aan ama taxadir la’aanta dawooyinka dadku isticmaalaan oo qaarkood fojari yihiin cid ka ilaalisaana aanay jirin”, waxay keeni kartaa arrintaasi cawaaqib badan oo ay ka mid yihiin cudurada adkaysaga badan oo si hawl yar u fida”. Waxay ka mid tahay arrimaha aan ku soo bandhigi doono doodaha, isleeyahana taageero ugu raadi Somaliland”.

Arrimaha kale ee halkaa lagaga hadli doono waxa ka mid ah sida xagga syniska sare iyo technoolojiyada la isku dayi karo in dalalku isku soo dawaadaan oo aan qaar cidla lagaga tegin sida aduunku maanta yahay oo aqoontii syniska ee sare ay ku sii yaraanayaan dalalka soo koraya, taas oo qudheedu meel ka dhaca ku ah xuquuda bulsho.

Dr. Axmed Xuseen Ciise ooh ore u ahaan jiray Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Kulmiye wuxuu dhawr bilood ka baxay xisbigaas. In muddo ah saaxadda siyaasadda Somaliland waxaad moodaa inuu ka gaabsaday isaga oo ku hawlan uun dhismaha xarun cusub Abaarso Tech (Abaarso Science and Technology Academy) oo dhismaheedu ka socda meel u dhaxaysa Abaarso iyo Arabsiyo.
 


Waaheen