Dr. Bulxan Oo Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Ku Tilmaamay Niman Aan Ogolayn In Ururada La Furo, kana Cabsi Qaba Inay Meesha Ka Baxaan Oo Dad Bulshada Uga Wanaagsani yimaadaan


 


“Qof Wal Oo Aduunka Guudkiisa Ku Nooli Damac Wuu Leeyahay, Aniguna Dalkayga In Aan Xag Macalinim o, Xag Dhakhtarnimo Iyo Xag Siyaasadeedba Ugu Shaqeeyo Waan Ku Hamiyaa Diyaarna Waan U Ahay”.

“Waxa Nasiib Daro Ah Dadka Loo Dhiibay Distuurka Ilaalintiisa Iyo Kobcintiisa Oo Ah Guurtida Inay Ka Do orbideen Dantii Caamka Ahayd Inay Iyagu Isku Kordhiyaan Oo Kursiga Isku Sii Dhajiyaan”

“Arimaha Aniga Mar Walba I Mashquuliya Warwar Badana I Galiya Waxa Weeyi Dhalinyaradaa Shaqada La’, Waa Nasiib Daro In Ardaygii Lagu Soo Tabcay Ee Intaas Oo Sano Wax Soo Baranayey……..”

Hargeysa, September 13, 2010 (TNN) – Dr. Xuseen C/laahi Bulxan oo ah Guddoomiyaha Jaamacada  Harg eysa ayaa sheegay in Hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran aanay u muuqan kuwo ogol furista  urura da Siyaasada, isla markaana ay ka cabsi qabaan inay iyagu meesha ka baxaan oo la helo dad bulshada uga wanaagsan, kaas oo tilmaamay in aanay soconayn anigaa haysanaya oo waligay halkaa yuururaya, arintaasina waxay u eegtahay buu yidhi Dr. Bulxan siyaasadii kaligii taliyihii Siyaad Barre oo kale.

Dr. Bulxan Waxa kale oo uu dhaliil weyn ka muujiyey golaha guurtida oo uu ku sheegay inay ahaayeen dadkii loo dhiibay ilaalinta dastuurka iyo kobcintiisa, balse ay ka doorbideen dantii caamka ahayd inay iyagu isku kordhiyaan si ay Kursiga ugu sii nagaadaan.

Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen C/laahi Bulxan oo xalay khadka Telefoonka ugu  warama yey Wargeyska Haatuf ayaa sidoo kale sheegay inuu walaac weyn ka qabo dhalinyarada jaamacadaha ka qalinjabiyey iyo kuwa kaleba ee shaqo la’aantu sida baahsan u saamaysay inay tahay caqabad hor leh, taas oo xukuumadda cusub looga baahan yahay inay samayso qorshihii xaaladaasi qalafsan lagaga saari lahaa.

Ugu horayna Dr. Xuseen Bulxan oo ka hadlaya inay Hogaamiyayaasha Axsaabtu ogol yihiin in la furo  uru rada iyo in kale, waxa uu yidhi “Saddexda Nin ee Saddexda xisbi Madaxda ka ah waxay u muuqdaan  nim an aan ogolayn in la furo Ururada, taasina waxay noqonaysaa kalsoonid daro ay ka cabsi qabaan inay meesha ka baxaan haddii Ururada la furo oo waxa iman kara rag iyaga uga wanaagsan bulshada, markaa socon mayso anigaa haysanaya oo waligay halkaa yuururaya, arintaasina waxay u eegtahay siyaasadii kaligii taliyihii Siyaad barre oo kale waa wax ceeb ah hadii ay taagnaadaan aniga marbaa la i doortay oo waligay halkii ayaan taagnaanayaa.

Sadexdan nin ee xisbiyaa horjoogayaasha ka ahi ma ogala in lala tartamo oo waxay diidayaan in rag ay ummadu u baahan tahay soo istaagaan badka, Arintan Ururada hadii la furi waayana Somaliland iyo  Dim uqraadiyadeedaba wax dan ah oo ugu jirtaa ma jirto, hadii ay dhacdo sida muuqata in ay sadexda Guddoomiye in ay ka cago jiidaan sida muuqata in la furo Ururada waxay noqonayaan sadexdoobu Sadex Siyaad Barre oo kalidood taliyayaal ah.”

Dr Bulxan oo ka hadlaya sida uu u arko hadalkii dhawaan Madaxwayne Siilaanyo ku sheegay in uu oofin doono balantii wakhtigii ololaha ee furista ururada, waxa uu yidhi “Waxaan isaga Amaan aad u  balaad han u soo jeedinayaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo aan ku  amaa nay hadalkii uu maalintii dhawayd ka soo saaray Furista xisbiyada badan ee uu cadeeyey in uu diyaar u yahay in uu oofiyo balantiisii xiligii ololaha.”

S: Dr. Sideed u aragtaa muddo kordhintan Guurtidu ay samaysay ee Shacbiga reer Somaliland, Madaxwa yne Siilaanyo, Komishanka iyo Axsaabta qaranka dhamaantood, ay wada Naqdiyeen, halkeesa ayaad u malaynaysaa in Sartu ka qudhuntay?

J: Waxa nasiib daro ah Dadka loo dhiibay Distuurka ilaalintiisa iyo kobcintiisa oo ah Golaha Guurtida inay ka doorbideen dantii caamka ahayd inay iyagu wax isku kordhiyaan oo ay kursiga isku sii dhajiyaan, Gola ha Guurtida waxaynu wada ognahay in dani ugu jirto mudadan aynu la yaabnay ee ay mar walba la  ima nayaan, waxaan anigu u arkaa in xal in lagaba qaado awooda maanta ay u leeyihiin inay isku kordhiyaan muddada xilkooda oo maanta hadii ay suurta gal tahay Maxkada Sare ay arimahaas kala wareegto ama cidii kale ee xakamayn karta sharci darada intaas leeg.

Golaha Guurtidu maaha Golihii aynu naqaanay ee Somaliland ku baxsan jirtey ee dalkan Taariikhdiisa ku xardhanaa ee aynu ogayn halka ay ka taagnaayeen in ummadani cadaalad hesho, mana aha Golihii hore ee marka dhibi timaado ummmada dhexdhexaadka u noqon jiray ee dalka halkaa soo gaadhsiiyey, Golah ani waa Golle u badan Dhaxaltooyo oo Nidaamkaas ku yimid, waxaana nasiib daro ah inay Distuurkii  qara nka siin waayeen Xushmadii uu lahaa ee istaahilayey halka sartu ay ka qudhuntayna waa halkaas, wax isna dhibka qayb ka qaatey Distuurka qaranka oo wali isaguna qabyo ah oo aan wali wax lagu daray jirin waana in arintaas la arkaa marka hore, waxa ayaandaro dalka haysata ah, Golle dhan oo shaqadoodiiba ka dhigtey miyeynu kordhisanaa, Madaxwaynaha imisaynu u kordhinaa.

Anigu waxaan qabaa oo aan aaminsanahay doorashooyinkan wakhtiga badan la rabo in dib loo dhigo  ga bigoodaba in lagu qaban karo muddo sanad ama sanad iyo badh ugu badnaan, hadii ay daacad ka  noqd aa odayaashan kuris jecaylku dishooday iyo nimanka iyagu tartamaya ee baqanaya, waa wax aad u  fud ud in mudadaas aynu soo sheegnay lagu qabto, waxaanan u soo jeedinayaa saddexda nin ee  tartamaya asha ah iyagu inay iska daayaan baqashada oo ay shacbigooda soo hordhigaan talada dalka oo kalsooni muujiyaan hadii Alle u qoray ilayn wax ka hor istaagi karaa ma jirto damacooda siyaasiga ahe.

S: Waxa jirta shaqo la’aan baahsan oo aafaysay dhalinyaradii dalkani lahaa, waxa jooga suuqyada  mag aalooyinka dalka dhalinyaro wax soo baratay oo quus ka taagan dalka, qaar ayaa baddaha isku guray si ay naftooda isbadal ugu sameeyaan, markaa maxaad u soo jeedin lahayd xukuumada maanta taladda dalka haysa?

J: Arimaha aniga mar walba i mashquuliya warwar badana i galiya waxa weeyi dhalinyaradaa shaqada la’, ama jaamacad ha ka soo baxaan ama meel kaleba ha ka yimaadaane, waxa dalka ka dhacday arday sanad hore qalin jabiyey wali ilaa hadana aan wax shaqo ah haynin, waa nasiib daro in ardaygii lagu soo tabcay ee intaas oo sano wax soo baranayey uu waxba tari waayo Faamligiisii ku soo tabcay.

Xukuumada rajo badan ayaa laga qabay inkasta oo aanan anigu wali rajo goynin waayo waxa run ah inay u baahan tahay in wakhti la siiyo si ay wax uga qabato dhibaatooyinkaas dalka ku habsaday, laakiin waxaan u soo jeedinaya xukuumada uu madaxwayne Siilaanyo madaxwaynaha ka yahay maanta inay xooga saarto siddii dhalinyarada loogu abuuri lahaa shaqooyin, taas haddii lagu guuleysto waxa meesha ka baxaya dhibaatooyin badan oo dalkan ku soo fool leh. Waxa ka jira hay’adaha dad hada hawl gab ah oo aan la siinin wax ay ku nastaan oo ay shaqada kaga maarmaan, haddii dadka waweyn la siiyo hawl gab waxa fursad heli lahaa dhalinyarada dalka wax u baratey. Ardayda jaamacadayada ka qalin jabisay marka aanu geyno hay’adaha ee ay muddo yar joogaan iyagii oo aan wali wax badan barin ayaa waxa laga soo xidhaa albaabka, waxaan xukuumada dhinaceeda u soo jeedin lahaa inay wasaarad walba xooga saarto siddii ay u qaadan lahayd ardayda Jaamacadaha iyo dhamaanba dhalinyarada dalka.

S: Maadaama oo aad inta badan Siyaasada dalka si dad badan uga dhexmuuqatey, wax damac ahi ma kaaga jiraa Hogaanka dalka iyo in aad siyaasada dalka si toos ah uga dhex muuqato?

J: Qof wal oo aduunka guudkiisa ku nooli inta uu nool yahay damac wuu leeyahay, marka uu dhinto  ayu un buu damaciisa la dhintaa, aniguna dalkayga in aan xag macalinimo, xag dhakhtarnimo iyo xag  siyaa sadeedba ugu shaqeeyo waan ku hamiyaa diyaarna waan u ahay.

Mansabka Madaxwayne-nimo iyo mid ka waynba damac wuu igaga jiraa, qofku muwaadinka ahina hadii uu leeyahay aqoonteeda taas inuu damco xaq ayuu u leeyahay, laakiin wax waliba wakhtigiisa ayuu leeyahay, marka taas wakhtigeeda la gaadhana cid aan u daba fadhiisanayaa ma jirto.

S: Sideed U Aragtaa Dadka Xuskoodu Dhiman Yahay Ee Suuqyada Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Ku Dayacan Maadaama Oo Aad Tahay Dhakhtar Dhinaca Dhimirka Ah, Maxaadse Xukuumadda Arimhaasi Uga Soo Jeedin Lahayd?

J: Dhibaato aad wayn ayaa haysata dadkaas Ilaahay xuskooda ka qaaday, dhibaato aad u wayna waxay ku hayaan qosaskii ay ka dhasheen iyo ummadda kale ee Somaliland, Aniga hawshaasi waa shaqadayda waana cilmiga aan bartay, in wax loo qabto dadkaas waa arin aanan marnaba anigu ka hadhin, inkasta oo daruufuhu ii saamixi waayeen, xukuumadu haddii ay talo diyaar u tahay waanu la shaqaynaynaa, cid kale oo wax taraysaa haddii ay jirtana waanu soo dhawaynaynaa, cilmigeediina waanu la garab istaagaynaa, Ugu danbeyn waxaan soo jeedinayaa in wax loo qabto dadkaas walaalaheen ah ee dhibaatadu haysato.

Source:Haatuf