“Magaca S/land dunida ku faafiya ayay is lahaayeen, laakiin waxa ku dhacday tacajab iyo weerar oo…..”
 


 


Dr. Dixood oo ka hadlay Suxufiyiin ajaanib ah oo dalka ku sugan


Hargeysa 21, September 2010 (TNN)- Dr. Cumar Cilmi Dixood, ayaa beeniyay jiritaanka warar saxaafadda qaarkeed ka faafiyeen in Suxufiyiin caalami ah oo ka socda Telefishanka Channel2 oo dalka ku sugan.

Mr. Dixood oo xalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Ogaal, waxa uu faahfaahin ka bixiyay  sab abta ay Suxufiyiintaas oo laba xubnood ka kooban u socdaan. “Jariirada qortay magacyo khaldan iyo baasaabooro khaldan, war khaldan oo aan sax ahayn baa la siiyay. Laba wariye oo caan ah oo gabadhu ay tahay gabadh Madaxweyne kasta oo Maraykan ah 15-kii sano ee ugu dambeeyay oo aanay waraysani aanu jirin, sida Bill Cliton, Bush iyo Obama oo ay bishii ugu dambaysay ay  w araysatay,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Tony Blair (Raysal-wasaarihii hore ee UK) laba todobaad ka hor ayey waraysatay. Markaa muddo dawladii hore intay joogtay ahna waxay  doo nayeen dalka inay yimaadaan, markaa fiisada way soo codsadeen, waxaana siiyay saddex  wasa aradood. Wasiirka Warfaafintu warqad ayuu soo qoray uu leeyahay dadka labadaa baasaboor leh hala siiyo fiise, wasiirka Arrimaha gudduhuna wuu ogolaaday, waxaanu yidhi waxaan  amray aa laanta Socdaalku inay dadkaas siiyaan fiise, wasaaradda Arrimaha dibaduna wasiir ku-xigeen ka iyo agaasimuhu iyagoo is horfadhiya ayay warqad ku lifaaqeen oo ay yidhaahdeen labadaa  b aasaboor ee magacyadaasi ku qoran yihiin hala siiyo fiise. Markaa dad dhuumaalaysi ku yimi  maa ha, madaarna kamay soo degine Jigjiga ayay ka yimaadeen oo ay ka soo raaceen baabuur, mar kaa laanta socdaalka ee Tog-Wajaale ayey soo mareen, sidaa ayey dalka ku soo galeen.”

Cumar Dixood waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalka Suxufiyiintan ajaanibka ah. “Dadkaasi waxay doonayeen inay Somaliland filim ka qabtaan, kaasoo la yidhaahdo ‘maxaa loo ictiraafi waayey Somaliland, waxan bay gaadhaye’ maalintii ugu horeysayna waxay ka bilaabeen garoonka diyaaradihii ka soo kacayay iyo miiga magaalada badhtankiisa yaala iyo dumarka  laca gta doolarka ah la fadhiya suuqyada, ruux dumar ah ayaa 240 kun oo doolar u soo bandhigtay, way la yaabeen. Si kasta ha ahaatee dad baa waxay isu tuseen sidee aniga oo maqan cidi ay u bixisay fiise…aniga ayaa Arrimaha dibada qaabilsan, aniga ayay tahay in la isoo maro,  shaqadu na inay ruux keliya u xidhnaato maaha. Markaa dadkii dhibaato ayaa soo gaadhay, dad baahan oo ay islahaayeen caawiya oo magacooda dunida ku faafiya ayey iyagu doonayeen inay iyaga oo faraxsan ka noqdaan. Laakiin, waxa ku dhacday tacajab iyo weerar lagu soo qaaday oo loo  diid ay shaqadii ay qabsan lahaayeen iyo xoriyadii ay ku dhaqdhaqaaqi lahaayeen, inkasta oo  maa nta 11: 30 subaxnimo askartii laga dul qaaday, iyagu markaa waxay gaadheen inay yidhaahdaan arligii waanu ka noqonaynaam,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in ugu dambayn la xaliyay carqaladihii lagala hortegay Suxufiyiintan doonayay inay filim ka sameeyaan Somaliland. “Waxa dhacday arrintii in la ladqabeeyey oo iyagiina  raalig elin la siiyey, laguna yidhi shaqadiinii wixii idiin hadhsan qabsada, cidii madax ah ee  waraysana ysaana waraysta, wixii sawiro ah ee magaalada guddaheeda aad ka qaadanaysaana qaata, laa kiin meelaha qaarkood iska daaya, markaa hawshoodii badh badan baa luntay oo waxay  islahaa yeen badda Berbera taga oo budhcad-baddeeda iyo arrimhaas wax ka duuba. Laakiin, umay suuro galin, waxayse tageen meelihii xasuuqa oo waxay sawireen dadkeenii oo ay wali lafihii isku xidh-xidhan yihiin, sidaas baanay arrintii ku dhamaatay, hawshana intii ay doonayeen afar cisho inay ku qabsadaan maalin ayuun bay isugu soo ururtay, laakiin iyaga oo faraxsan ayey tageen.

Wasiirka Arrimaha dibadana ismalihi wuxuu is yidhi Dr. Dixood ayaa shaqadaadii qabtay, waayo waxaaban islahaa waa ninkaad isugu dhad hawdihiin, arrintana haddii ay dalka soo galeen wasa aradda Daakhiliga yaa ku shaqo leh, isla markaa anigu maan fahmin sababta ay ilaa heer  arrintu nooga gaadhay,” ayuu raaciyay.



Source: Wargeyska Ogaal